health counseling center for the Somali community

health counseling center for the Somali community health counseling for the community

26/10/2023

be carefull

Ramadaan mubarak dhaman muslimiinta aduunka melkastay kajogaanbaGar ahaan umada soomaaliyeed Allah kumahadsan nabad qab ...
22/03/2023

Ramadaan mubarak dhaman muslimiinta aduunka melkastay kajogaanba

Gar ahaan umada soomaaliyeed Allah kumahadsan nabad qab nagu so garsiyey bisha barakeysan ee Ramadaan kareen

illhay hainaga dhigo kuwii kafaaidaysta bishan barakada badan loona danbi dhaafa
amin amin

13/01/2023

Macuni jirty mooska saaidka ubislaaday ama madmadowga leh hadaba manta kadib iska ilaali kana bogo muqaalkaan

Share dheh si dad badan iskaga taxadaran

04/01/2023

Cunto Nafaqo leh
Cunto isku dheeli tiran
Cunto caafimaad leh..............................

Ugu h**een waxa muhiim ah in aan isla fahmno cuntada waxay tahay maxay ukala baxdaa cunte noocee ah jirku ubahan yahay xadi intee la,eg buu midkasta jirka uga baahan yahay intaas iyo in kale marka aanu isla fahamno baanu ogaan donaa cunto isku dheli tiran iyo cunto cafimaad qabta......

Qeybahan kor kuso xusnay iyo guud ahaan cuntooyinka qeybahooda kala duwan ayaa halkan idin kuso sharxi donaa haduu alle idmo

Ugu h**eyn wamaxay cunto ?

Cuntadu waa shay kasta oo la quuto si looga helo nafaqo iyo awood jidhka nooluhu u baahan yahay si uu u sii noolado.

Cuntadu waa walax nooluhu quutaan taas oo unugyada jidhka siisa tamar ay ku shaqeeyaan.
Sida caadi ah cuntada waxaa laga helaa dhirta ama xayawaanka (ama labadoodaba.

qeybaha cuntada
(types of Food)?

Cuntadu guud ahaan waxa loo qeybiyaa 7 qeybood waxayna kala yihiin sida tan

Carbohydrates.
Proteins.
Fats.
Vitamins.
Minerals.
Dietary fibre.
Water.

Qeybahaan oo iyana uqeyb sama labo group o kala ah

Macronutrients
micronutrients

A...Macronutrients-ka waa cunto jirku uga baahan yahay xadi badan (large amount) si uu jirku uhelo tamar kufilan oo kushaqeeyo iyo qurxinta qaabdhismeedkiisaba waxana kamid ah contooyinka

Carbohydrates.
Proteins.
Fats.

B...micronutrients-ka waa Cuntooyin uu jirka uga baahan yahay xadi yer (small amounts)waxa kamid ah

Vitamins.
Minerals.

1-Wamaxay Carbohydrates ?

Carbohydratesku waa nafaqooyin bixiya tamar iyo faa'iidooyin Caafimaad o badan sido kale Carbohydratesku waxa u kujiray group-ka macronutrientska o jirku uga baahna xadi badan si u uhelo tamar u kushaqeyo una ilaaliyo badqabka cafimadkiisa.

Maxa kamid ah cunooyinka laga helo Carbohydrateska ?

Waxa kamid ah
Rootiga, ​​digirta, caano, salool, baradhada, buskud, spaghetti, baris, cabitaannada fudud, galleyda,
imw.

Sido kale Carbohydrates waxa jira afar shaqo o muhiim u ah jirka banii adamka o u qabato Carbohydrates waxayna yihiin

energy production.
energy storage.
sparing protein.
preventing ketosis.

Lasoco qeybaha kale o an halkan kusharxi doono i.a

👉Follow dhahe pagekena
👉share dheh si dad badan uga faideystaan

mahadsanidiin

Isku day in aad kajawaabto So,aalahan 1=Waa maxay cunto isku dheeli tiran (balance Diet)2)waa maxay Cunto cafimaad qabta...
03/01/2023

Isku day in aad kajawaabto So,aalahan

1=Waa maxay cunto isku dheeli tiran (balance Diet)
2)waa maxay Cunto cafimaad qabta(Health Diet)?

Isku daygiina kadib waxan kasoo gudbin donaa casharo iyo talooyin muhiim u ah bulshada somaliyeed oo kusabsan waxa loola jeedo Cunto isku dheela tiran
Cunto caafimaad leh
Cuntadee hooyada uurka leh u wacan
Caruurta cunto nocee ah ubaahan yihiin

Iyo Qeybo kaloo badan insha allah

Share dheh o saxibadaada garsii mahadsanidiin

So,aasha Jimcaha Hada tahay arday baranaayo Cafimaadka amaba bartay CafimaadkaWa maxay sababta aad kudooraty barashada C...
30/12/2022

So,aasha Jimcaha

Hada tahay arday baranaayo Cafimaadka amaba bartay Cafimaadka
Wa maxay sababta aad kudooraty barashada Caafimaadka?
Mise saxiibadada baraneyaan aad ubaraty ama ubaranoysa Cafimaadka?

si saxiibo badan ugaarto

17/10/2022

(whooping cough)

Qeybtii 2aad

Cudurada faafa (Communicable disease)

Qeybtiisa hawada kufaafta (airbone disease)

Waxa an h**ey uso qadaney cudurada kala ah

👉Hargabka(Commond cold)
👉Jadeecada(Measles virus)

Manta waxan qadan donaa cudurka loo yaqaano xiiq dheer (whooping cough) oo kamid ah cudurada hawada kufaafa

Hadaba waa maxay xiiq dheer ?

Xiiq dheertu waa infekshan si fudud ku faafa oo ku dhaca qaybta hawa mareenka wuxuuna leeyahay qufac dheer oo jiidmaya kaasoo bukaanka dhib ku ah.

Maxa sababa xiiqdher (cause of whooping cough)

Cudurkan Xiiq dheerta waxa sababa bagteeriya looyaqaano (Bordetella pertussis)

Habka faafista (route of transmession)

Cudurkaan xiiq dheerta waxa u kamid yahay cudurada hawada lagu kala qaado waxana sifudud uga faafta hawada tusaale hadii qof qaba cudurkaan uu ku qufaco ama ku hindhiso meel dad ay joogaan waxa u si sahlan ku qaadsiin karaa dadka mesha jooga.

Yaa khatar uga jira xiiq dheerta ?

Xiiq dheertu waxay kudhici karta da.a kasta ee dadka lkn waxa khatar uga jira caruurta yar yar e an latalaalin iyo dadka difaaca jirkoodu daciifka yahay.

Sidee loo daweyaa xiiq dheerta?

Dawaynta xiiq dherta waxay kuxiran tahay xadba xalada bukaanka iyo qiimaynta dhakhtarka

Sidee loogu hortagi karaa xiiq dherta ? (How to prevention)

Kahortaga ugu fican cudurkan xiiq dheerta waa tallaalka (pertussis vaccine) waxa waanagsan in ciyaalka goor h**e lasiiyo talaalka cudurkan.
•Sido kale waa in ad joogtaysa dhaqida gacamahaaga gacma dhaqista jogtada ah waxay kahortag u tahay cudurkan xiiqdherta iyo cuduro badan.
•Xiro afsaabka (face-mask) markasta ad aadeyso mel ay dad kubadan yihiin.
•Afka maro saaro goorta aad hindhisayso ama aad qufaceyso marka ad joogto mel ay dad kubadan yihiin.

👉Hadii aad qabto cudurka xiiq dheerta ama caruurtaada ay qaban fadlan ha adin ama ha,udirin schoolka,dugsi qur,aaka iyo meelaha caruurtu ay kuciyaraan ilaa ilmaha ay kaga caafimadaan cudurka si loogu baaq sado faafitaankisa

Si aad ula socoto casharada aan halkan so galino una hesho talooyin cafimaad

fadlan follow dheh page-ka 👉Asxaabtadana garsii -dhex mahadsanid

14/10/2022

Jumce wanagsan umada somaliyeed inta xanuunsan alle ha caafiyo inta cafimaadka qabtana alle ha,usiyadiyo

13/10/2022

Tallooyin caafimaad

1-kudhaq gacamahaaga saabun iyo biyo inta adan cunin cuntada kahor halki aad sabun kudhaqan lahayd marka cuntada cuntid kadib

2-kudhaq gacmahaaga sabuun marka ad suliga kaso baxdo wayo bacteriyada wali waxay baaqi ku tahay gacantada waxana halis u ugu jirta gadis cudur

3-xiro face-mask marka ad joogto ama aad adeyso meelaha dadka ay kubadan yihiin

4-jooji sigaarka hadad cabayso sigaar waayo sababadaada iyo guud ahaanba cafimaadkaaga waxa u kusugan yahay halis cafimaad daro

5-kafogow dadka sigaarka caba wayo qiiqa kaso baxayo kan cabo sigaarka waxa halis uga jira sanbabadada markad hawo ahan uqadato qiiqi afkisa kaso baxa

5-haisku celin in badan kaadida waayo isku celinta badan ee kaadida aad isku celineyso waxay dhawac ugeysan karaan kadi haysta (bladder)

6-cab biyo badan malintii qofba qof ka biyo cabid badan yahay waa ka caafimad badan yihiin keli yihiisa

7-Marka ad iska nadiifineyso saxrada iyo kaadida marka h**e dhaq xubinta kadida kadib dhaq qeybta saxarada sababtoo ah saxarada waxa lasocota bacteria taas o uso gudbi karta qeybta kaadida hadi adan dhaqisteda ku hormarin

8) iska jar cidiyahaaga waayo cidiyaha waxay keydiyaan saxarada si kasto aad gacmahaaga udhaqdo bacteriyada waxay baaqi kutahay cidiyahaaga taas o marka danbana gaari karta afkaaga

