20/04/2025
XANUUNKA MACAANKA (diabetic mellitus)
# waa maxay xanuunka macaanku?
@ Macaanku waa mid ka mida xanuunada jiitama amaba lala noolaado waana xanuun ka yimaada marka sonkorta(glucose) dhiiga ku jirtaa ka badato xaddigii caadiga ahaa ee uu Alle ugu talo galay. Macaanku waxa uu ka dhashaa laba sababood midkood oo kal ah:
-Inay yaraato ama la waayo insulinta uu jidhku soo saaro
-In ay unugyada jidhku iska caabiyaan ama ka jawaabi waayaan insuliinta jidhku soo daayay.
maxay insuliintu?
Insuliintu waa dheecan(hormone) laga soo daayo ganaca(pancreas) waxana soo daaya unugyo loo yaqaan ( B-cells) oo ganaca ku yaala. Insuliinta waxa lagu soo daayaa dhiigga marka uu qofku cunto cuno ka dib waxaana uu door muhiima ka qaataa inuu yareeyo sonkorta dhiigga ku jirta isagoo carinaya unugyada jidhka si ay u qaataan sonkorta(glucose).
waxa loo qaybiyaa noocyo kala duwan waxana lagu saleeyaa noocyadaas xilliga uu yimaado macaanku iyo sababta keentay . macaanka waxa ugu caansan saddex nooc oo kala ah:
●Macaanka nooca koobaad ah (Type 1 diabetes mellitus)
Macaanka nooca koobaadi waxa uu ka dhashaa xaalad uu difaaca jidhku baabi'iyo ama uu burburiyo unugyada insuliinta soo saara ee ganaca laga helo (B-cells) taasina waxay keenta inay yaraato xaddiga insulinta ah ee ganacu soo daayo. Xaaladdan waxa loo yaqaana ( Autoimmine disease) badankana lama garanayo waxa keena. Nooca koobaad ee macaanku waxa u uku badanyahay oo lagu arkaa 30 jirka wixii ka yar waana lagu arki karaa 30 wixii ka weyn.
●Macaanka nooca labaad ah (Type 2 diabetes mellitus)
Nooca labaad waa nooca ugu caansan uguna badan ee uu macaanku leeyahay waxana uu caanku yahay in unugyada jidhku iska caabin u yeeshaan insulinta ama u jawaabi waayaan . Noocani waxa aad loogu arkaa dadka 30ka ka weyn waxaana uu aad ula xidhiidhaa baruurta badan( obesity), jimicsi la aanta iyo cuntooyink aan caafimaadka u fiicnayn
Sido kle dhalinyaradana wa ku dhici karaa.
●Macaanka yimaadda wakhtiga uurka (Gestational diabetes).
Macaankan waxa lagu arkaa wakhtiga ay hooyadu uurka leedahay waxana sababa in jidhka hooyadu aanu wakhtigaas soo daynin insulin ku filan. Macaankani waxa siiba la arkaa saddexda bilood ee dhexe iyo saddexda dambe.
macaanka waxa ugu caansan:
1)Kaadida oo badata
2)Harraad badan
3)Gaajo badan
4)Daal badan
5)Aragga oo daciifa
6)Nabarada oo h**e u bogsan waaya
7)Caabuq(infection soo noqnoqda)
8.Dareenka gacmaha iyo lugaha oo yaraada (nooca 2).
iyo cidda Khatarta ugu jirta Cudurka
Nooca 1: Badanaa wuxuu ka dhashaa arrimo hidde-sidaha ah (genetic) iyo waxyaabaha deegaanka.
Nooca 2: Waxaa sababi kara:
-Cayil xad-dhaaf ah.
-jimicsi la’aanta.
-Cuntada sonkorta iyo dufanka badan leh.
-in hido ahaan uu u leeyahay qoskiisu
macaanka leh haddii aanuu daawooyinka si wanaagsan u qaadan amaba si wanaagsan loo daweyn waxa uu khatar ugu jiraa inuu macaanku ku keeno dhibaatooyin badan oo ay masuul ka tahay sonkorta badan ee dhiigga ku jirta.
waxa ka mida:
1)Dhibaatooyin ku dhaca wadnaha iyo xididada( cardiovascular complications) kuwaasoo dadajiya inuu bukaanku yeesho faalig( stroke) iyo wadnaha oo si degdega u istaaga( heart attack).
2)Neerfaha oo dhaawacma (Neuropathy) oo keena inuu bukaanku laguha hoose ku yeesho xannuun iyo dareenka oo ka guura.
3)Kelyaha oo dhaawacma (Nephropathy) oo keena inay shaqo gabaan dabadeed uu bukaanku ka maarmi waayo in dhiigga loo maydho(dialysis).
4)Indhaha oo dhaawacma (Retinopathy) oo sababa dhibaatooyin xagga araga ah.
Lugaha oo dhaawacma iyadoo ay ugu wacantahay dhiigga soo gaadhaya oo yaraada iyo nerfaha oo dhaawacma .
loo baadhaa xanuunka macaanka?
Ururka caafimaad ee macaanka maraykanku oo loo yaqaan American Diabetic Association (ADA) waxay habraac ka dhigeen in 3dan baadhis la sameeyo oo haddii 2 kamida la helo iyadoo la samaynayo 2 ilaa 3 jeer oo danbe si loo xaqiijiyo in macaan jiro:
1)FBG(Fasting blood sugar): habkan waxa la qaadaa sonkorta qof aan cunin 8 saac markaa macaan hadduu jiro waa inay ka badataa >126 mg/dl
2)RBS(random blood sugar):waa inay ka badataa >200 mg/dl + calaamadihii macaankana .
3)postprandial Oral glucose: habkan qofka waxa la siiyaa 75g oo sonkor ah 2 saac kadibana waa la cabiraa, waa inay ka badataa >200 haddii macaan jiro
● waxa jira isna shaybaadh lagula socdo heerka sonkorta jirta oo loo yaqaano HA1c
iyo Maareynta Xanuunka
1. Nooca Koowaad:
-Isticmaalka insulin
-Kormeer joogto ah oo sonkorta dhiigga ah.
-Raashin caafimaad leh iyo jimicsi joogto ah.
2. Nooca Labaad:
-Bedelka hab-nololeedka (miisaan dhimista, jimicsiga, iyo cunista cunto caafimaad leh).
-NB. waxa lagu dhaweeyaa kiniino , se 15% oo kamida macaanka nooca 2aad waxay u baahdaan insuliin si loo xakameeyo macaankooda.
-Daawooyinkana waxa ka mida ah kuwa afka laga qaato (metformin iyo kuwa kale).
Hortagga Xanuunka Macaanka (Gaar ahaan Nooca 2)
1)Ilaalinta miisaanka caafimaadka leh.
2)Cunista cunto isku dheelitiran, oo hodan ku ah khudradda iyo miraha.
3)Jimicsi joogto ah (ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii, 5 maalmood usbuucii).
4)Iska yareynta sonkorta iyo dufanka faraha badan.
4)Kormeer joogto ah haddii aad leedahay taariikh qoys oo cudurka ah
■La nooloow Macaanka adoo Cawaaqibtiisana ka hortagaya!!!
Ma ogtahay haddii aanad qaadan ama aanad u qaadan dawada macaanka sidii ugu haboonayd in dhibaatooyinkani mahadhooyin k**a kacdo ah ku noqon karaan caafimaad kaaga
1)In kelyahaagu shaqada gabaan
2)In indho beel kugu iman karo
3)in lugahaaga nabar ku samaysmi karo kaas oo sabab u noqon kara in lugaha lagu jaro
4)inuu qayb ka noqon karo oo kordhin karo khatarta uu faalig kuugu dhici karo.
5)in uu sabab u noqon karo in xinjir ku samaysanto xididdada wadnaha waraabiya.
W/Q- Khadar Cali Cismaan (Sama-wade)