
24/04/2025
DULMIGA AY DAWLADA INA CAGJAR KU HAYSO DHALIYARADA DEEGAANKA.
Laamaha amniga iyo policeka magaalada jijiga ayaa dhawr jeer kusoo noqnoqday guriga Ibraahim Abdikadir iyaga oo haweenka iyo caruurta ku amray inay caawaba ka guuraan guriga iyaga oon wadan wax warqad maxkamadeed ah.
Inbraahim ayaa qaraabo dhaw la ah wiikii yaraa ee 17 jirka ahaa ee la sheegay in jeelka lagu dilay. Lama oga waxa ibraahim uu galabsaday ee loo raadsabayo lkn wararka qaar ayaa sheegaya in lagu haysto maxuu arinka wiilka udadi waayay oo uu uqarin waayay, una aamusiin waayay wiilka lq dilay aabihii maadama uu qaraabo dhaw layahay. Xog kale ayaa sheegaysa in ibraahim lagu haysto muxuu utagi waayay shir lagu tilmaamay shirka wada tashigay dhaliyarada deegaanka oo uu mustafe cagjar hogaaminayay maanta, shirkaas oo la sheegay inayna ka qaybgalin ibraahim iyo koox dhalinyaro kale oo magaalada joogtay.
Waxaa wax aad looga xumaado ah in tacsidii wiilka oo wali socota hadana la raadsado inraahim. Tani waxay ku tusaysaa cadaadiska iyo cabudhka lagu hayo dhalinta deegaanka.
Hadaba hadayna dhulkoodu dhulkooda ku heli karin nabad ma waxaa la rabaa inay tahriinaan??
Ibraahim ayaan ilaa galabta la haynin meel uu jaan iyo cidhib dhigay?
Codka shacabka