9-hadad tahay Hooyo uurleh booqo xarunta caafimad e kugu dhow si aad uhesho daryeel cafimaad iyo latalin wanagsan

10-Nuuji ilmahaaga caanaha danbarka e loo yaqaano (colostrum)sacada ugu h**eyso dhalashadiisa taas waxay sare uqaadeysa difaciisa iyo kuriimadisa wanagsanba

11-sii ilmahaaga 6-da bilood uga h**eeyo caanaha naaska oo kali (Exclusive breastfeeding) taas waxay kujirtaa cafimaadkiisa dhamaystiran iyo hab korintiisa wanagsan caanaha naaska ee lix bilood waxa ku dhan wax kasta oo nafaqa ah o ilmaha ubaahnaan lahaa ku dadaal in aad naaska kaliya siiso ilmahaaga intu kagarayo 6-bilood

-share dheh o asxaaptada garsii

Mahadsanid

11/10/2022

Good handwashing

(Measles virus)Qeybtii 2aadCudurada faafa (Communicable disease)Qeybtiisa hawada kufaafta (airbone disease)Waxa an h**ey...
11/10/2022

(Measles virus)

Qeybtii 2aad
Cudurada faafa (Communicable disease)

Qeybtiisa hawada kufaafta (airbone disease)

Waxa an h**ey uso qadaney
Hargabka(Commond cold)o kamid ahaa cudurada hawada kufaafa

Manta waxan so qadan donaa cudurka loo yaqaano jadeeco ama (measles virus) o isna kamid ah cudurada hawada kufaafa

Waa maxay jadeeco (what is measles)

Jadeecadu waa cudur neef-mareenka feyrus oo ba'an.
Waxana lasocda qandho iyo finan kuwaas oo noqon kara halis Waxana sababa feyruska jadeecada

Habka faafista (Route of transmassion)

Jadeecadu sidan ognahayba waxay kamid tahay cudurada hawada lagu kala qaado waxay sifudud ugu faaftaa dadka dhexdooda qofba qofka kale.
Feyrasku wuxuu kujiraa diifka sanka kujira ama dhuunta qofka qabba jadeecada.

Qofka qabba jadeecada waxa uu feyraska ufaafin karaa toos marka uu hindhiso ama u qufaco feyraska wuxuu kunoolaanayaa hawada illaa 2 saacadood

waxay si fudud ugu faaftaa hawada marka qof jiran hindhiso ama qufaco dhibcaha afkiisa ama sankisa kaso baxa waxay kudhici karaan dadka kale sankooda ama afkooda ama hawo ahaanbay uqaadan karaan(inhalation)

Sido kale dadka an qabin cudurkan waxay gacantoda kutaban karaan meel jermis leh kadibna farahooda waxay galin karaan ayagonan iska nadifin afkooda ama sankooda sidaasna way kuqadi karan cudurka.

Yaa halis uga jira cudurkan jadeecada ?

Dadka halis sareysa ugu jira qaadista jadeecada waxaa kamid ah.

Dadka aanan laga tallaalin cudurka jadeecada.
•Ciyaalka 5sano da,adoodu kayar tahay o anan laga talaalin.
•Haweenka uurka leh kuwaas oo aanan weligoodna kudhicin cudurka jadeecada anana laga talaalin.
•Dadka difaacoodu hoseeyo.

Cudurkaan jadecada waxa uu leyahay (Complication) dhibatoyin xun xun dhibaatooyinka ugu daran waxaa ka mid ah

•indho la'aan
•infekshan sababa bararka maskaxda (encephalitis)
•shuban daran (severe diarrhea)
•Caabuqa dhegta (ear infections) •caabuqyada neef-mareenka sida (pneumonia)
•Indho la.aan
Iyo dhimasho

Side logu hortagi karaa cudurka jadeecada (how to prevention measles virus)

Sida ogsoonahay cudurkaan malaha wax daawo ah waxa u leyahay o kaliya kahortag o ah in laqaato talaalkiisa

Kahortaga ugu fican jadecada waa Talaalka(MMR)Vaccine

👉ilmaha oo la talaala waa kahortaga ugu fican jadeecada.
👉Hooyooyinka uurka leh waxa la gudboon in ay qataan talaalka jadecada.
👉Sido kale dadka difaacodu hooseeyo waxa lagudboon in ay qataan talaalka
👇
Dadka isku arka calamadaha jadecada ama iskaga shakiya waxa kuhaboon in ay joogan gurigooda si ay ufaafin cudurka
Sido kale dadka qaba cudurka wa in ay kafogadaan in ay dadka kale xiriir lasameyaan ama meelaha bulshada ay iskugu timaado tagaan si aysan ufaafin cudurka jadeecada

Si aad ula socoto casharada aan halkan so galino una hesho talooyin cafimaad fadlan follow dheh page ka

👉Asxaabtadana garsii

-dhex mahadsanid

Dr-Abdikheyr Ahmed

Address

Mursal Street
Baydhabo
00000

Telephone

+252618834789

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when health counseling center for the Somali community posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to health counseling center for the Somali community:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram