26/09/2021
Gabadh kasta oo Muslimad ah waa inay ogaataa Arrimahan:
1. Haku degdegin inaad ka guurto guriga waalidkaa. Way fududahay inaad guurto, laakiin way adag tahay inaad ku soo noqoto marka xaaladdu kugu xumaato. Arrin kasta ogaysii Waalidkaa oo kala tasho.
2. Ha sugin nin ku guursada, adiga oo aan baran inaad noloshaada dabarto. Waad noolaan kartaa nolol fiican adiga oo single ah. OGOOW, guur xalaal ah in aad hesho noloshaada waa u muhiim, laakiin guurka haka dhigan qorshaha kaliya ee aad sugayso.
3. Ha maaweelin number, gaar ahaan habeenkii, sidaas laguma helo jacayl haboon.
4. Si haboon u labbiso: Muuqaalkaagu intaan lagula hadal ayuu sharraxaad ka bixinayaa nooca ay tahay shakhsiyadaadu.
5. Ka fogoow habeenkii inaad nin hudheellada ama meelo cidlo ah haasaawe ugu raacdo, hablo badan ayaa sidaas lagu khalday, adna hablahaas waxba k**a duwanid.
6. Ha adeegsan jidhkaaga si aad usoo jiidato nin. Waayo ninkaas aad jidhkaaga kuusoo jiidatay waxa uu rabaa waa jidhkaaga/galmo, ma aha guur daacad ah.
7. Nin haku guursan lacag, haddii kale waxaad ka mid noqon hantidiisa.
8. Naftaada qiimo u yeel, aqoon baro, shaqo raadso hadday kuu suurto gasho. Haku talo galin dhib kasta in uu nin kuu xalliyo.
9. Quruxdu wax kasta ma aha, waxaad haysato hadday qurux kaliya noqoto, gabadh kaa qurux badan ayaa booskaaga buuxin karta. Markaa Isku day inaad aqoontaada iyo maskaxdaada dhisto.
U faa’idee hablaheenna oo sii Faafi.
Jamaal Nur