Dr Mohamed Nyeusi

Dr Mohamed Nyeusi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr Mohamed Nyeusi, Medical and health, Baydhabo, Bay.

13/05/2025

Xuddur, Caasimadda Gobolka Bakool πŸ–€

Shimbiruhu waxay kuduulaan baalashooda, Bani Aadamkuna wuxuu kuduulaa hankiisa... Ahmed Shawqi... πŸ’¬
10/05/2025

Shimbiruhu waxay kuduulaan baalashooda, Bani Aadamkuna wuxuu kuduulaa hankiisa...

Ahmed Shawqi... πŸ’¬

28/03/2025

Alxamdulillah 🀍
Waxaan markii 9-aad qabannay oo Allah SW uu innagu guuleeyay barnaamijkii khayriga ahaa ee Ciidsiinta Caruurta Danyarta ❀️
Sanadkaan 2025, waxaan ciidsiinnay caruur gaareysa 260 (Labo Boqol iyo Lixdan), 130 wiil iyo 130 gabdho, Alxamdulillah 🀎

260 Carruur ah ayaa caawa guryahooda Farxad lajiifa, waxayna si Farxad iyo niyad sami leh kusugaayaan maalinka ciidda.

Dhammaan Walaalihii nagala qeyb qaatay Ololahan khayriga ah waan u mahadcelinaynaa. β™₯️

SHODOG STUDENTS' UNION (SSU) Waa Urur u taagan kana shaqeyn doona Farxadda Danyarta.

Midnimaa Sharaf Leh.

25/02/2025

Qiso cajiib ah, oo mudan in lagu cibro qaato.

1979-kii, qoys suuriyaan (Syria) ah ayaa go'aansaday inay u guuraan Dalka Mareykanka πŸ‡ΊπŸ‡Έ, si gaar ah, California.

Aabihii qoyska ayaa kasii hormaray reerka intiisii kale, wuxuuna tagey California, asoo u jeedadiisu ay ahayd inuu usii diyaariyo meel ay xaaskiisa iyo carruurtiisa dagaan.
Dhowr maalmood kadibna, hooyadii iyo carruurteeda oo gabdho u badnaa ayaa kasoo safray Suuriya.

Diyaaraduhu intaanay waddanka intiisa kale tagin waxay kusii hakan jireen Newyork ama Chicago, si meesha dadka Ajinabiga ah ee waddanka kucusub Visa dal kugal ah (Greencard) looga siiyo.

Hooyadii iyo caruurteeda ayaa yimid garoonka diyaaradaha ee magaalada Chicago, si ay meesha ugasii qaataan sharci dal kugal (Greencard).
Si sharcigaas loo qaatana, waxaa shuruudaha kamid ahayd in dumarka xijaaban ay xijaab-ka iska saaraan πŸ§•.
Hooyadii qoyska ayaana arrinkii loosheegay, ugu horreyn na ayadii ayaa xijaab la'aan sawirkii gashay, gabdhaheedii kalana waxay usheegtay inay sidaa yeelaan oo ay xijaabka iska bixiyaan si loo sawiro.

Gabdhihiina siday u kala weynaayeen ayay sawirka ugu kala hormareen.

Gabar markaas gabdhaha u yarayd oo lagu magacaabo "Hala Atiq", oo da'deeda lagu sheego inay u dhaxeysay 13 sanno ilaa 19 sanno jir ayaa iyadana markeedii loo wacay si loo sawiro, waxaana loosheegay inay xijaabka iska bixiso!
Gabadhii yarayd, ayaa diiday inay madaxeeda qaawiso. Ciidankii ilaa taliyihii garoonka ayaa ku amray inay xijaabka bixiso laakiin weyku adkeysatay go'aankeeda.
Waxayna intaa raacisay, inay kadoorbideyso in ay Suuriya kullaabato, intay cawradeeda bannaanka keeni lahayd!

Hooyadeed ayaa arrinkii loosheegay, kadibna ayadoo aad u carreysan/xanaaqsan ayay ku qeylisay gabadhii, laakiin "Hala Atiq" waxay ku adkeysatay go'aankeedii h**e.

3 Saacadood kadib, Saraakiishii garoonka ayaa go'aansaday inay sideeda (ayadoo xijaaban) sawirka kugasho, maadaama aan kaligeed qoyska intiisa kale laga reebi karin, sidii ayaana lagu sawiray (waana sawirka hoos idinkaga muuqda), laakiin nasiibdarro, diyaaraddii ayaa katagtay, intii ay doodda socotay!
Hooyadii qoyska ayaa arrinkii aad uga xumaatay, waxayna si aad ah ugu qeylisay "Hala Atiq", hadalladeedana waxaa kamid ahaa "madax adeeggaagii ayay waxaanoo dhami kudhaceen"!
Codsiyo badan iyo dood dheer kadib, waxaa loo oggolaaday inay raacaan diyaaradda xigta (next flight).

Ugu danbeyn, waxay tageen California, halkaas oo Aabihii qoyska uu kusii sugaayey.
Aabihii ayaa Xaaskiisa iyo carruurtiisa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee California, asagoo farxad la ilmeynaya, oo ku celcelinaya, "Alxamdulillah, waad nooshihiin" "Alxamdulillah, waad nooshihiin"! "Waad badbaadeen", iyo erayo lamid ah!
πŸ”ΈοΈ Xaaskiisii ayaa weydiisay sababta keentay inuu dhaho waad badbaadeen, iyo waxa dhacay?

Wuxuuna usheegay, in diyaaraddii ay markoodii h**e kuqornaayeen ee ahayd 'American Airlines Flight 191' ay shil diyaaradeed gashay, waxaana ku geeriyootay 271 qofood! Subxanallah!
Qoyskaan diyaaraddaas shilka gashay ayay markoodii h**e kuqornaayeen, laakiin maadaama gabadhii yarayd "Hala Atiq" ay diidday inay xijaab la'aan sawir gasho, muddo 3 saacadood ahna ay dooddooda socotay, ayay katagtay diyaaraddii, sidaas ayayna uga baaqdeen oo ay diyaarad kale kuraaceen!

Hala Atiq ayaa markaas tiri kalmad aad u caanbaxday oo ahayd, Ψ§Ω„Ψ­Ψ¬Ψ§Ψ¨ Ψ£Ω†Ω‚Ψ° حياΨͺΩ†Ψ§, oo lamicno ah "Xijaabkii ayaa nafteenna badbaadiyay"! Allahu Akbar ❀️

Qisadaan waa Qiso Dhab ah, waxayna dhacday, 25 May 1979.
Waxaa Tarjumay: Dr Mohamed Nyeusi πŸ“–πŸ“šπŸ–Š
Maxaad ka faa'iidday qisadaan, nagula wadaag qeybta faallada (comments).
Mahadsanid πŸ‘πŸ½

Medical & health

TALO CAAFIMAAD πŸ₯ΌπŸ«€πŸ©ΊTalooyinkaan caafimaad ee hoos kuxusan haddii aad qaadatid, waxaan kuu ballanqaadayaa in caafimaadkaag...
28/10/2024

TALO CAAFIMAAD πŸ₯ΌπŸ«€πŸ©Ί

Talooyinkaan caafimaad ee hoos kuxusan haddii aad qaadatid, waxaan kuu ballanqaadayaa in caafimaadkaaga Jir ahaan iyo Maskax ahaanba ay waxbadan iska badali doonaan In Shaa Allah ☘️

πŸ«€1. Soonka oo lajoogteeyo asbuucii 2 maalmood ama ugu yaraan 1 maalin.

Soonku waa talada caafimaad ee ugu muhiimsan ee aan maanta kusiin lahaa.

πŸ«€2. Joogteey istacmaalka Malabka, Xabad-sowdada, Timirta, Caanaha geela πŸͺπŸ₯› (oo bilaa sokor ah), khudaarta (intii aad heli karto), Biyo badanna cab.

Cuntadu waa inay kuu kala soocnaataa,
Cuntooyinka larabo inaad waxbadan kacuntid waa kuwa laga helo Protein-ka, Sida Hilibka noocyadiisa kala duwan πŸ₯©πŸ—, Ukunta πŸ₯š, Caanaha πŸ₯›& Looska πŸ₯œ, iyo Khudaarta noocyadeeda kala duwan 🍌πŸ₯­πŸ₯¦πŸ‰πŸ₯•.

Cuntooyinka qaarna waxaanba kugula talin lahaa inaad iska joojisid gabi ahaanba, sida waxkasta oo gasac ama caag lagu keeno oo dibadda lagasoo dhoofiyo, Saliidda iyo Sonkortana jooji!
Waxaadna kubadalataa dalagga beeraheena kasoo go'a sida galleyda 🌽 masagada, digirta iyo qamadida.

Ha casheynin habeenkii! Cuntadaada ugu danbeysana waxaad cuntaa maqribadii.

πŸ«€3. Xilli h**e seexo habeenkii si aad xilli h**e u kacdid subixii.

πŸ«€4. Jimicsi sameey maalintii 1 saac kamid ah ama ugu yaraan 30 daqiiqo.
Jimicsigu gurigaaga xitaa waad kusameyn kartaa oo waxweyn lagaama rabo, Socodka xitaa waa Jimicsi.

πŸ«€5. Tasbiixda iyo Qur'an akhriska aad u badi.

πŸ«€6. Bulshada aad lanooshahay kula dhaqan dabeecad wanaagsan, qofkasta oo aad wax uun isku heysaan na iska cafi, markastana Ilaahey xaggiisa kheyr kafilo.

Lixdaan talo haddii aad joogteysid waxaan kuu ballanqaadayaa inaad isbitaal iyo farmashiba k**aarmi doontid In Shaa Allah, walwal iyo walbahaarna wey kudeyn doonaan.

1 MONTH CHALLENGE.
1 bil talooyinkaan kor kuxusan sameey, kadibna arag natiijada kadhalata! Jir ahaan iyo Maskax ahaanba isbadel weyn ayaad dareemi doontaa In Shaa Allah.

MUHIIM: Talooyinkaan caafimaad waxaa aad ugu baahan dadkeena da'da ah (50 jir iyo wixii kaweyn) ee lawadaag. Mahadsanid πŸ’™

Marna ku dalxiis, marna dadkaaga ugu shaqeey.... @ Bakool Regional Hospital πŸ«€πŸ©ΊSawirrada waxaa igu wehliya Our Medical Di...
29/09/2024

Marna ku dalxiis, marna dadkaaga ugu shaqeey.... @ Bakool Regional Hospital πŸ«€πŸ©Ί

Sawirrada waxaa igu wehliya Our Medical Director Dr Ismail Jeyte, Mr Ugaas iyo Our Supervisor Mr Mohamed Adan.

Habeenku ha idin wacnaado dhallinyaro... 🀍

Alxamdulillah πŸ’œ8 ilaa 10 sanno kahor, Hooyooyinkeena waxay u dhiman jireen dhibaatooyinka laxiriira uurka (Pregnancy com...
14/09/2024

Alxamdulillah πŸ’œ

8 ilaa 10 sanno kahor, Hooyooyinkeena waxay u dhiman jireen dhibaatooyinka laxiriira uurka (Pregnancy complications), sida fooshii oo dheeraata, dhiigbax, kalaamisada (Eclampsia) iyo waxyaabaha lamidka ah oo haddii Hooyada uurka leh ay heli lahayd gargaar iyo adeeg dhammeystiran, ay ayada iyo ilmaheeduba badbaadi lahaayeen! (Allaa badbaadada lehe).

Dhallaankeena kudhasha waxkayar 9 bilood (Premature babies), waxay u dhiman jireen incubator (Dhalada ilmaha lagu koriyo) la'aan iyo aqoontii shaqaalaha caafimaadka oo markaas aad u hooseysay.

Qalliimada fudfudud sida in qabsinka lasaaro (Appendectomy), burooyinka yaryar, Eernada iyo waxyaabaha lamidka ahba waxaa adkaan jirtay in magaalada gudaheeda lagu sameeyo, bukaankana wuxuu kuqasbanaan jiray inuu Baydhabo ama Muqdisho adeeg caafimaad u doonto, qofkii aan meelahaas aadi karin na inuu iskala dhibtoodo xanuunka amaba uu u geeriyoodo!

Dad aad u qiimo badan ayaan kuweynay dhakhtar la'aanta iyo Dawo/Qalab la'aanta markaas jirtay awgeed!
Dadkeena xanuunsan oo u baahan qalliinka degdegga ah, waxay kuqasbanaan jireen inay sugaan diyaarad asbuuciiba mar imaan jirtay, si ay u raacaan oo Muqdisho loogusoo qalo!

Inbadan oo anigaba aan aqaano (oo habaryarteey macaanba ay kamid ahayd Allaha u naxariistee), ayaa u geeriyooday ayagoo sugaayo diyaarad 3 maalmood kadib imaan lahayd!
Inbadan oo adinka (reer Xuddur) idin kamid ah oo qormadaan akhrinaayana waan hubaa dhacdooyin noocaas ah inay idinsoo mareen!

Intaas iyo inkaloo kaxanuun badanba waxyaabihii nasoo maray ayay kamid ahaayeen, waana lagasoo gudbay, hadda oo 2024 lamaraayo xaalkeenu waa sidee marka?

Allah ayay mahad oodhami u sugnaatay, hadda dhanka caafimaadka waxyaabo badan ayaa iska baddalay, qofkii reer Xuddur ah oo magaalada joogana in loosheego umaba baahna.
Isbitaalkii Gobolkana (Bakool Regional Hospital), waa kan aad sawiradiisa aragtaan.
Waxaanba tartan kula jirnaa isbitaallada caasimadda 🀍

Waxaan heysannaa dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo umulusooyin, aqoon leh, dadkooda iyo deegaankoodana jacel.
Qalab caafimaad oo looga maarmey in gobollada kale iyo caasimadda Dalka caafimaad loo aado (wixiiba Gobollada Dalka laga wada simanyahay marka laga reebo).
Saallo (Qeybta qalliinka) oo tayadeedu aad u sarreyso, dhalooyinka dhallaanka lagu koriyo (Incubator) iyo NICU dooda, iyo shaqaale u tababaran, qeybta bukaan socodka, bukaan jiifka, gargaarka degdegga ah iyo Qeybta dhalmada oo 24/7 heygan ah.

Allah fadligiisa kasokoow, guushaas waxay kutimid iskutashi bulsho iyo shaqaale caafimaad oo deegaankooda kasamri waayey oo kusamray πŸ’™

Sanadaha soo socdana waxaan rajeynayaa in meesha hadda lajoogo lagasii hormari doono, In Shaa Allah.

18/08/2024

"Nidaamka waxbarasho ee Dalka kajira waa mid 'Gumeysi Maskaxeed' kuhaayo ardada iyo Guud ahaan Dhallinyarada Koonfur Galbeed".

|Farriin kusocota qofkasta oo Digil & Mirifle (Raxaween) ah, si gaar ah Siyaasiyiinta iyo waxgaradka|.

Dr Mohamed Nyeusi πŸ“šπŸ“–πŸ–Š

Waxaan rabaa caawa inaan idinla wadaago arrin aan isleeyahay waxay muhiim u tahay guud ahaan dhallinyarada, si gaar ah a...
09/08/2024

Waxaan rabaa caawa inaan idinla wadaago arrin aan isleeyahay waxay muhiim u tahay guud ahaan dhallinyarada, si gaar ah ardada sannadkaan billaabi rabta Jaamacadda, ama kujira sannadkoodii 1-aad ama 2-aad ee Dugsiga sare ama Jaamacadda.

Marka aad go'aansatid inaad billowdo Jaamacadda, waxaa inta badan talo laga raadsadaa dadkii kaaga horreeyay waxbarashada, asxaabtaada iyo qoyskaaga.
Dadkaasi waxay isugu jiraan kuwo aragti fog leh, kuguna dhiirogelinaayo inaad h**e usocotid, iyo kuwo kaloo badan oo aragti gaaban leh, Critics ah (which means they express unfavourable opinion of everything), waxayna markastaba wax ka eegaan dhinaca liita.

Tusaale, aniga shakhsiyan waxaan Jaamacadda billaabay sannadkii 2017, xilligaas na waxaa jiray dad badan oo su'aalo adag iga weydiiyay inaan Jaamacadda billaabo!

Waxay iweydiin jireen su'aalo ay kamid yihiin, 'Haye, maxaad rabtaa inaa baratid? 'Caafimaad/Dhakhtarnimo.
Markaasey idhihi jireen, 'meeqa sano waaye'?
Waa 6 sano.
'Lix sano waaba yaa dhintay yaa noole, maad waxkale iska dooratid?!
Hadana, waxay iweydiin jireen 'lacagta?
Markaaseyba kasii darnayd oo marka aan usheego lacagta bilkasta iiga bixi jirtay waxbarashada intay madaxa gacanta saaraan ay idhihi jireen, intaas oo lacag ahba hadaa heysid maxaad wax kabaranee maad meel uun kumaalgashatid iyo wax lamid ah!

Hadda ogoow, dadkaas lacagta Jaamacadda ayaga k**a rabin, inaan waxbarto iyo inkalana ayaga shaqo kuma lahan, saas ay tahayna waxay inta badan igula talin jireen inaan Faculty aan Medicine ahayn doorto!

7 sano kahor, ayaga meeshii ay nolosha kajoogeen ayay weli kajoogaan hadaysanba kasii hooseynin, anigana Alxamdulillah, Jaamacaddiina wey iidhamaatay, Magaceygiina hadda waxaa laga hormariyaa Title 'Dr' ah, dadkeyga ayaana ushaqeeyaa.

Haddii aan maalinkaas taladooda qaadan lahaa kawarama?!
Runta markaan idinkala hadlana marbaan kasiktay inaan taladooda qaato, laakiin Hooyadey mcn ayaa igu dhiirogelisay inaa Medicine barto, oo heerka maanta aan joogana isoo gaarsiisay, Mahadsanid Hooyo πŸ’œ

Ugu danbeyn, waxaan idinkula talin lahaa inaadan waxba kasoo qaadin waxa dadka kale kaa aaminsanyihiin amaba ay kuusheegayaan, naftaada kaliya dhageyso, dadkana intooda macquulka ah oo ay waalidkaaga iyo walaalahaaga ugu horreeyaan ka talo qaado.

Hafiirinin wakhtiga adag ee kusoo mara muddada aad waxbarashada kujirtid ee fiiri waxa aad ka faa'iidi doontid marka shahaadada farta lagaa saaro β™₯️

Sawirada hoose waa kuwo aan galay mar aan kujiray waxbarashada ilaa hadda (2017 - 2024).

Middidu inay middi wanaagsan noqoto waa inay saddex soo martaa.

1. Dab waa inay gashaa oo la dubaa.
2. Waa in dubbe/burus lala dhacaa.
3. Waa in soofe la mariyaa.

Haddey birtu tiraahdo dabka waa lagu gubtaa anigu gali maayo, middi noqon meysee bir uunbay ahaan.

Haddaad dhibaatada diiddo isbadel makeeneysid.

Life begins when you step out of your comfort zone ✨️

Dr Mohamed Nyeusi πŸ‘¨πŸΎβ€πŸ”¬ 🀍

Naftaada ku kalsoonoow, haisku faahfaahin qof kaa aaminay fikir xun ama inaad tahay qof xun.U oggoloow inuu fikir kaaqaa...
30/07/2024

Naftaada ku kalsoonoow, haisku faahfaahin qof kaa aaminay fikir xun ama inaad tahay qof xun.
U oggoloow inuu fikir kaaqaato iskana socdo, waayo adduunyadaan laguuma keenin inaad dadka u caddayso waxa aad tahay.
Wax danayn ah hasiin waxay dadka kale kaa aaminsanyihiin.
Kaliya waxaa kugu filan inaad ogtahay waxa aad tahay πŸ’œ

Waligaaba xusuusnoow oraahdii ahayd 'Xag Ilaahey nin ka eed la', xan Aadane waxba mayeesho 🀍

Haku tiirsanaanin jacaylka, waayo waa mid naadir ah, hana kutiirsanaan bani Aadamka, asaga waa mid qiyaano badan, sidookale haku tiirsanaanin wakhtiga, waayo waa mid soconaayo oo aan adiga kusugeynin, Balse, kutiirsanoow Alle SW, waayo asaga waa mid awood badan oo caadil ah πŸ’™

Address

Baydhabo
Bay

Telephone

+252616014967

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Mohamed Nyeusi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Mohamed Nyeusi:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram