Suldan Abdiwali Kurar Hashi

Suldan Abdiwali Kurar Hashi Gedo Region Politician

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLANDLaasaca...
18/01/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

Laasacaanood, Jannaayo 17, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha dhaqanka Dowlad-goboleedka Puntland oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, kuwaasi oo ka qayb galay, Munaasabadda caleemo-saarka Madaxda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey in ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay doorkooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Dhankooda, Boqorka iyo Isimada dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey, dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo daadajinta nidaamka dowliga ah, iyaga oo muujiyey dareenka Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka dhaqanka Puntland, waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada
Dhamad

15/01/2026

DEG-DEG

Xiisad ayaa ka taagan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii saddex diyaaradood oo xamuul ah oo ay leedahay Itoobiya ay doonayeen in ay dalka ka qaadaan ciidamo, shaqaale iyo diblumaasiyiin ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta oo dalka laga cayriyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaatay in dadka oo keliya la qaadi karo, balse si adag u diiday in wax qalab ama gaadiid ah la raro, sababo la xiriira baaritaanno amni oo dheeri ah iyo xiisadda siyaasadeed ee sii xoogaysanaysa ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Dowladdu waxay ku adkaysanaysaa in aan wax alaab ah la qaadi doonin illaa baaritaanno dhammaystiran lagu sameeyo, xilli Itoobiya ay codsatay waqti kooban oo wada-tashi ah si go’aan k**a dambays ah loo gaaro.

Dowladda ayaa horay u ogolaatay ugu yaraan 10 duulimaad in Imaaraadku dalka ugu guuro balse waxaa loo baahday duulimaadyo dheeraad ah, dowladda ayaa diiday in diyaaradaha Imaaraadku dalka ku soo laabtaan balse Imaaraadka ayaa Itoobiya ka dalbatay in dal 3aad loo ogolaasho la siiyo si loo loo faadgureeyo qalabka milatariga balse dowladda ayaa mar kale diiday in aan la qaadayn alaabta ilaa baaritaano kale la marsiiyo.

30/12/2025
Fahad yasiin xaji dahir ayaaa hadal wano iyo dardaran ah u diray madaxweynaha Somaliland Abdirahmaan  ciroo oo u kaso ye...
27/12/2025

Fahad yasiin xaji dahir ayaaa hadal wano iyo dardaran ah u diray madaxweynaha Somaliland
Abdirahmaan ciroo oo u kaso yeray hadal an laga filayn

Sidaa waxaa yiri madaxweynihii h**e ee Somalia  Mohamed Abdullahi Farmaajo
27/12/2025

Sidaa waxaa yiri madaxweynihii h**e ee Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo

Warqadan oo ah wax k**a jiraan ayaan kaso baxday garbaharey  kolay shimbir jebkisaa ayuu kala sobaxay waxan leyhay nabka...
26/12/2025

Warqadan oo ah wax k**a jiraan ayaan kaso baxday garbaharey kolay shimbir jebkisaa ayuu kala sobaxay waxan leyhay nabka iyo bentaa kadaa bulshada rer gedo mana matadhid rer gedo ee bulshada marin hababintaa kadaa waa midad adiga ku dhuntay

Mida kale waxan leyahay bulshadaa rer gedo ayihintaa ka tashadaa oo meshaad umaleysab in ay dantina ku jirtaa racaa usan cadaqatee Qalaw idinka Turin

MOWQIFKA SIYAASADEED EE MADAXWEYNIHII 9-AAD EE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA, MUDANE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO,...
26/12/2025

MOWQIFKA SIYAASADEED EE MADAXWEYNIHII 9-AAD EE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA, MUDANE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO, EE XAALADDA SIYAASADEED, AMNI, DHAQAALE IYO BULSHO EE DALKU KU JIRO

Asc Dhaman Asxabtaa an halkan ku saxibnay Labadan madaxweynee  u Kala codeyaaa 24  hours  Waqti idiin siyaya Farmajo ♥️ ...
26/12/2025

Asc Dhaman Asxabtaa an halkan ku saxibnay
Labadan madaxweynee u Kala codeyaaa
24 hours Waqti idiin siyaya

Farmajo ♥️ Hassan sheekh liketa

H.E. Mohamed Abdullahi Farmaajo: “Waxa ay madaxda Dowladda Federaalku sameysteen hannaan doorasho oo sharcigiisa, guddiy...
25/12/2025

H.E. Mohamed Abdullahi Farmaajo: “Waxa ay madaxda Dowladda Federaalku sameysteen hannaan doorasho oo sharcigiisa, guddiyadiisa, qalabkiisa, hawl-wadeenadiisa iyo maalgalintiisaba ayagu gacanta ku hayaan, ogyihiinna natiijada kasoo baxaysa, taasoo khatar weyn ku ah dhabbaha sharciyadda iyo dowlad la aqoonsan yahay oo dalku yeesho.”

Madaxweynihii h**e ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo muhiim ah oo loogu gogol...
09/12/2025

Madaxweynihii h**e ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo muhiim ah oo loogu gogol xaarayo shaacinta murashaxnimadiisa.

Farmaajo ayaa Muqdisho kula kulmay masuuliyiin, siyaasiyiin, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo quud daraynaya in ay qeyb ka noqdaan dhaqdhaqaaqa xooggan ee ay wadaan xubnaha Nabad iyo Nolol.

Warar la xaqiijiyey ayaa sheegaya in Madaxwaynihii h**e ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqi doono musharaxnimadiisa marka uu dhammaystiro wadatashiyada uu la qaadanayo kooxaha iskudhafan ee taageersan, kuwaas oo si maalinle ah ugu kulmay Xarunta uu ka hirgeliyey Muqdisho ee Nabad iyo Nolol.

Address

Baardheere

Telephone

+252614015758

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Suldan Abdiwali Kurar Hashi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram