Dr.Abdirashid Mohamed

Dr.Abdirashid Mohamed Boggan waxaad kala socon doontaan Barnaamijyo Ku Saabsan Caafimaadka Iyo Arrimmaha Bulshadda. Welcome

29/08/2025
Maalmahan, Samafale Cabdimaalik muuse coldoon Abdilmalik Musa Coldoon ayaa dood ka keenay saxnimada qalliimada dhalmada ...
20/06/2024

Maalmahan, Samafale Cabdimaalik muuse coldoon Abdilmalik Musa Coldoon ayaa dood ka keenay saxnimada qalliimada dhalmada ee dumarka. Waxay dooddiisu ahayd: Sababta uu kor ugu kacay qalliinka dumarka? Iyo su’aasha labaad oo ahayd: Maxay dumarkeenii h**e ee waqtigii xoolo-dhaqatada ah ama reer-guuraaga ahaa ay si fudud ugu dhali jireen, halka waqtigan uu qalliinka dumarku u batay?

Waa laba su’aalood oo muhiim ah, waana in bulshada loo caddeeyo qofkii aqoon u leh iyo qof kasta oo mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha bulshada si loo helo bulsho caafimaad qabta oo meesha looga saaro wixii shaki iyo jahawareer ku abuuraya bulshada.

Intaanan ka jawaabin weydiimaha Cabdimaalik, marka h**e waxaan siinayaa talo ama nasteexo taas oo ah inuu mas’uuliyad iska saaro shaqada saxafinimo iyo inuu yahay qof bulsho badan ku xidhantahay oo hadalkiisa meel dheer gaadhayo, isla markaasna saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelan karo bulsho badan noloshooda. Waxaan xasuusin lahaa xaddiiskii Nebiga ee ahaa in qof kastaa mas’uul yahay oo qof kastaa mas’uuliyaddiisa la weydin doono maalinta aakhiro.

Wixii khaldan ee uu arko inuu usoo bandhigo si cilmiyeeysan oo taxadar wadata oo aan khasaaraha uga sii badinayn bulshada. Cabdimaalik wuxuu sheegay in hay’aduhu ka dambeeyaan qalliimada dumarka, laakiin wax caddeymo ah oo ku saabsan in hay’aduhu lacag ku bixiyaan inooma soo bandhigin. Tani waa nasteexo, waxaan usoo jeedin lahaa inuu si wanaagsan u qaato oo uu waqti badan howlaha uu bulshada usoo gudbinayo ku qaato inta aanu kusoo dhex tuurin.

Qalliinka Dhalmada ee Dumarka (C-Section)

Qalliinka C-section, oo sidoo kale loo yaqaano qalliinka caesarean, waa qalliinka lagu sameeyo in ilmaha laga soo saaro ilmo-galeenka haweenka iyada oo la jarayo qaybta hoose ee caloosha iyo ilmo-galeenka. Qalliinkan waxaa la sameeyaa marka dhalmada dabiiciga ah ay adkaato ama khatar gelinayso hooyada iyo ilmaha labadaba. Sida Cabdimaalik sheegay, maaha in ALLE soo saari kari waayey ilmaha caloosha ku jira ee waa xikmad iyo qadar ALLE. Waa xanuun ama cilad ku dhacda noolayaasha oo dhan, dumarkana kuma kali aha ee waa xaalad caafimaad oo jirta xitaa noolaha lagu sameeyo haddii ay dhali waayan iyo xayawaankaba.

Taariikhda Qalliinka C-Section

Taariikhda qalliinka C-section waa mid dheer, laakiin qalliinka casriga ah ee ammaanka ah wuxuu bilowday qarnigii 19aad. Mid ka mid ah qalliinkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto waxaa la sameeyay 1881, waxaana fuliyey dhakhtarka Jarmalka ah Ferdinand Adolf Kehrer. Qalliinkii ugu horreeyay ee aan dhimasho dhalin oo la diiwaangeliyay wuxuu dhacay 1794, waxaana fuliyey Jesse Bennett oo ku sugnaa Virginia, Mareykanka.

Heerka C-Section ee Dunida

Qalliinka dhalmada ee C-section ayaa si aad ah ugu kordhay dunida oo dhan tobanaankii sano ee u dambeeyay. Tani waxay ka dhalatay sababo badan oo caafimaad, dhaqan, iyo siyaasadeedba leh.

Celceliska heerka C-section ee dunida: ka badan 20% dhalmo kasta.

WHO waxay soo jeedisay: heerka caafimaad ee qalliinka C-section uu ahaado 10% ilaa 15% dhalmada.

Wadamada Heerkoodu Sareeyo:

Dominican Republic - 62.9% (2019)

Turkey - 58.4% (2021)

Brazil - 56.4% (2019)

Turks and Caicos Islands - 55.2% (2020)

South Korea - 53.8% (2021)

Mexico - 52.6% (2021)

Wadamada Heerkoodu Hooseeyo:

Scandinavia: Wadamo sida Finland iyo Norway waxay leeyihiin heerar hoose oo C-section, oo ah qiyaastii 15% ilaa 20%.

Wadamada Afrikada Hoose: Heerarka C-section waa kuwo hoose, mararka qaarkoodna hoos ugu dhacaya 5% ama ka yar, iyadoo sababtu tahay helitaanka adeegyada caafimaadka oo liita.

Markaan sidaas isku fahanno, warbixintan waxay meesha ka saaraysaa doodda ahayd in gaallo ka dambeeyaan qalliimada dhalmada ee dumarka, waayo sidaan ka aragnay xogtan oo lagu daabacay jaraaidada adduunka ee cilmi-baarista, waxaa la sheegay in wadamada aan muslimka ahayn ay kaga badanyihiin kuwa muslimka ah samaynta qalliimadaas. Waxaa kale oo xogtu cadaynaysaa in wadamada Africa ee saxaraha ka hooseeya ay yihiin kuwa adduunka ugu yar ee qalliinkaas laga sameeya.

Doodda Labaad: Maxay Sababta Dumarkii H**e Si Dabiici Ah Ugu Dhali Jireen, Kuwa Haddana Aanay Ugu Dhalin?

Suaasha jawaabteedu aadbay u fududahay waayo waxaa dhacay isbeddel weyn oo qaabka nolosha ah iyo cuntooyinka la cunayo oo saamayn ku yeeshay koritaanka qofka. Dumarkii waagii xoolo-dhaqatada noolaa tusaale ahaan:

Qaab Nololeedka H**e:

Socdaalka iyo Deganaanshaha: Xoola-dhaqatadii h**e waxay ahaayeen dad guurguura oo raacaya xoolahooda, iyagoo marba deegaan ka raadinaya daaq iyo biyo. Waxay ku tiirsanaayeen wax soo saarka xoolaha sida caanaha, hilibka, iyo waxyaabaha kale ee xoolaha ka yimaada. Cuntadooda waxay ahayd mid dabiici ah oo nafaqo badan.

Caafimaadka: Helitaanka adeegyada caafimaadku wuxuu ahaa mid kooban. Xaaladaha caafimaad ee degdeg ah waxaa lagu dawayn jiray dawooyin dhaqameedyo iyo talooyin ku saleysan aqoonta qoyska iyo deegaanka. Tani waxay sababtay in aanay awood u heli jirin inay helaan adeeg qalliinka oo kala badbaadin kara hooyada iyo ilmaha iyo xogta rasmiya oo la diiwaan gelin jiray midna ma jirin oo lamaba ogayn inta dumar ah umul awgeed u dhimata.halka hadda la ogaan karo inta la qalay ama qalliin lagu sameeyay.

Nolosha Cusub ee Waqtigan:

Deganaanshaha Magaalooyinka: Dadka xoola-dhaqatadii h**e oo badan ayaa hadda ku nool magaalooyin ama tuulooyin leh adeegyo badan oo casri ah. Cuntada casriga ah waxay noqon kartaa mid kala duwan oo la heli karo wakhti kasta, inkastoo mararka qaarkood ay nafaqada hooseyso sababtoo ah cuntada la warshadeeyey.

Caafimaadka: Helitaanka adeegyada caafimaad ayaa aad u fiican, iyadoo loo heli karo isbitaalo, dawooyin casri ah, iyo talooyin caafimaad oo horumarsan. Tani waxay keeni kartaa in qalliinka lagu dhiirado marka ay jiraan calaamado muujinaya khatar jirta.

Goorma Ayaa La Sameeyaa Qalliinka C-Section Ama Sababa Keena Qalliinka ?

Qalliinka C-section waxaa la sameeyaa xaalado kala duwan, oo ay ka mid yihiin:

Ilmaha oo aan si sax ah aan ugu jiifin uurka hooyada (breech position ama malpresentation).

Hooyada oo xanuun horay u qabtay ama la il daran xaalad caafimaad oo aan oggolaanayn dhalmo dabiici ah. Sida macaan sabab in ilmuhu si xadhaaf ah u koro.

Ilmaha oo halis ku jiro ama xaalad degdeg ah sida ilamaha oo waqtigiisa dhamaaday oo caloosha ku sii jira oo isku saxarooda.

Hooyada oo qaadata labo ama ka badan oo h**ey u maray qalliinka C-section.

Jawaabta Su’aasha Saddexaad:

Mararka qaar waxaa dhici karta in dhakhaatiirta qaar ay sheegaan in qalliinka loo baahan yahay, laakiin hooyada ay si dabiici ah u dhasho. Sababta tani u dhacdo waa dhakhaatiirta oo isku wada cilmi iyo isku aragti ahayn, habraacyada cisbitaaladuna wey kala duwan yihiin. Mararka qaar dhakhtar aan khibrad badan lahayn ayaa yidhaahda qalliinka ayaa loo baahan yahay, laakiin hooyada ayaa si dabiici ah u dhasha inta qalliinka loo diyaarinayo ama inta ay diido.

Tani waa sabab ka mid ah in marar badan oo la arko hadalka dhakhtar iyo runta oo is waafaqi waaya, taas waxa keeni kara khibarada dhakhaatiirta qaar oo hoosaysa iyo weliba duruufaha oo kala duwanaan kara laakiin taa bedelkeeda, dadkeenu ma eegan inta dumar ah ee helay adeeg caafimaad oo heer sareeya oo ALLE badbaadiyey ee lagu guuleystay. Iya inta dumar ah ee qalliinka diiday ee ilmihii iyo iyadiibna dhibaato soo gaadhay.

Gunaanad:

Xaaladaha qallinka ee dumarku maaha wax lagu degdego ka hadalkooda iyadoon si fiican loo eegin, maxaa yeelay waxay saamayn toos ah ku yeelan kartaa nolosha boqolaal dumar ah. Gabadha kasta iyo ninkasta waxaan usoo jeedinayaa inay go’aankooda ku saleeyaan xaaladda markaas taagan iyo qaabka ay arrintu u jirto, iyadoo la tixgalinayo in xaaladaha iyo duruufaha qof walba ay kala duwan yihiin.

Wabilahi Towfiiq.

01/02/2024

Daawooyinka siday u gaadhan jidhka halkii loogu talo galay.

Tababraha Liverpool oo dhakhaatiirta  Africa ama Masar ku sheegay inaan awood u lahayn inay si wanaagsan u daweyan dhaaw...
25/01/2024

Tababraha Liverpool oo dhakhaatiirta Africa ama Masar ku sheegay inaan awood u lahayn inay si wanaagsan u daweyan dhaawaca Maxamed Saalax.

Mar uu warbaahinta la hadlayey wuxuu yidhu haddii Maxamed Saalax sii jooga Masar dhaawaciisa wi wanaagsan looma daweyn karo. Sidaa daraadeed, waa in xagan lagu daweeya.

“If Salah stays in Africa and they can’t do the proper treatment, it will delay everything and it’s an issue”.

“We bring Mo here not to take him away from Egypt… but just because we do the best medical treatment”.

24/01/2024

Sida loo kabo marka Adinka laftiisa si weyn u burburto. Badana jabniinkan burburka ah waxa uu dhacaa shilalka baabuurta.

Hawaddu markay gasho sanbabka.
17/01/2024

Hawaddu markay gasho sanbabka.

Qanjirrada candhuufta waxay soo saaraan inta badan candhuufta afkaaga.  Waxaa jira saddex lammaane oo qanjidho ah. 1. Qa...
22/12/2023

Qanjirrada candhuufta waxay soo saaraan inta badan candhuufta afkaaga. Waxaa jira saddex lammaane oo qanjidho ah.
1. Qanjidhada Parotid-ka
2. Qanjidhada Submandibular, iyo
3. Qanjidhada Sublingal.

Waa marka imtixaanka lagu dhaho wuxuun iskaga qor oo meel banaan uun haka tagin.
18/12/2023

Waa marka imtixaanka lagu dhaho wuxuun iskaga qor oo meel banaan uun haka tagin.

Jawaabta qaybta hoose ku qor.
16/12/2023

Jawaabta qaybta hoose ku qor.

Salaan👋 ka timid Tony isagoo yidhi: Waad ku mahadsantihiin  ku deeqayaasha 'cajiibka' ah ee dhiiga iyo balaasmaha iigu d...
13/12/2023

Salaan👋 ka timid Tony isagoo yidhi: Waad ku mahadsantihiin ku deeqayaasha 'cajiibka' ah ee dhiiga iyo balaasmaha iigu deeqay kuwaas ee si fiican ii ilaalinayay sanadihii la soo dhaafay.

Tony, xisaabiye hawlgab ah, ayaa u baahday immunoglobulin - daawo laga sameeyay balaasmaha - cudurka Myasthenia Gravis. calaamadihiisa ayaa markii ugu horreysay soo baxay 2005-tii, ka dib markii ay awoodi waayey in uu wax liqo oo ay hadlo muddo dheer, waxuunna ku dhibtoonayey in uu madaxa kor u qaado.

Tony wuxuu yiri: "Sida ku-deeqayaasha dhiiga balaasmaha, wax aan jacayl ahayn uma hayo, uma maleynayo iyaka xitaa inay garanayaan waxa cajiibka ah ee ay sameynayaan." 💙

Dhiig shubistu waa muhiim oo waxay badbaada nafo badan.

Imisa jeer ayaa noloshaada dhiig shubtay.

Address

Powys
N42PG

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Abdirashid Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr.Abdirashid Mohamed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category