27/04/2025
ISKU RIDKA OO GUUL LAGA GAARAY.
Gabar ayaa Waalidkeeda ku Qasbi jireen Waxbarasho. balse, markey dhameysay Dugsi Sare ayey Gabadhii Nacday sii Wadista Waxbarashadii kale.
Waxey jeclaatay iney iska Guursato, maadaama ay jeclaatay wiil oo ay ilmo Habreed yihiin, laakin Waalidkeeda uma Oggoleyn Guur iyo waxaas ilaa ay Heer Sare ka gaarto Waxbarashada.
Markii Dambe sidii ay u Fekeraysayayay u soo baxday in ay Jin isku Riddo,
Subixii dambe ayey Xadreysay oo ay Qeylo ku dhufatay oo Dhulka isku garaacday.
Reerkii waa ka wada Naxeen Gabadha waxa ku dhacay, Culimo ayaa loogu yeeray ka dibna Jin baa ka dhex Qeyliyey.
lala Sheekeystay Jinkii wuxuu Aakhir warkii ku soo Gaba-gabeeyay, “Anagu idinka waxba nagama qaadi kartaan. Waxaan ka Cabsanaa Wiilka Hebel la yiraahdo. Wiilkaasi haddii Gabadhan la siiyo, Wallaahi waa na loo yaabaa".
Waa Wiilkii ay Gabadhu jecleyd oo ay ilma Habreedka ahaayeen, Arrintii Culimadu markey Waalidkii u sheegeen, si uu Jinka uga Cararo, horaa Gabadhii laga siiyey Wiilkii ay u jeclayd oo weliba loo dhisay. Kkkk.
Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.