Dr. Abdulmaged M. Hassan

  • Home
  • Dr. Abdulmaged M. Hassan

Dr. Abdulmaged M. Hassan Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr. Abdulmaged M. Hassan, Doctor, Muqdisho Street, .

Veterinary Technician | Nutritionist | Food Security and Livelihoods Expertise | Public Health worker | Environmental activist | Business Coach | Agripreneur | Trainer of trainees | Animal Production Consultant

20/07/2025

South Korean scientists have made a remarkable breakthrough by developing a photocatalytic system that converts plastic waste into clean hydrogen fuel using sunlight.

Researchers at the Institute for Basic Science, led by Professors Kim Dae-Hyeong and Hyeon Taeghwan, have engineered a system where a hydrogel-encapsulated catalyst floats on water, breaking down PET bottles into hydrogen and valuable byproducts like ethylene glycol, all without emissions.

Tested on a one-square-meter device under natural sunlight, the technology has shown stability over two months and potential scalability to 10-100 square meters, offering a cost-effective, carbon-free energy solution.

The establishment hails this as a dual win for waste management and clean energy, addressing the 6.3 billion tons of plastic waste generated since 1950, much of it polluting oceans and landfills.

جمعه مباركه 📿
08/05/2025

جمعه مباركه 📿

Eid Ul Adha Mubarak🥰
27/06/2023

Eid Ul Adha Mubarak🥰

CIID WANAAGSAN 😚
21/04/2023

CIID WANAAGSAN 😚

H**e ayuu u yidhi AUN Abwaan Hadraawi; Kuwa ii hanweynowMarka aad i hoysaanHogga ii bannaysaanWaa in lay hogtaayooHiil w...
18/08/2022

H**e ayuu u yidhi AUN Abwaan Hadraawi;

Kuwa ii hanweynow
Marka aad i hoysaan
Hogga ii bannaysaan
Waa in lay hogtaayoo
Hiil waxan ka geli jiray
Ama hoo ka tari jiray
Hadhow lay xusuusta
Hebel lay yidhaahdaa.

‎إنا لله وإنا إليه راجعون
Tiir weyn baa naga baxay tusaale mudnaa
illahay ha unaxariisto Abwaan Hadraawi

02/08/2022

TALO KU SOCOTA DADKA LA DOORTAY AMA LA MAGACAABAY

Nin kastoo la doortoow
Darajiyo xil-qaadow
Nin kastoo la doortoow
Dusha Maamul saaroow
Nin kastoo la doortoow
Mansab loogu deeqoow
Dalka fiiri aashaa
Dacalada ka jeedaal
Kolba dacal ka faalee
Dadnimana ku saameel
Gobanimo ha daaqee
Daacadnimo ku xeensee
Bulsho keeda taag-daran
Ka yaboohi darajaad
Dan-yaraha maskiinkiyo
Dulmanaha is waydii
Isagaa ku doortee
Waxa lowgu dow galay

🖋Abwan jiheeye

Ha aaminin muuqalka, cusbada xitaa sokorta ayey u egtahay
20/07/2022

Ha aaminin muuqalka, cusbada xitaa sokorta ayey u egtahay

08/07/2022

KHUDBADII KHUDBOOYINKA: Khudbadii u dambaysay ee uu Nabi Muxamed (NNKH) ka jeediyay Banka Carafa sagaalkii (9) bisha xurmaysan ee Eebbe ee Dul Xijah.

Sanadkii tobnaad (10) ee Hijriyada ayay ahayd markii uu Rasuulkeennii suubbanaa (NNKH) uu aadamiga oo dhan uu jeediyay khudbad ay mudan tahay in qof walba muslim ah ama aan muslim ahaynba ay akhriyaan. Waxay ahayd xajkiisii ugu horeeyay uguna dambeeyay ee rasuulku soo guto. Waxaynu ognahay in Nabi Muxamed (NNKH) uu afar jeer soo cumraystay, ha yeeshee uu hal mar kaliya soo gutay waajibaadka xajka.

FADLAN MARKII AAD AKHRISO SII GUDBI.

'' Dadyohow i dhegaysta, ma garanayo in sanadkaan ka dib aan mar dambe halkaan soo istaagi doono. Sidaa daraaddeed si fiican u dhegaysta warka aan idiin sheegayo, una sii gudbiya kuwa aysan u suurto galin inay halkaan nala joogaan.

Meeshaan barakaysan, maalintaan barakaysan iyo bishaan barakaysan darteed, xasuusnaada in aad dhabtii abuurihiinna (rabbi) la kulmi doontaan, camalladiinnana laydinka xisaabin doono, haddaba digtoonaada. Dadyohow dhiiggiina iyo maalkiinnu, waa idinka xaaraansan yahay. Midkii idinka mid ah ee ammaano haya, ha u celiyo qofkii iska lahaa. Ribbo (Dulsaar) dhammaanteed waa mamnuuc, ha yeeshee faa’iidadiinna idinkaa iska leh.

Qofna ha dulmiyin adigna laguma dulmin doonee. Ha iska aargoosanina, Dhiiggii aad iska daadiseen waqtigii jaahilyadda.Dadyohow iska ilaaliya shaydaanka, wuxuu isku dayi doonaa in uu idinku khaldo waxyaalo yar yar, uga digtoonaada shaydaanka diintiina darteed.

Raggoow ogaada in dumarkiinu xaq idinku leeeyihiin, idinkuna aad iyaga xaq ku leedihiin. Xasuunow in aad ku guursatay, Ogolaanshaha ilaahay iyo rumaysnaantiisa. Haweenkiinu waxay xaq idiinku leeyihiin, inaad si naxariisleh u quudisaan uguna labistaan. Ula dhaqan marwadaada si wanaagsan oo naxariis leh, sababtoo ah waa lammaanaagii nolosha iyo mid mar walba ku caawin doonta.Dadyohoow si wanaagsan ii dhagaysta.

Caabud Allah (SWT) oo kaliya, si joogta ah u tuko shantaada salaaddood, Soon bisha barakaysan ee soonqaad, ka bixi hantidaadda sakada, soo gudo waajibaadka xajka hadii aad awoodid.

Bini Aadamka oo dhammi waxay ka yimaadeen Aadam iyo Xaawo, Carabtu k**a sarayso kuwa aan carabta ahayn, kuwan aan carabta ahayna k**a sareeyaan carabta. Dadka Caddaanka ahi k**a sareeyaan kuwa Madoow, Dadka madoowga ahina k**a sareeyaan kuwa cad. kaliya waxaa lagu kala sareeyaa waa camaladiina.

Ogaada Muslimiinta oo dhammi waa walaalo, IslaamniMaduna waxay ku dhisantahay walaaltinimo.

Dadyohoow Ogaada ma jiro Rasuul ama Nabi aniga gadaashayda imaan doona, sidaa daraadeed si fiican u dhuuxa warkayga, waxaan idiinka tegay laba waxyaalood oo kala ah, Quraanka iyo Sunnadayda. haddii aad labbadas ku dheganaataan waligiin lumi maysaan. Intiinnna i dhegaysanaysaay warkayga u sii gudbiya inta aan nala joogin, waxaa laga yaabaa kuwa warkaygu gaaro inay ka fahmi ogyihiin kuwa toos u dhagaysanaya.

Intaas kadib Rasuulka ( NNKH ) wuxuu khudbadiisii raaciyay Aayaad Quraan ah oo markas toos ugu soo degay oo ay ka mid ahayd:

(الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا

“Maanta ayaan idiin dhamaystiray diintiinna, waxaanan ku ebyay korkiina barwaaqadayda, Islaamka ayaanan diin ahaan idiin oggolaaday.”

Ugu dambayna gabagabadii khudbadiisa ayuu Rasuulkeenii Suubannaa (NNKH) isagoo codka kor u qaadaya wuxuu yiri ''Eebboow ka markhaati noqo in aan fariintaadii u gudbiyay dadkaaga.

Maalintaan Carafa ee barakaysan darteed, la wadaag qoraalkaan asxaabtaada kale, dhammaanteenna aynu is cafino.

~Adam Aw Xirsi.

30/06/2022

Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalaha Soomaliyeed munaasabadda 1da Luulyo 2022 oo ah sanadguurada 62aad ee xoriyadii gobollada koonfureed iyo israacii goboladda waqooyi iyo koofur, isla markaasna ah dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaan Ilaah ka baryaayaa midnimo, walaaltiimo iyo inaan noqno ummad is kaalmayso.🇸🇴💪

Ciid wanaagsan, waxaan guud ahaan muslimiinta ku nool daafaha caalamka ah, gaar ahaan umada soomaaliyeed  ugu hambalyeyn...
01/05/2022

Ciid wanaagsan, waxaan guud ahaan muslimiinta ku nool daafaha caalamka ah, gaar ahaan umada soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda ciidul-Fidriga. Waxaana Allah ka baryayaa inuu naga wada aqbalo camalkii samaa iyo cibaadadii aan soo gudanay bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Waxaan qof walba ku boorinayaa inuu fidiyo farxadda ciidda, uuna salaan iyo bariido farxadeed gaarsiiyo qoyska, dariska, saaxiibadda dhow iyo qaraabadda. 🥰

Ramadan Mubarak,Waxa aan ku jirnaa tobankii dambe ee bisha Ramadaan, oo waliba caawa waxa inoo bilaabanaya tirooyinka is...
21/04/2022

Ramadan Mubarak,
Waxa aan ku jirnaa tobankii dambe ee bisha Ramadaan, oo waliba caawa waxa inoo bilaabanaya tirooyinka is dheerka ah ee culimadu ku sheegtay inuu ku jiro habeen ka kheyr badan kun bilood ee aan ku dadaalno qiyaamu leylka iyo akhriska quraanka, innagoo afka ku haynana ducaddii Nabiga NNKH, inoo dardaarmay ee ahayd `` اللَّهُمَّ إِنَّكَ عَفُوٌّ كَرِيمٌ تُحِبُّ الْعَفْوَ فَاعْفُ عَنِّي``

Habeennadan oo kale inay dib kuu soo marayaan ma hubtide haddaba ka faa’iideyso walaal.

Ramadan Mubarak dhamaan inta ku xiran pagekaygan meel walba dunida aad ka joogtaan, maanta waxaan idinla jeclaaday in bu...
07/04/2022

Ramadan Mubarak dhamaan inta ku xiran pagekaygan meel walba dunida aad ka joogtaan, maanta waxaan idinla jeclaaday in buraarajin yar aan idin sameeyo taas oo ku saabsan acmaasha bisha barakaysan ee Ramadan.

Maadama bisha barakaysan ee Ramadaan lagu guda jiro aana rajeynayo in badi kitaabka Qur'aanka la akhrinayo bal calaamadaas ayaa isku baraarujineyna.

Calaamadani Waxa la yiraahda Sujuuudu Talaawah adigoo akhrinayo Qur'aanka hadaad soo gaartid aayad ay ka dambeyso calaamadaas meeshaada adigoo fadhiya baad qiblada u jeesan dabadeedna waad Sujuudi, ducadan ayaana lagu akhristaa Sujuudda:

" اللهم لك سجدت وبك ءامنت ولك اسلمت سجد وجهى للذى خلقه وصوره وشق سمعه وبصره بحوله وقوته، فتبارك الله أحسن الخالقين “..

"ALLAHUMA LAKA SAJADTU WABIKA AAMANTH WALAKA ASLAMTU SAJADA WAJHII LILADII KHALAQAHU WA SUWARUHU WASHAQA SAMCAHU WA BASARAHU BIXAWLIHI WA QUWATIHI , FATABAARAKALLAHU AXSANAL KHAALIQIIN".

Address

Muqdisho Street

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Abdulmaged M. Hassan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr. Abdulmaged M. Hassan:

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Practice
  • Claim ownership or report listing
  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

XASUUSIHII H**E

SAWIRKAAN WAXA UU AHAA BILOWGII FASALKEENA 11 EE DUGSIGA SARE