23/09/2020
Sidan ucaawi qofka dareen ahaan dhaawacan ama emotionally dilan amaba qof walba oo ubaahan taageero dareen isagoo la ildaran xanuuno nafsiya hadii aad lakulanto mar uun. Waa dadka ugu nugul uguna baahida badan in lacaawiyo, inta badana aynuba ilawno inagu.
1 Dhagayso una dhagayso si dareemid, danayn iyo shucuur laqaybsi (Empathy) ku dheehantahay, adigoon waxkale kaga mashquulayn dhinacna uga jeesan attention kaaga oodhana siinaya dareensiinayana inad diyaar utahay inaad dhagaysato.
2 Wakhti laqaado, ukexee banaanka gee meelaha wax laga cabo bun, Shaah ama wixii kale ee cabitaana eed u awoodo sii. Lugaysii inta aad tagaysaan kana soolaabanaysaan.
3 Sii caawimada saxda ah ee ay ubaahanyihiin latali usheeg inay tagaan dhakhtar Maskaxeed (psychologist/psychiatrist) ama mid jidheed (MD) hadii aad u aragto in xaaladoodu ubaahantahay.
4 Xasuusi inaad marwalba garabkiisatahay xiligii ay culays iyo warwar dareemana uu kula soo hadli karo.
5 Dhiirigali, qiimee oo sharaf. Usheeg in marxaladan dhadhanka xumi dhamaanayso dhawaan Idamka eebe. Usheeg in aanay ogolaan in duruufu lagdaan oo ka adkaadaan.
Dareensii in cida Allah jecelyahay ee larabo in shaqsiyad xoogan oo awoodleh loo dhiso dhib loo dhiibo si uu ugu tababarto una noqdo qof dhisan oo awoodleh isla markaana duruufaha qalafsan ee nolosha sifudud uga dabaalan karo.
Waa fursad qaaliya in dhibaato ku dhacdo balse dad yar ayaa ka faa,idaysta. Inteena badan fikirka aynu dhibta kahaysano ayaa ah waxa inala hadhay. Caqabadaha, cidhiidhiga iyo dhibaatooyinku waa fursado aad dadka dheertahay yaanay kaa khasaarin.
6 Ku caawi maaraynta iyo habaynta wakhtigooda. Marwalba oo qof Dareen ahaan dhaawacmo waxaa iska caadiya in aanu waxyaalaha kale ee qaaliga ah sida naftiisa iyo wakhtigiisa aanu mudnaan siinin.
Markaas ku caawi habaynta iyo isku dheelitirka noloshiisa iyo hawlihiisa muhiimka ah. Ma dareemayo islamarkaas balse marka uuka baxo marxaladaa waxad noqon doontaa qofka uu ugu ixtiraamka iyo danaynta badanyahay.
7 Baro oo wakhti gali iskuna day inaad ogaato daagalada nafsiga ah ee ay kujiraan iyo waxa qalbigooda ka dhexdhacaya, duruufaha ay kusuganyihiin, waxa sababay iyo siday uga bixikaraanba.
8 Cadaadis haku saarin inay kuu sheegaan waxyaalaha aanay jeclayn inay kula wadaagaan.
9 Ku caawi wixii aad laqaban karto waxqabadyadooda maalinlaha ah. Hadii aadan awoodina dareensii inaad jeclayd waxla qabashadiisa/deeda balse aanay kuu suurtagalayn sababa jira awgood.
10 Ka warhay wac xiliwalba oo ay kuu suurtagaltahay waydiina xaaladiisa/deeda. Ka warhay hadii aad awoodo soo booqo wakhtiyadaada firaaqada.
Psychologist Abdilahi Elmi