28/12/2025
Faaiidooyinka socodka uleeyahay hooyooyinka uurka leh waa kuwo aad u badan oo muhiim ah caafimaadka hooyada iyo ilmaha labadaba. Waxaana ka mid ah:
1. Wuxuu hagaajiyaa wareegga dhiigga
Socodku wuxuu kor u qaadaa socodka dhiigga, taasoo ka hortagta bararka lugaha iyo gacmaha oo caadi ka ah uurka.
2. Wuxuu xoojiyaa murqaha iyo lafaha
Murqaha lugaha, miskaha, iyo dhabarka ayaa xoog yeesha, taasoo caawisa marka la dhalayo (labour) iyo ka dib dhalmada (postpartum recovery).
3. Wuxuu yareeyaa daalka iyo xanuunka dhabarka
Socodka joogtada ah wuxuu kaa caawinayaa in uu yaraado daalka iyo xanuunka dhabarka ee inta badan dhiba hooyooyinka uurka leh.
4. Wuxuu yareeyaa walbahaarka (stress) ama walaaca
Socodka, gaar ahaan meel deggan iyo hawo furan, wuxuu kor u qaadaa farxadda iyo hurdo fiican.
5. Wuxuu hagaajiyaa shaqada wadnaha iyo sambabada
Wuxuu kordhiyaa awoodda wadnaha iyo sambabada, taasoo muhiim u ah uurka si jirka uu u helo oksijiin ku filan.
6. Wuxuu ka caawiyaa in miisaanka la xakameeyo
Socodka joogtada ah wuxuu kaa ilaalinayaa miisaanka xad-dhaafka ah oo keeni kara dhibaatooyin sida sokorta uurta (gestational diabetes) kalaambisada(preeclampsia,Eclampsia).
7. Wuxuu fududeeyaa dhalmada
Socodka, gaar ahaan bilaha ugu dambeeya ee uurka, wuxuu caawiyaa in madaxa ilmaha uu si sax ah ugu d**o miskaha (engagement), taasoo dhalmada ka dhigta mid sahlan.
8. Wuxuu dedejiyaa soo bixitaanka ilmaha ama dhalamada (labour onset)
Haweenka si joogto ah u socdaa waxay badanaa ku bilaabaan foosha si dabiici ah, iyada oo aan la isticmaalin daawooyin kiciya.
9. Wuxuu hagaajiyaa hurdada
Socodka subaxdii ama galabtii wuxuu caawiyaa hurdo wanaagsan habeenkii.
10. Wuxuu ka hortagaa calool-fadhiga (constipation)
Socodka wuxuu dedejiyaa shaqada mindhicirka, taasoo ka hortagta calool-fadhiga oo aad ugu badan haweenka uurka leh.
Haddii aan soo koobno:
Socodku waa jimicsi aad ugu wanaagsan jidhka, maskaxda, iyo ilmaha u roon inta lagu jiro uurka.
Fadlan garee page-ka siaad ugu faaideysato cashirada aanso gelino, una garee asxaabtada siey ugu faaideystaan.