22/04/2026
“Waxaa lasoo warinayaa in Dalka India ee Soomaalidu ay caafimaadka u aado gaar ahaan xanuunka kansarka ay lacagtii ku labajibaareen Dalaaliin Soomaali ah kuwaasi oo sicirka kor u qaaday waxayna u dhexeeyaan qofki xanuunsanaa iyo dhakhtarki, dhakhaatiirta Hindidu awal raqiis ayeey daweynta ku bixin jireen rag baase soo baxay dhahaya anaa kuu aqaan kuwaan sida lacagta looga dhalshee ii kaadi”
“Qofki Dalka ka yimi ee Hindiya caafimaadka u yimi ayeey geesaha ka galayaan, lacag badan ayeey u sheegayaan, kadibna dhakhtarki saxda ahaa lama tuso, qof baa lagu xirayaa dalaaleydaas ka mid ah, isaguu ku dagayaa, kadib markii la kexeeyo waxaa la gaynayaa dhakhtar aan ahayn kuu u socday, kadibna waxaa laga qaadaa lacag carbuun ah, shankun ama toban kun oo dollar shub ayaa la leeyahay wixi kale waa laysaga imaan doonaa,20 cisho ama 30 cisho kadib qofkii waxaa la leeyahay lacagtaadi waa dhamaatay mid kalaa lagaa rabaa ee keen,qofku ma oga waxa loo sameeyey,cida uu la kulmay ma kuu doonayey baa intaba ma oga”
“dhibkaas umaddeena haysta waxaa lagu xalin karaa in Dowladda Soomaaliya iyo wadamada ay Soomaalidu caafimaadka u aadaan Dowladohooda ay isku xirmaan oo wadashaqeyn ay ka dhaxayso, sidaasna uu muwaadinku ku helo macluumaad sax ah, lana helo safaarado Dalkeena ka turjumaya oo si sax ah u shaqaynaya, kana damqanaya Masaakiintan xoolohooda la dhacayo wax caafimaad ahna aan heleyn”
Dr Cabdiqani Maxamed Jeylaani