Dollo Addo Hospital Rasmi page

Dollo Addo Hospital Rasmi page Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dollo Addo Hospital Rasmi page, Hospital, Dollo Addo Town, 03 kabele, Addis Ababa.

Dollo ado hospital is among the functional hospitals which are located in somali regional state and it is based in dollo ado woreda ,liban zone with catchment population of 100,000-150,000.

12/04/2025

OGEYSIIS! OGEYSIIS!

CUSBITALKA DOLLO ADDO waxuu ogeysiinayaa
Dhamaan bulshada kudhaqan magaalada DOLLO ADDO iyo nawaaxigeeda in cusbitalka DOLLO ADDO laga bilaabay adeega QALIINKA Cleft lip and palate (Ciyaalka Faruuran) ooy Faruurta (Bishimaha ) iyoo Dhanxanaga iisu go'on yihiin OO BILAASH AH

SIDAA DARTEED CUSBITALKU WAXUU UGU BAAQAYAA BULSHADA INEY KA FAAIIDEYSTAAN ADEEGAN OO SOCONDOON HAL ASBUUC.

Telphone: +251967718220
Hormud : +252613107248

Maanta ooy Taariqda tahay 3/8/2017E.c Anako Xafiiska Caafimaadka DDS kaashaneeyna Waxaan Dijitaal ubadalnay Raajada Isbi...
11/04/2025

Maanta ooy Taariqda tahay 3/8/2017E.c Anako Xafiiska Caafimaadka DDS kaashaneeyna Waxaan Dijitaal ubadalnay Raajada Isbitaalka taasoo caqabada badan bulshada kuhaaysay.
Faa’iidooyinka Casriyeynta(ama in loo badalo Raajada cusbitaalka dijitaal) aay leedahay qaar kamid ah:

1. Sawir Degdeg ah iyo Natiijada oo Dhakhso lahela: Raajata dijitaalka ah waxay bixineeysa sawirka isla markiiba, taasoo yareeyneeysa wakhtiga sugitaanka bukaanka oo dedejinaysa ogaanshaha cudurka iyo daaweynta.

2. Tayada Sawirka oo Sareysa: Sawirrada dijitaalka ah waxay leeyihiin faahfaahin sare, taasoo ka caawinaysa dhakhaatiirta in si sax ah loo ogaado cudurrada.

3. Shucaaca(Radationka) keeda oo yar: dijitaal X-ray ka waxay u baahantahy shucaac ((Radiations) ka yar tan filimka(raajatadi h**e), taasoo ka dhigaysa mid ufeecan ammaanka bukaanka( patient safety).

4. Kaydinta iyo Helitaanka Sawirrada oo Sahlan: Sawirrada dijitaalka ah si fudud ayaa loogu kaydin karaa .

5. Fududeeynta Geedi socodka shaqada: looma baahna daabacaada filimada , taasoo yareynaysa kharashka iyo waqtiga,(Sawirka hadii loobaahdo in laqaato telephonka,Flash ,CD ..ayaa lagu qaadan karaa) taasoo fududeeyneeysa geedi socodka shaqada.

EID MUBARAK!Waxaan  maanta ooy Taariqda tahay 20/7/2017 T.I aan  daahfurnay  si rasmi ahna shaqadii u bilaabay aalada ca...
29/03/2025

EID MUBARAK!

Waxaan maanta ooy Taariqda tahay 20/7/2017 T.I aan daahfurnay si rasmi ahna shaqadii u bilaabay aalada casriga ee hanaanka adeeg bixinta farmasiga ee afka qalaad lagu yidhaahdo electronic auditable pharmaceutical transaction services(eAPTS) .
Adeegaan cusbitaalka lagu soo kordhiyay ayaa kamid ah dadaalada Xafiiska Caafimaadka DDS aas kutayeeynaayo adeeg bixinta caafimaad ee bulshada iyoo soo kordhinta ku shaqeeynta cusbitaalada ee nidaamka aaladaha casriga (Digital systemka).

Adeega eAPTS ayaa sahlaya inay bukaannadu wakhti kooban ku helaan adeeg tayeysan islamarkaana cusbitaalka u fududeynaysa inay si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqa dawooyinka, iyada oo sido kalena abuuraysa adeeg islaxisaabtan iyo cadcadaan leh.
Marka 1aad ALLAH (SWA) ayaa mahad iska leh.marka 2aad waxaan aad iyoo aad ugu mahadcelineeynaa Xafiiska Caafimaadka DDS gaar ahaan Waxda daaweynta iyo baxnaanada .

DENGUE FEVER Waxa Dib usoo noqotay Xumada Loo yaqaano DENGUE FEVER waxaana keena Fayriska Dengue virus (DENV). waxana ay...
27/03/2025

DENGUE FEVER

Waxa Dib usoo noqotay Xumada Loo yaqaano DENGUE FEVER waxaana keena Fayriska Dengue virus (DENV). waxana ay ku gudubtaaa ama gudbiya kaneecada qaybteeda dhidig iyada oo ku qaniinta.

CALAAMADAHA BILAWGA AH EE UU ISKU ARKI KARO QOFKU WAXA KA MID AH

1) Xumad badan.Gar ahaan xiliga cadceed dhaca
2)Daal badan
3) murqo xanuun iyo lafo xanuun
4) Xumad badan
5) Finan
6) indhaha guntooda oo xanuun laga dareemo
7) yalaalugo iyo matag
8) caabuq ku dhasha hawo mareenka

F.G Bilawga H**e ee xumadani waxa ay isku calaamado dhaw yihiin Hargabka

SIDEE BAA LOOGA HORTAGI KARAA

1) Xidhashada marakaneecada Xiliga hurdada
2) iyada oo la buufiyo Meelaha ay ku dhalato kaneecadu sida guryaha.
3) meelaha ay biyuhu fadhiistaan oo la iska nadiifiyo sida bulaacadaha iyo godadka
4) Xidhashada dhar dhaa dheer qariyana jidhka xiliga seexashada
5) in la daboolo weelasha biyaha lagu shubto sida foostooyinka iyo taangiyada
6) marsashada kareemyada ka hor taga qaniiyada kaneecada

DAWEYNTA
waxa la isku raacsan yahay in wax dawo ah la siin Karin bukaan leh xumadan. Marka laga reebo Xumad baabiiyaha loo yaqaaano PARACETAMOL (Acetaminophen)

Calamadaha kale ee xamudan waxa lagula tacalaa iyada oo qofka talooyin kale la siinaayo sida ( Nasiimo badan , fuuq bax hadii u leeyahayna la siiyo wax tamarta usoo celiya,)

DIGNIIN
bukaanka leh xumadan dawooyinka anuu qaadan karin waxa ka mid ah NON STEROID ANTI INFLAMMATORY DRUGS (NSAIDS) ka
sida Ibuprofen iyo Aspirin

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIISDollo Ado Primary Hospital waxuu ogeysiinayaaDhamaan bulshada kudhaqan magaalada Dollo Ado  iy...
07/03/2025

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

Dollo Ado Primary Hospital waxuu ogeysiinayaa
Dhamaan bulshada kudhaqan magaalada Dollo Ado iyo Nawaaxigeeda in Hosbitalka Dollo Ado laga bilaabi doono Adeega Qaliinka Cleft lip and palate(Ciyaalka Faruuran) ooy Faruurta(Bishimaha ) iyo Dhanxanaga iisu go'on yihiin oo Bilaash ah.

1. Diwangalintu Waxay bilabaneysaa Jimco ,Yekatit 28 ILAA 24, Megabit 2017T.I (March 7, ilaa April 2, 2025).

Sidaa Darteed Hospitalka Wuxuu Ugu Baqayaa Inay Bulshada Kafaideystan Adeegan Bilaashka

Tel:0967718220
Hormud:0613107248

31/01/2025
Case review.  1 26 year old male Patient present with sudden onset of abdominal pain of 9 hrs duration associated with 3...
25/01/2025

Case review. 1
26 year old male Patient present with sudden onset of abdominal pain of 9 hrs duration associated with 3 episodes of vomiting and slight abdominal distension with failure to pass f***s but was passing flatus otherwise no fever urinary complain no hx of smoking no hx of chronic illness
P/E
• GA :acutely sick looking
• V/s pr 104
• B/p 100/70
• RR 30
• T 37.4
Abd :slightly distended moves with respiration with guarding and rigdty all over the abdomen
Pr: stool on examaing finger
Ix cbc : wbc 37000 neutrophil 88% hgb 17.5 plt 504000

With assessment of generalised peritonitis 2ndry to ?perforated viscous hew was taken to the OR and intraop finding was frankly gangrenous small bowel 100 cm from ligament of teriz up to 150 cm away from lieocecal valve with palpable thrombus in mesenteric vessels.
Done resection and jejuno ileal anastomosis with remaining segment of bowel 250cm wit intact ileoceal valve
Postoperatively patient was doing finally kept in the hospital for 8 days and discharged improved.

waxaan aad  U mahadsan maamulka Degmada Dollow Ado iyo shacab weynaha degmada oo lacag 3 milion ah ku deeqay hospitaalka...
18/01/2025

waxaan aad U mahadsan maamulka Degmada Dollow Ado iyo shacab weynaha degmada oo lacag 3 milion ah ku deeqay hospitaalka Guud ee Degmada Dollow Ado. Lacagtaas oo looga gol leeyahay in lagu soo iibiyo mashiin muhiim u ah hospitaalka & guud ahaan bulsha weynta ku dhaqan Gobolka, xaduudaha, iyo bukaan kasta oo u baahan daryeel caafimaad.

16/01/2025

Qeeybta 2 aad
Wacyigin ku sababsan malariya

Maxaa dhacaya haddii aan uur leeyahay?
Haddii aad uur leedahay, khatarta inaad qaaddo malariyada waxay ka sarreysaa dadka kale, waxaana laga yaabaa inaad si aad u xun u xanuunsato. Malaria waxay kugu keeni kartaa dhibaatooyinkaan soo socda:
- Dilin (miscarriage) – Tani waa marka uurku uu dhammaado iskiis ka hor inta aadan uurka lahayn 28 usbuuc.
- Ilma ama Dhallaanka oos Misaankiisa aad uyaryahy oo dhasho(a baby that is born too small),
- Ilmaha ama Dhallanka oo bilo dhiman ah (too early), ama ilmo qaba malaariyada(infected with malaria).
- Dhimashada hooyada ama ilmaha– Ilmuhu wuxuu dhiman karaa ka hor ama ka dib dhalashada.
Kahortaga malaariyada
Cunista ama Qaniinyada kaneecada si aas uyareeysid
● Waa inaas xirataa Mara kaneecada habeenki
● waa inaas Iska xagaajisaa Nadaafada Gurigaaga Nawaaxigisa oos iska xagaajisaa meelaha Biyaha aay Fadhiistan iyoo Qashimaha laga dhiga
● Isticmaal buufinka cayayaanka dila ama kareemka ka kooban DEET ama kiimiko loo yaqaan picaridin hadii aas helikarto
Sida loo daweeyo malaariyada
Hadii lagaa helo Malaariya Dhakhaatiirta waxay kusiinaan Daawoyin si looga saaro Jirkaado jeermiska sababa malaariyada. Waxaa jira daawooyin kala duwan. Dadka badankooda ayaa u baahan inay qaataan in ka badan hal daawo.
Inta badan dadka waxaay qaadan karaan kiniinada afka, laakiin dadka qaba malaariyada daran waxay u baahan yihiin isbitaal Inlaseexiyo oo Xididka(IV)daawo laga siiyo.
markii aad bilowdo daawada Kadib waxaa laguu sameeynaa Baadhitaan tijaabo dhiig ah maalin kasta dhowr maalmood. Tijaabooyinkaas ayaa lagu hubinayaa in daawadu shaqaynayso. Haddii aysan shaqayn, dhakhtarku wuxuu kuubadalaa Daawoyinka

Ipps
Ado hospital

14/01/2025

Wacyigin ku sababsan malariya.
Qeeybta 1aad
Waa maxay malariya?
Malaria waa cudur ay keento infekshin uu sababo parasaayidka (nooc ka mid ah jeermiska). Kaneecada ayaa gudbisa Malariyada
Malaria waxay ka jirtaa dalkeena,Deegaankenaa ,Dagmadeena iyoo Nawaaxigeeda .Malaariyada Waxay noqon kartaa mid fudud ama mid daran. Malaria daran waxay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo culus iyo xitaa dhimasho.

Maxay yihiin calaamadaha malaria?
Calaamadaha caadiga ah waxaa ka mid ah:
- Qandho(fever)
- Qabow(chills)
- Dhidid(sweating)
- madax xanuun(headaches)
- jir xanuun(body aches)
- Daal (tiredness)
- Dhibaatooyinka caloosha, oo ay kujuraan cunta xumi, lallabo iyo matag, calool xanuun iyo shuban
- Maqaarka oo huruud noqda-Tani waxaa loo yaqaannaa Cagaarshoow
- wadna Garaac dagdag ah ama Naqaska oo kugu dhaga (fast heart rate or breathing)
Malaariyada daran waxay keeni kartaa calaamado kale, sida:
- Khalkhal maskaxeed(confusion)
- Inaas aragto ama maqasho dhawaaqyo aan jirin (seeing or hearing things that are not really there)
- Qallal (seizures)
- kaadi dhiig(dark or bloody urine)
Ma u baahanahay in aan lakulmo dhakhtar ama kalkaaliye?
Haa utag ama laxiriir dhakhtarka ama kalkaaliyaha
Baadhitaan ma u baahanahay?
Haa. Haddii dhakhtarka ama kalkaaliyuhu u maleynayo inaad qabto malariya, waxay dalban doonaan baaritaan dhiig si loo raadiyo parasaayidka sababta u ah. Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo parasaayidka ah. Haddii aad qabto malariya, dhakhtarku wuxuu u baahan yahay inuu ogaado nooca aad qabto si u kuu siiso daawa sax ah. Baaritaanka dhiigga ayaa sidoo kale muujin kara haddii malarial ay sabab u tahay dhibaatooyinka caafimaad ee kale.

Ipps
Ado hospital

Address

Dollo Addo Town, 03 Kabele
Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dollo Addo Hospital Rasmi page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dollo Addo Hospital Rasmi page:

Share

Category