14/09/2025
๐ ๐๐ข๐ข๐ซ๐ฌ๐จ
15-30% dadka mudo dheer qaata dawada Metformin waxa lagu arkaa in Faytamiin B12 hoos u dhaco; halka ku dhawaad 5-10% na ayba kasoo daahiraan astaamaha uu keeno yaraanta Faytamiin B12 sida neerfaha oo bukooda (neuropathy), iyo dhiig yaraanta nooca layidhaa Megaloblastic anemia.
Haddii, hadaba, qofka ay ku dhaco dhiigyarida ๐๐ฆ๐จ๐ข๐ญ๐ฐ๐ฃ๐ญ๐ข๐ด๐ต๐ช๐ค ๐ข๐ฏ๐ฆ๐ข๐ฎ๐ช๐ข waxay natiijo si qaldan u saraysa ka bixin kartaa shaybaadhka ๐๐ฃ๐1๐ค ee sonkorta lagu la socdo.
Fariintu waxa weeye, haddi qofku uu qaato Metformin, keligeed ama dawo kale la qaado, waa in uu lixdii ilaa 12kii bilood ba mar eego Faytamiin B 12 ka. Waxa uu ka baaqsanayaa dhiig yari, neerfaha oo bukooda iyo shaybaadhka uu been u sheega.
Dr.Yousuf Halane