
08/06/2023
CAGAARSHOWGA AMA ( INDHACASEEYE)
Cudrkaan cagaarshowga wuxuu ku dhacaa beerka, asagoo wax yeelo ugeysta shaqada beerka, waxaana loo kala saaraa ilaa 5 nooc, oo kala ah A,B,C,D iyo E qaarkood waa isku calaamado, oo si fudud looma kala garto, ilaa baaritaan mooyeey, cudurkaani wuu ku badanyahay aduunka, oo waxaa lasheygaa in ka badan 5milyan oo qof in uu ku dhaco sanadkiiba. Hadaba anaga soomaalia aad ayuu usoo badanayaa sanadahaan danbe, taasoo sabab u ah, dadka in aysan ogeen ama fahansaneen, waxaad arkeysaa dad badan oo ku leh gaas ayaa ihaya ama calooshaa ixanuuneyso oo aan kala garan karin, beerka iyo caloosha, hadana la il daran xanuunka cagaarshowga, xanuunkani aad ayuu ukala halis badanyahay, waxaana halistooda leh, nooca B iyo C HBv iyo HCv, kuwaas oo dhibaateeyo shaqada beerka, maxaa yeelay beerku jirka aadanaha shaqo ku haboon ayuu ka qabtaaa, sida dheefshiidka, sifeynta dhiiga, iyo difaaca jirka, hadaba labadaani nooc ee ku badan bulshada,
WAXAA LAGU KALA QAADAA.
1. Dhiiga qofka qaba oo gaara qofka kale dhiigiisa
2. Maqasyada ama Syriges loo isticmaalay qofka qaba cagaarshowga.
3. Galmada ama isu taga rag iyo dumar midkood qaba xanuunka.
4. Hooyada qabta oo ugudbisa ilmaheeda IWM.
CALAAMADAHA CAGAARSHOWGA
1. Indhaha oo casaada
2. Kaadida oo gaduudato ama cagaar isku badasho hadba heerka uu maraayo.
3. Xumad iyo matag badan
4. Caloosha oo soo weynaanta.
5. Qofka beerka oo xanuuna.
KA HORTAGA
Cudurkani waxaa wanaagsan in laga qaato talaal, oo ilmaha iyo dadka waaweynba laga talaalo maadaama dalka laga heli karo, isbitaaladana uu yaalo, waxaa kaloo haboon in laga feejignaado waxyaabaha dadka muda iyo maqasyada loo isticmaalo dhaymada, iyo meelaha lagu bixiyo ilkaha, in laga digtoonaado qalabkaas ma yahay mid jeermis Dilan oo heerkul ku filan maloo isticmaaly,
OGAASHIYAHA
Waxaa lagu ogaadaa baaritaan sheybaar,, iyo calaamadaha oo ka soo muuqda bukaanka sida indhaha oo casaada,
DAAWEYN
Daawada waxaa haboon inta uu ugudbin HBv iyo HCv in la siiyo bukaanka maxaa yeelay viruskani haduu ka gudbo B oo C noqdo waa halis oo waxaa iman kara livercerhosis oo ah kansarka beerka,
DABKA AMA IN LAGUBO QOFKA
Badanaa waa dhqan soo jireen ah dabka, mana ka dhigna in uu dawo uyahay A iyo B lkn badanaa HAv ayaa jirka ka soo muuqda mana ahan halis jirka ayaa iska difaaca, waxaana kulma jirkii oo iska difaacay xanuunkii, iyo dabkii la gubay, sidaas haloo fahmo lkn labada kale ee aan soo sheegnay waa halis.
TALO SOOJEEDIN.
Cudurkani aad ayuu Somalia ugu soo badanayaa sidaa daraadeed, waxaan ku talinayaa in Lees baaro, oo dhqaatiirta beeka lala xiriiro, maxaa yeelay wuxuu noqon karaa mid raago, oo aadan muddo sanado dareemin jirkaadana uu ku jiro,
Sidoo kale talaalku waa muhiim in caruurta laga talaalo goobaha talaalka qabow ee wanaagsan laga helo, wabillaahi towfiiq.
Dr. Mohamud yusuf cusman