Dhinxor Media

Dhinxor Media healthl is important for every body you must kept in your life to reach long life and good health

26/10/2023

Abwan Gorgor M Daahir wa gabay uu u tiriyey walaalahen reer palestin🇰🇼 dhibta allah ka saro 🤲🏻🤲🏻iyo gumaystaha sida gardarada ugu sodulay

Maxillofacial surgery Oral and maxillofacial surgery is a surgical specialty focusing on reconstructive surgery of the f...
15/05/2023

Maxillofacial surgery

Oral and maxillofacial surgery is a surgical specialty focusing on reconstructive surgery of the face, facial trauma surgery, the oral cavity, head and neck, mouth, and jaws, as well as facial cosmetic surgery/facial plastic surgery including cleft lip and cleft palate surgery

Follow share iyo like dhaha oo mel dheer garsiya asxabey page ka
https://www.facebook.com/profile.php?id=100086524390936&mibextid=ZbWKwL

Talooyin kooban oo kuu Iftiiminaya Nolosha1:U fakir si fogU hadal si deganU soco si tartiib ahU jeclow si badanU dhoolac...
26/11/2022

Talooyin kooban oo kuu Iftiiminaya Nolosha

1:U fakir si fog
U hadal si degan
U soco si tartiib ah
U jeclow si badan
U dhoolacadee si joogta ah
U shaqee si adag
U bixi si qarsoon
U naxariiso si guud
U niyeyso Alle dartiis

2. Noqo qof Aadaab leh goortii aad Madax tahay

Noqo qof aamusan goortii aad careysan tahay
Ahow qof daacad ah goortii aad sabool tahay
Ahow qof si fudud u nool goortii aad dhaqaale badan heysato

3. Ha u ooyin shalay, waa la soo dhaafay,
Ha ka welwelin mustaqbalka, lama gaarin weli
U noolow maanta, kana dhigo mid qurxoon

4. Qofka ku Caawiya, ha Hilmaamin
Qofka ku Jecel, ha Nicin,
Qofka ku Aaminay, ha Qiyaamin

5. Noqo mid u naxariista dadka xitaa hadii aysan iyaga kuu naxariisan,

Noqo mid u fidiya Jaceyl & walaalnimo xitaa hadii ay caay iyo cadownimo camal u tahay,
Noqo mid dadka caawiya xitaa hadii uusan jirin cid adiga ku caawisa,

Ha u bedelin naftaada, dabeecadaada iyo dhaqankaaga dad kale dartood,
Xusuusnow hal wax; ma aha wax ka dhaxeeya adiga iyo dad kale,
Waxa ay had iyo jeer u dhaxeysaa Adiga iyo Alle. u samee wax kasta Alle dartiis
Zxpayal share iyo follow ii dhaha waa mahadsantihiin

🙏https://www.facebook.com/profile.php?id=100086524390936&mibextid=ZbWKwL

Cudurkah  neefta wa sidah adoo ku dhexjirah biyo oo kuliqi raban cudurkan waa neefqabatin aad u xun  asthma cudurkan wux...
29/10/2022

Cudurkah neefta wa sidah adoo ku dhexjirah biyo oo kuliqi raban cudurkan waa neefqabatin aad u xun asthma cudurkan wuxu sameyah sambabka qofka wxan ku adkanaysah in uu nefsado bronchial bawaxaa ku dhaca wx ladhahi bronchi spasm wa in muscle lung adayg moqdan ama inflammation ku dhaco

Asxbey follow sodhaha page share iyo like i dhaha https://www.facebook.com/profile.php?id=100086524390936

Sonkorowga (diabetes)    Su'aalo iyo jawaabo caam ahSonkorowga ama macaanka ma ka qaadi karaa qof kaleGuudmarka sonkorow...
20/10/2022

Sonkorowga (diabetes)


Su'aalo iyo jawaabo caam ah

Sonkorowga ama macaanka ma ka qaadi karaa qof kale

Guudmarka sonkorowga

Sonkorow/macaan waa cudur nolosha oo dhan haya qofka oo aan la daweyn karin, laakiin waa la xadeyn control karaa. Marka aad sonkorow qabto macnaheedu waxa weeye jidhkaaga ayaa dhibaato ka haysaataa sidii uu u isticmaali laha tamarta ka timaada cuntooyinka aad cuntid. Tamartaasi waxay ka timaadaa dhamaan cuntooyinka ay ku jiraa karbohaydaraytka (daqiiqlayda iyo sonkoraha), borootiinta iyo dufanka. Ka dib marka aad cunto cuntid, wax cuntada loo beddelaa gulukoos taasoo ay unugyadaadu u isticmaalaan shidaal ahaan.

Waxa muhiim ah in aad xusuusnaatid in karbohaydraytku ay saameynta ugu weyn ku leeyihiin heerarka gulukoosta. Marka aad qabtid sonkorow, jidhkaaga waxa dhibaato ka haysataa sidii gulukoosta looga wareejin lahaa dhiiggaaga ee lagu wareejin lahaa unugyadaada. Taasi waxay sababaysa in heerka gulukoosta ku jirta dhiiggaaga ay sare u kacdo.

Gulukoosta dhiiggaaga oo aad ka dhigtid heer caadi ah intii suurogal ah waxay kaa gargaari kartaa in aad dareenti wacnaan iyo inaad heshid tamar dheeraad ah. Xadeynta fiicani waxay kale oo ay kaa gargaari kartaa in aad ka baxsatid dhibaatooyin ku dhaca indhahaaga, wadnahaaga, kelyahaaga, dareemeyaasha iyo xididada dhiigga.

La Noolaanshaha Sonkorowga

Sida Cudurka Sonkorowgu u Saameeyo Jidhkaaga

How diabetes affects your body

Waxa jira dhawr nooc oo ah sonkorowga. Nooca 1, nooca 2 iyo sonkorowga uurka ayaa ah saddexda nooc ee ugu caamsan.

• Nooca 1: Ganacaagu (pancreas) waxa u sameeyaa wax yar oo ah insulin ama maba sameeyo. Jidhkaagu wuxu u baahan yahay insulin si gulukoosta looga saaro dhiiggaaga oo loo geeyo unugyadaada si ay tamar uga helaan.

• Nooca 2: Ganacaagu wali wuu sameeyaa xoogaa ah insulin, laakiin jidhkaagu uma isticmaalo sidii la rabay. Waxa tan la yidhaahdaa iska-caabbinta insulinta.

• Sonkorowga Uurka: Ganacaagu ma sameeyo insulinta dheeraadka ah ee loo baahan yahay xilliga uurka.

Marka insulintu aanay si sax ah u shaqeyn, gulukoosta ka imanaysa cuntada waxay ku dhex jiraysaa dhiiggaaga (halkii ay u wareegi lahay unugyadaada). Waxa laga yaabaa inad yeelatid astaamaha soo socda: ama calamadah lagu yaqaan qofka sonkoroowga qaba

• haraad soo kordhay

• kaadi tiro badan

• tamar intii h**e ka yar

• miisaan lumid aan sababtiisa la garanayn

• maqaar qallalan

• aragga indhaha oo isku darsan

• gaajo

• cudurka khamiirka (yeast) oo tiro badan

• nabaro aan bogsanayn

Sida insulintu u shaqeyso

How insulin works

Insulintu waxay u shaqeysaa sida fure oo kale, iyada oo furaysa unugyada si ay gulukoostu u gasho oo ay u noqoto il tamar ama tamar looga helo. Insulin waxay la mid tahay furaha baabuurka. Baabuurku waxa uu u baahan yahay shidaal si uu u shaqeeyo, laakiin furaha baabuurka ayaa bixiya dhinbiisha sii daysa shidaalka. Gudaha jidhkaaga, insulinta waxa loo isticmaala in ‘dhinbiil’ looga dhigo isticmaalka gulukoosta si ay unugyadaadu shidaal uga dhigtaan sonkorta waa cudur wuxun alle hanaga hayee markasta ka warqab cafimad kaadah iyo waxa aad cunayso i a sida loo control iyo treatment of diabetes wn sogalinah

Asxabey share dhaha pageka like iyo follow sodhaha line ka hose ku dhufta azxabtana la wadag
https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=114799061414240&id=100086524390936

I've just reached 100 followers! Thank you for continuing support. I could never have made it without each and every one...
19/10/2022

I've just reached 100 followers! Thank you for continuing support. I could never have made it without each and every one of you. 🙏🤗🎉 thanks all friends and families i a in bdn baan rajaynaah in aan wada gaarno🙏🙏🙏https://www.facebook.com/profile.php?id=100086524390936 share ii sidhaha follow raciya azxaabtaydah🙏🙏

Cabashooyinka ugu badan ee caruurta waa cunno xumo, awood yari iyo difaac oo yar taasoo u nugleysa xanuunada caruuta ku ...
17/10/2022

Cabashooyinka ugu badan ee caruurta waa cunno xumo, awood yari iyo difaac oo yar taasoo u nugleysa xanuunada caruuta ku dhaca iyo nafaqo yaridah.

F. G: Waxaa muhiim ah inaad kala tashato dhakhtar ka caruurtah pediatrician doctor and Medical Consultant si aad u hesho la talin caafimaad oo dhamaystiran
Asxabey share iyo fallow iso dhaha thank 🙏

17/10/2022

Stage of liver damage

Reasons you should NEVER marry a medical doctor:1. Always busy2. Hard to impress, doctors have seen it all3. Unless you ...
06/10/2022

Reasons you should NEVER marry a medical doctor:
1. Always busy
2. Hard to impress, doctors have seen it all
3. Unless you are critically ill, don’t expect any medical attention
4. If you are a jealous person, you will have hard time with the attention your spouse doctor gets
5. A doctor almost always brings some work home
6. Their work almost always comes first, so be ready for divorce if you are going to be a distraction

Bismillah,Waa mawduuc muhiim ah, wax badanne aad ka faa'idaysan doontaan.Waxaan badanaa la kulmaa bukaanno qaba ama lagu...
06/10/2022

Bismillah,

Waa mawduuc muhiim ah, wax badanne aad ka faa'idaysan doontaan.

Waxaan badanaa la kulmaa bukaanno qaba ama lagu sheegay xanuunada qanjirka thyroid-ka ku dhaca, laakiin nasiib xumo loo qoray daawo khilaafsan baaritaannada ay wataan, sababtuna waa aqoon la'aan keentay in si khaldan loo fasiro jawaabaha shaybaarka, waxaana qoraalkaan kaga hadli doonaa khaladaadkaas qaabka ay ku yimaadaan iyo sida looga hortagi karo.

Qanjirka thyroid-ka waa xubin ku jirta dhuunta, wuxuu soo daayaa dheecaanno loo yaqaano "hormones" oo muhiim u ah shaqada qeybo badan oo jirka ka tirsan, hadduu qanjirka shaqada joojiyo ama shaqada badiyo labaduba waa xanuun u baahan daawo, xanuunkaasina wuxuu noqon karaa mid kumeel-gaar ah ama mid joogto ah.

Si qanjirka thyroid-ka u shaqeeyo, wuxuu dhambaal hormoon ah ka helaa qanjir maskaxda ku jira oo loo yaqaano "Pituitary", kaasoo soo daayo hormoon loo yaqaanno "Thyroid Stimulating Hormone" loona soo gaabiyo "TSH", macnihiisuna yahay "homroonka ka shaqeysiiyo thyroid-ka".

Markuu hormoonkaasi soo gaaro lana falgalo qanjirka thyroid-ka, wuxuu qanjirka thyroid-ka soo daayaa hormoon loo yaqaano "T4", kaasoo jirka lagu baahiyo, kadibne markuu unugyada jirka la falgalayo waxaa hormoonka "T4" isu badalaa hormoon kale oo loo yaqaano "T3" si jirka uga faa'idaysto.

Marka baaritanka lagu eegayo shaqada qanjirka thyroid-ka wuxuu ka kooban yahay 3-daas hormoon, waxaana filayaa inaad fahanteen mid walba meesha uu ka yimaado iyo shaqada uu qabto.

Intaas kadib, markii jawaabta soo baxdo waa inuu dhakhtarka aqoon buuxda u leeyahay fasiridda jawaabta sababtoo ah:

1- Haddii hormoonka "TSH" uu kacsan yahay, hormoonka "T4" iyo "T3" ay hooseeyaan wuxuu qofka qabaa "Holwgabka qanjirka thyroid-ka". "T4" iyo "T3" sababta ay u hooseeyaan waa qanjirka thyroid-ka oo shaqeyn la', sidaas awgeed qanjirka "Pituitary" ee maskaxda ku jira wuxuu dareemayaa in thyroid-ka shqeyn la'yahay, markaasi wuxuu soo deynayaa "TSH" badan si qanjirka thyroid-ka looga shaqeysiiyo. Tan waa khaladka ugu h**eeyo oo ah: in bukaanka loo sheego in qanjirka thyroid-ku kacsan yahay maadaama hormoonka "TSH" uu kacsan yahay, qofkane loo qoro daawo qanjirka shaqadiisa yareyso isagoo awalba qanjirkiisu shaqeyn la'yahay.

2- Haddii hormoonka "TSH" uu dhacsan yahay, laakiin "T4" iyo "T3" ay sareeyaan, waxaad qabtaa kacsanaanta qanjirka thyroid-ka, markaas waxaad u baahan tahay daawo yareysa shaqada qanjirka thyroid-ka. Sidoo kale, khaladka 2-aad halkaan ayuu ka dhacsaa in "TSH" oo hooseyso in la arko, bukaanka loo qoro daawo qanjirka thyroid-ka kicinayso isagoo awalba kacsanaa, kadibne qofka wadne xanuun ku dhaco.

3- Haddii hormoonka "TSH" kacsan yahay, "T4" iyo "T3" ay dabiici yihiin, waxay tilmaamaysaa in howlgabka qanjirka thyroid-ka uu kugu soo socdo, laakiin uusan soo shaac bixin, xaaladaasoo loo yaqaano "Subclinical hypothyroidism", in markaan daawo laguu qoro iyo in kale waxay ku xiran tahay astaamaha aad dareemayso iyo muddada aad xanuunsanayd.

4- Haddii hormoonka "TSH" uu hooseeyo, "T4" iyo "T3" aysan weli kacsanayn, waxaa jiro kacsanaanta qanjirka thyroid-ka oo aan soo shaac bixin, in daawo laguu qorane waxay ku xiran tahay cabashadaada iyo astaamaha kaa muuqdo.

5- Haddii 3-da hormoonba "TSH", "T4" iyo "T3" ay wada kacsan yihiin, waxay cilladu ka jirtaa qanjirka maskaxda ku jira ee "Pituitary", sababtuna waa buro loo yaqaano "Adenoma" oo qanjirka shaqadiisa la wareegtay, xalkiisuna badanaa waa qalliin, daawo waxba k**a tarto.

6- Haddii 3-da hormoonba "TSH", "T4" iyo "T3" ay wada hooseeyaan, waxay sidoo kale cilladu ka jirtaa qanjirka maskaxda ku jira ee "Pituitary" oo howlgabay, waxayne u badan tahay in qofkaasi qanjirro badan ay shaqada gabeen, waana in la baaraa hormoonnada dhan ee qanjirkaasi kontaroolo. kadibne mid walba goonidiisa daawo looga siiyaa.

7- Haddii hormoonka "TSH" uu hooseeyo, "T4" ay sarreyso, "T3" ay dabiici tahay waxay tilmaamaysaa in qofkaasi qabo xanuun loo yaqaano "Thyroiditis" oo macnaheedu yahay in qanjirku shaqeynayo laakiin cillad kale ka hortaagan tahay in jirku ka faa'idaysto, wuxuuna bukaanka u baahanayaa in laga baaro waxyaabahaasi sida "Thyroid Antibodies", waxaa kaloo suuragal ah in qofka horay u qaadanayay daawada kor u qaadda shaqada qanjirka, una baahan yahay in daawada laga yareeyo ama inuu qofku waayeel yahay.

8- Haddii hormoonka "TSH" uu sarreeyo, "T4" ay dabiici tahay, laakiin "T3" ay sarreeyso waxaa loo yaqaanaa "T3 thyrotoxicosis", waxayna u badan tahay in qanjirka thyroid-ka ka soo baxday buro firfircoon, cilladaasoo loo yaqaano "Graves' Disease", arintaane waxaa lagu saxaa kaniiniyaal, mararka qaarne qalliin haddii laga fursan waayo.

Waxaa jira xaalado kale oo aan halkaan ku soo koobi karin, laakiin akhristow waxaad ka fahmaysaa qormadaan in qofka daawada thyroid-ka qorayo inay qasab tahay inuu aqoon buuxdo u leeyahay xaaladahaan iyo kuwa kaloo badan oo saameyn ku yeelan karo shaqada qanjirka thyroid-ka laakiin in qofka daawo la iskaga qoro waa arrin bulshada ku badan, si joogto ahne aan u la kulmo.

Fadlan qoramadaan, qof walba faa'ido ayay u leedahay, khaas ahaan bahda caafimaad iyo dadka la nool xanuunnada ku dhaca qanjirka thyroid-ka. Mahadsanidiin.
dr ayanle

Address

Km4
Adado
2521

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhinxor Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dhinxor Media:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram