07/05/2026
KANSARKA NAASAHA
Qeybta 3aad: Marxaladaha (Heerarka) Kansarka Naasaha
• Marxalad ( Heer) H**e (Early Stage): Waa Buro ka yar 5cm, wax qanjir ahna gaarin ama qanjir yar gaartey. Waxaa ku jira marxaladaha I, IIA, IIB. Bukaanadaan waxaa inta badan loo qorsheeyaa qalliin degdeg ah ama mararka qaar daaweyn kooban (neoadjuvant).
• Marxalad (Heer) Gudaha Naaska ama Hareerihiisa Ku Fidday (Locally Advanced): Waa Buro kaweyn 5cm ama qanjir gaartey. Waxaa ku jira marxaladaha IIIA, IIIB, IIIC, iyo kansarka bararka leh (Pau d’ Orange) ama caabuqa leh (Inflammatory BC). Bukaanadaan waxaa loo bilaabaa daawada kiimikada ee ka horaysa qalliinka (Neoadjuvant) si ay u yaraato burada cabir ahaan.
• Marxalad (Heer) ku Fidday Jirka (Metastatic): Waa marxaladda IV, halkaas oo kansarku ku faafay xubnaha fog sida lafaha, beerka, ama sambabada. Hadafka daaweyntu waa in la xakameeyo cudurka iyo in la kordhiyo tayada nolosha.