Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka

  • Home
  • Ethiopia
  • Jijiga
  • Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka

Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka waa page ka Rasmiga ah ee wakalaada dabagalka maamulka cuntada daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa shir-guddoomiyay kal-fadhiga 7-aad ee Golaha Fulinta DDS, SM-2018 T...
13/02/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa shir-guddoomiyay kal-fadhiga 7-aad ee Golaha Fulinta DDS, SM-2018 T.I, kaasi oo lagu ansixiyay bayaanno kala duwan.

• Bayaanka aas-aaska sanduuqa jiddadka miyiga ee DDS
• Bayaanka wax-ka-beddelka bayaanka maamulka Shirkada horumarinta ee DDS
• Bayaanka go’aaminta xuska maalinta midnimida Shacabka Deegaanka Soomaalida
• Bayaanka heesta Deegaanka Soomaalida
• Bayaanka meel-marinta miisaaniyada dheeriga ah ee mushaar-kordhka shaqaalaha DDS SM-2018 T.I.
• Xeer-nidaameedka aas-aaska, qaab-dhismeedka, awoodaha & waajibaadka Wakaalada dabagalka & maamulka cuntada, daawooyinka iyo adeegga caafimaadka
• Xeer-nidaameedka Anshaxa xirfadlayaasha Caafimaadka DDS

Maareeyaha Wakaaladda Dabagalka Maamulka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud, oo ...
07/02/2026

Maareeyaha Wakaaladda Dabagalka Maamulka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud, oo ay wehelinayaan Maamulka Degmada, ayaa kulan la yeeshay hawlwadeennada caafimaadka degmada, ganacsatada xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, ganacsatada bakhaarada, meheradaha lagu gado alaabaha la isku qurxiyo iyo ganacsatada huteellada Magaalada Dooloaddo.

Kulankan ayaa wacyigalin balaadhan lagu siiyay kasoo qayb galayaasha wacyigalintaas oo kusaabsan sidii looga hortagi lahaa dawooyinka maandooriyaha ah, ilaalinta fayadhowrka cunnada iyo joojinta sharaabyada iyo badeecadaha cunnada ee la dhigo qorraxda madaama magaalada doolo addo tahay meelaha ugu kulul deegaanka qorraxduna ay waxyeelayso ugaysan karto tayada iyo cimriga sharaabka iyo maciishada

05/02/2026

OGEYSIIS 🩺
Fadlan, xusuusnow 7-dan qodob marka aad isticmaalayso dawada:

1. 🚫 Ha isticmaalin dawo aan dhakhtar kuu qorin.
2. ⏱️ Raac Tilmaamaha oo Akhri qiyaasta, waqtiga, iyo muddada laguu qoray.
3. 📅 Ha isticmaalin dawo dhacday (Expired).
4. ❌ Hala Wadaagin Dawadaada qof kale.
5. 💊 Ha qaadan dawada in ka badan intii laguu qoray.
6. 🚔 Ha isticmaalin Dawo Sharci-darro ah
7. 📞 Haddii aad wax dhibaato ka dareento dawada, la xidhiidh xirfadle caafimaad.

Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka, Mudane C/laahi Maxamuud, iyo Maa...
05/02/2026

Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka, Mudane C/laahi Maxamuud, iyo Maamulka Degmada Hargeelle ayaa kulamo la yeeshay iskaashatooyinka milixda ee Degmada Hargeelle iyo xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ee degmada. Kulamadaas oo lagaga hadlay xaqiijinta tayada iyo fayodhowrka milixda, ka hortagga milix aan tayo lahayn, ku boorinta qaadashada shatiyada (liisamada) sharciga ah, Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xaqiijinta heerarka Farmasiyaasha (standards), tayada dawooyinka, ka hortagga dawooyinka dhacay, iyo hab-maamulka adeeg bixinta caafimaadka, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada iyo u hoggaansanaanta shuruucda iyo xeerarka Wakaaladda

Xubno ka socday Wakaaladda ayaa kulan la yeeshay Maamulka Gobolka Siti iyo Maamulka Degmada Shiniile, kulan kaas oo diir...
05/02/2026

Xubno ka socday Wakaaladda ayaa kulan la yeeshay Maamulka Gobolka Siti iyo Maamulka Degmada Shiniile, kulan kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta iyo dabagalka adeegyada la xiriira cunnada, dawooyinka iyo caafimaadka. Kulanka waxaa lagu adkeeyey in la sii wado shaqada wadajirka ah lana xoojiyo wada shaqaynta Wakaaladda, iyadoo sidoo kale in ganacsatada lagu baraarujiyo qaadashada shatiyada ganacsiga. Waxaa si gaar ah looga hadlay khatarta ay bulshada u leeyihiin cuntooyinka iyo cabitaannada dhacay, waxaana la iskula qatay in wacyigelinta arrintan la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka gobolka. Maamulka Gobolka Siti ayaa ballan qaaday taageero buuxda siinayaan shaqooyinka wakaalada

Sidoo kale, hawlwadeennada Wakaaladda ayaa Degmada Shiniile ka fuliyey kormeer iyo wacyigelin, kuwaas oo lagu sameeyey warshadaha biyaha, dukaamada cosmetics-ka, bakhaarada waaweyn iyo tukaamada. Intii lagu guda jiray kormeerka, waxaa lagu qabtay alaabo dhacay, kuwaas oo suuqa laga saaray, ganacsatadiina lagu wargeliyey in aysan mar dambe iibin alaab dhacday, isla markaana si adag loo hubiyo tayada alaabta la iibinayo, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada.

Mas’uuliyiin uu hoggaaminayay Maareeyaha Wakaaladda Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, Mudane ...
04/02/2026

Mas’uuliyiin uu hoggaaminayay Maareeyaha Wakaaladda Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud, oo uu wehelinayay Guddoomiyaha Degmada Hargeele, Mudane Xasan Dhiire, ayaa booqasho iyo indha-indhayn ku tagay warshadda milixda ee Iskaashatada Barwaaqo ee Degmada Hargeele.

Ujeeddada booqashada iyo dabagalka warshadda ayaa ahayd xaqiijinta tayada iyo fayodhowrka milixda la dhoofiyo, iyo sidoo kale nidaamka isticmaalka iodine-ka. Gabogabadii booqashada kadib, Maareeyaha Wakaaladda ayaa mas’uuliyiinta iskaashatada iyo maamulka Degmada Hargelle kula dardaarmay in la sii xoojiyo adeeg bixinta warshadda iyo ilaalinta fayodhowrka milixda.

Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau. Ethiopian Food  and  Drug Authority /EFDA/ Ministry of He...
26/01/2026

Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau. Ethiopian Food and Drug Authority /EFDA/ Ministry of Health,Ethiopia Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka Ahmed Badar Cabdulahi Maxamud Mataan Followers

Ku: Dhamaan Cida Ay Khuseyso: Ujeedo: Warbixin Ku Saabsan Dhibaatooyin Caafimaad Oo Halis Ah Oo Ka Dhashay Daawada Bupiv...
26/01/2026

Ku: Dhamaan Cida Ay Khuseyso:
Ujeedo: Warbixin Ku Saabsan Dhibaatooyin Caafimaad Oo Halis Ah Oo Ka Dhashay Daawada Bupivacaine Hcl Injection.
Sida la og yahay, Maamulka Cunnada iyo Dawooyinka ee Itoobiya wuxuu baaritaan ku sameeyaa dhibaatooyinka ka dhasha dawooyinka ama tallaalada la isticmaalo dalka gudihiisa, isagoo ku saleynaya warbixinnada ay soo gudbiyaan xirfadlayaasha caafimaadka. Ka dib marka baaritaan lagu sameeyo, natiijada waxaa loo gudbiyaa Guddiga La-talinta Farmakofijilaansiga (Pharmacovigilance Advisory Committee) si loo sameeyo falanqayn cilmiyeed oo dheeri ah. Natiijadaas waxay gacan ka geysataa hagaajinta habka bixinta daawada si loo ilaaliyo badbaadada bukaanka iyo si kor loogu qaado kalsoonida bulshada ee dawooyinka, iyo talaalada kale duwan
Daawada Bupivacaine HCl waxaa loo isticmaali jiray sanado badan suuxinta qaybeed (Local, Epidural, and Spinal Anesthesia). Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkan dambe waxaa soo kordhay warbixinnada ku saabsan dhibaatooyin halis ah oo la xiriira suuxinta lafdhabarta (Spinal Anesthesia). Inkasta oo warbixinnada caalamiga ahi muujinayaan in dhibaatooyinkani ay dhici karaan marar aad u yar, haddana Maamulku wuxuu helay warbixinnada dhibaatooyin halis ah oo dhimasho ay ku jirto, kuwaas oo hadda baaritaan lagu hayo.
Dhibaatooyinkan waxay ka dhalan karaan arrimo ay ka mid yihiin: nooca iyo qiyaasta daawada, habka bukaanka loo dhigo inta qalliinku socdo, xawaaraha mudidda daawada, iyo xaaladda jireed ee bukaanka (sida cilladaha ku dhasha lafdhabarta). Cabsida xirfadlayaasha caafimaadka ee ku aaddan isticmaalka daawadan waxay caqabad ku noqotay helitaanka adeegga caafimaad ee bukaannadu u baahan yihiin.
Sidaa darteed, Maamulku isagoo la tashanaya khubaro khibrad leh iyo xogta caalamiga ah, wuxuu soo saaray awaamiirta soo socota ee ay tahay in la raaco:
1. Xirfadlayaasha Caafimaadka: Waa inay raacaan habraacyada saxda ah (qiyaasta saxda ah, farsamada mudidda, iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah). Qalabka soo noolaynta (Resuscitative equipment), ogsajiinta, iyo dawooyinka gurmadka degdegga ah waa inay diyaar ku yihiin xaarunta
2. Bukaannada u nugul: Sida Hooyooyinka dhalaya, dadka waayeelka ah iyo bukaannada aadka u xanuunsan waa in si gaar ah taxadar leh loo baadho, loona siiyo cadadka iyo qiyaasta ugu yar ee suurtogalka ah (Lower Dose).
3. Lasocoshada bukaanka: Ka dib marka daawada la siiyo, waa in si dhow loola socdo xaalada shaqada wadnaha, wareegga dhiigga, hab dhiska neefsashada, iyo heerka miyirka qabka bukaanka.
4. Daba-gal: Wasaaradda Caafimaadka dalka iyo bahwadaagteeda ay arrinkani khuseyso waa inay xaqiijiyaan in awaamiirtan ay gaadho xafiisyada caafimaadka deegaanada xarumaha caafimaadka, iyo dhamaan xirfadlayaasha Caafimaadka si loo xaqiijiyo dhaqangelintooda.

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Hogaminta Sare ee wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada daawooyina iyo adeega caafimaadka ...
23/01/2026

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

Hogaminta Sare ee wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada daawooyina iyo adeega caafimaadka DDS oo uu ugu horeeyo maareeyaha wakaalada mudane Cabdulahi Maxamud Mataan maareeye kuxigeenka iyo Agaasinada Waaxaha Kala Duwan ee wakaalada ayaa Shacabka Deegaanka Ugu Hambalyaynaya Maalinta midnimada ee 23 January.

Bulsho walba aduunka kunool waxay kuleedahay maalin uga Duwan maalmaha kale sidaa awgeedna bulshada Dawlada deegaanka soomalida ayay maalintani uu tahay maalin ku suntan midnimo sidaa ayayna hogaminta sare ee wakaaladu bulshada deegaanka ugu hambalyaynaysan maalintan midnimada ee 23 January.

Wakaalada SRS.FMHACA DDS.
January 23.2026.

Kulan lagu dhagaysanayey qiimayn iyo dabagal ay Wakaaladdu ku samaysay cusbitaallada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyah...
22/01/2026

Kulan lagu dhagaysanayey qiimayn iyo dabagal ay Wakaaladdu ku samaysay cusbitaallada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga.

Kulanka, oo uu shir-guddoominayay Mareeyaha Wakaaladda, Mudane Cabdullaahi Muxumed Mataan, ayaa waxaa ka soo qaybgalay mareeyeyaasha cusbitaallada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee magaalada Jigjiga.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la falanqeeyo natiijooyinka dabagalka ay wakaaladdu ku samaysay cusbitaallada, kaas oo diiradda lagu saarayay habsami u isticmaalka dawooyinka iyo tayada adeegyada kala duwan ee caafimaad ee loo fidiyo bulshada.

Mareeyaha Wakaaladda ayaa sheegay in dabagalkan uu yahay mid lagu xaqiijinayo in la saxo meelaha sixitaanka u baahan, si bulshada u hesho adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana waafaqsan heerarka loo dejiyey adeeg bixinta caafimaadka

Maanta waxaa qabsoomay shirkii caadiga ahaa ee SMT ee Wakaaladda, kaas oo si habsami leh ku dhacay, loogana dooday ajend...
16/01/2026

Maanta waxaa qabsoomay shirkii caadiga ahaa ee SMT ee Wakaaladda, kaas oo si habsami leh ku dhacay, loogana dooday ajendayaal muhiim ah oo la xiriira horumarinta iyo hufnaanta shaqada Wakaaladda.

Ajendayaasha shirka waxay ahaayeen sidan:-

1: Dardargelinta shaqada Wakaaladda, si loo hubiyo in hawlaha qorshaysnaa ay ku socdaan sidii loogu talagalay.
2: Ilaalinta wakhtiga shaqada, iyo in shaqaaluhu si joogto ah ugu sugnaadaan goobaha shaqada inta lagu jiro saacadaha shaqo.
3: U adeegidda bulshada si hufan,daacadnimo leh, isla markaana masuuliyad ku dheehan tahay, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka.
4: In diiradda la saaro ka miro-dhalinta hadafyada u yaalla Wakaaladda, loona shaqeeyo hirgelintooda si wax-ku-ool ah.

Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay qodobada ajendaha, waxaana la isku raacay in la xoojiyo wada-shaqaynta, isla xisaabtanka, iyo tayaynta waxqabadka guud ee Wakaaladda.

Address

Jijiga
00001

Opening Hours

Monday 08:00 - 00:00
Tuesday 08:00 - 00:00
Wednesday 08:00 - 00:00
Thursday 08:00 - 00:00
Friday 08:00 - 00:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram