Dr apdiwahab Ahmeth

Dr apdiwahab Ahmeth Ku soo dhawoow page-kan Dr abdiwahab waxad kala socon doonta casharo ku saabsan caafimadka(health).

25/05/2025
28/08/2024
28/04/2023

صلى الله عليه وسلم❤️

faa’idooyinka Caafimaad ee Malabka Malabka waa midka kaliya ee ugu macaan waxyaabaha uu alle ugu deeqay umadiisa in ku m...
06/03/2022

faa’idooyinka Caafimaad ee Malabka

Malabka waa midka kaliya ee ugu macaan waxyaabaha uu alle ugu deeqay umadiisa in ku manaafacaadsadaan , sidoo kalena laga yaabo in aanad ka warqabin in uu leeyahay faa’idooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah .

Malabka marka koowaad laga bilaabo isbadalka maqaarka saameyn weyn ayuu ku leeyahay, caawinta in uu miisaan dhimis kuu sameeyo ,waxyaabaha fiican ee ku saabsan malabka waa in loo isticmaalo daweyn dibiici ah, Alle subxaanahu watacaalaa wuu u kaamil yeelay adoomihiisa wax kasta oo ay u baahan yihiin qur’aanka kariimka ayeyna ku cadahay malabka iyo faaidooyinkiisa

Aniga oo huba in ay farabadan yihiin malabka iyo manfaciisa ayaan jecleystay in aan boggaga caafimaadka aan idinkaga soo tarjumo waxyaabo kooban oo ku saabsan malabka isla markaana la tijaabiyay .

1. TAMARKA WUU KORDHIYAA: Hadaad dooneyso in aad kordhiso tamarta jidhkaada, isku day in aad malab ku darsato qorshaha raashinka qaar maalin walba , hadii aad tahay kafee cab fadlan yaree waayo wuxuu dilaa waxtarka malabka. Malabka oo la daaimo wuxuu si dabiici ah u saameeyaa in aad hesho tamar. Tusaale hadii aad roodhi marsato malab koobka shaahna aad in yar oo malab ah kaga darsato xitaa aad biyaha ku darsato ogow waa quraac rasmi ah . Dadka sameeya Jimicsiga wuxuu u leeyahay faaiido balaadhan malabku cun wax yar oo aan badneyn ka hor jimicsiga xitaa marka aad ciyaar adag leedahay horay u sii cun.

2. CUNCUNKA DHUUNTA WAA U DAWO: Xabeebta wuu u fiican yahay malabku, hadii aad leedahay dhuun cun cun ama riiraxyo waa mid aad ugu wanaagsan malabka wuuna daaweeyaa hadii aad joogteyso, tijaabo la sameeyay ayaa lagu guuleystay malabka oo waxyaabo sahlan lagu daray Tusaale : dhowr qaaddo ( Malqacad ) oo malab ah cun ama ku qas inyar oo milix leh ayodhiin iyo xabbad liimo dhanaan ah dabadeed cun wey ku dareemeysaa in uu kaa joogsaday cuncunkii dhuunta.

3. WUXUU DHISAA DIFAACA JIDHKA: Malabka wuxuu awood weyn u yeelaa unugyada difaaca jidhka ,qaastan hadii aad ka shaqeysid meelo jeermis badan sida jeermiska ka yimaada dadka meelaha ay yaalaan,isku day in aad joogteyso shaah lagu daray malab iyo liin maalin walba. Xusuusnow hadii aad caruur leedahay ka ilaali cunuga ka yar hal sano in aad siiso malab, waayo dheefshiidkiisa ayaa qatar geli kara xanuunana waa laga qaadi karaa

4. MIISAANKA WUU DHIMAA: Ma ogtahay in uu malabka ka qeyb qaato dhimista miisaanka jidhka , tusaale hadii aad biyo diiran oo lagu daray liimo dhanaan aad cabtid aroor kasta waxey yareysaa baruurta. Laakiin ha hilmaamin in aad malab ku sarsato.

5. HURDADA WUU KA QEYB QAATAA: Hadii aad dhibaato ku qabto jiifsashada habeenkii xiliga hurdada malabka wuu kaa caawin karaa , raac tilmaantan in yar oo malab ah ku shub koob dabadeed ku dar caano diiran kadibna cab. Malabka wuxuu qofka ku keenaa degenaan iyo raaxo habeenkii xiliga hurdada.

6. DHAAWACA WAA LAGU DAWEEYAA: Hadii aad dhaawac ka qabto meel ka mid ah jidhkaad oo uu dhaqso kuu dawoobi waayay fadlan tijaabi in aad faashad ku shubto in yar oo malab ah kadibna aad ku dhaydo meesha iyo hareeraha kadib kula dheji faashada. waa jeermis dile malabka.xanuunkiina wuu kaa yaraanayaa waa tijaabo la sameeyay laguna guuleystay.

7. NEEFTA URTA EE AFKA WAA LAGULA DAGAALAMAA: Ma ogtahay in malabku kaa caawin karo in aad la dagaalantid suggida cuntada, malabka waxaa ku jirta sonkor dabiici ah oo aan waxba u dhibeyn beerka,runta waxey tahay malabka in uu la dagaalamo neefta Urta ee afka ka soo baxda taasi micnaheedu ma’aha in aad joojiso cadayga maalin walba waa waajib taasi .hadii aad leedahay neeftaa urta ee loo yaqaan karoonikada, waxaad isku dartaa in yar malab ah iyo qarfaha shaaha si aad ula dagaalanto neeftaa xun. Waxaa kaloo jira tira badan oo faa’iido ah ee uu leeyahay malabka kuwana waa qeyb yar oo ka mid ah marka ulajeedada maaha in aad wax badan ka qaadato malabka waayo sun ayuu kugu noqon karaa hadii aad xadi badan isticmaasho.

Neutraphil cell of peripheral blood
04/03/2022

Neutraphil cell of peripheral blood

Basophil cell type of white blood cell for fighting of parasitic infection, bacterial infections.
03/03/2022

Basophil cell type of white blood cell
for fighting of parasitic infection, bacterial infections.

what are these cells in peripheral blood and condition of disease?
03/03/2022

what are these cells in peripheral blood and condition of disease?

Liin Dhanaanta Iyo cudurrada Ay Daawayso Dhowaan buug uu u qoray in dhaqtar ah oo ugu magac daray ” The miracles of Lemo...
28/02/2022

Liin Dhanaanta Iyo cudurrada Ay Daawayso

Dhowaan buug uu u qoray in dhaqtar ah oo ugu magac daray ” The miracles of Lemon” oo macnaheedu yahay Mucjisooyinka Liima dhanaanka ayaa waxaa uu ku soo bandhigay dhakhtarku faaidooyinka caafimaad ee laga helo Liin dhanaanta noocyadeeda kala duwan walow aad loo ammaanay midda jaalaha ah ee badanaa wadankeena ka baxda.

Liin dhanaanta oo ah nooc kamid khudaata ayaa uu sheegay dhakhtarku iney wax weyn ka teri karto caafimaadka qofka cunna isagoo la yaab ka muujiyey sababta la isaga indha tiray.
Liin dhanaanka waxaa dhakhtarku buugiisa ku sheegay in lagu daaweyn karo dhuun xanuunka ama waxa soomaalidu u taqaan Quunka, aaryada caloosha(ndigestion), Saxarada adeyga, gowsa-cirid xanuunka, qandhada guud, bidaarta, dhiiga qofka caloosha uga furma (internal bleeding), Roomatiisimada (rheumatism,), gubashada, buurnaanta iyo cayilka, Naqas yaraanta (Respiratory disorders) Shubanka iyo koloraha iyo dhiig karka.

Dhakhtarka ayaa buugiisa ku sheegay in Faiidiida liin dhanaanka aan la soo koobi karin isagoo sheegay in xattaa la ogaaday iney wax ka tarto cuduro aan dawo loo heyn sida HIV/AIDSka iyo kuwa kale .

Sababta ayuu sheegay dhakhtarku in liin dhanaanta laga helo maadooyin muhim u ah caafimaadka qofka cuna sida vitamin C, vitamin B, phosphorous, proteins, iyo carbohydrates.

Cilmi baaris ey sameysay Hay’ad aan dowli aheyn ee la yiraahdo American Urological Association ayaa sheegtay in Liin dhanaanta lagu daaweyn karo Dhagac kilyoodka( idney stones), iyadoo nadiifisa kaari mareenka iyo tubooyinka qaada kaadida.

Haddaba sidee loo isticmaalaa si Liinya loogu daweeyo cudurada aan kor ku soo sheegnay

Calood adeeyga iyo aash*tada caloosha Indigestion and Constipation:

Liin dhanaanta waxey daaweysaa Calool adeyga iyo saxarada adag. Ku dhiigi liima dhanaanka cuntada aan ku cunto marka kasta (iska caanaha waa bajineysaaye) si markaas ey kaaga caawinto calool adeeyga iyo waliba aash*tada. Ogow ineysan run aheyn wax badan oo ey aaminsan yihiin dad badan oo leh Liinta aash*to ayey igu rideen. Run ahaantii aashida nooca dadka ku soo laabjeexa wey baabineysaa.

Qandhada (Fever:)

Liin dhanaanta waxaa lagu daaweyn karaa feebarhaa ka dhasha Xumada, gargabka. Wuxuuna sheegay dhakhtarku in wax ka tarto neefshada qofka isla markaasna ey siyaadiso wareega dhiiga iyadoo waliba disha jeermiska qaar.

Ilkaha iyo gowsa iyo cirid xanuunka Dental Care:

Liin dhanaanka ayaa wax weyn ka tarta Gowso iyo cirid xanuuka iyadoo disha barteeriyada ama jeermiska ilkaha dad ka xanuujiya. Marka gows ku xanuunto ku qabo liima dhanaan gowska ku xanuunaya. Ma aha qobka balse murxaha hoose ama ku luqluqo biyaha liima dhanaanka adigoo in door ah ku heynaya halkaasi si uu u dilo jeermiska.

Sidoo kale haddii aad qabto yirid ama ciridku kaa bararo ku rumeyso ama ku luqluqo biyaha liima dhanaanka. Waxaa kale oo la sheegay in dadka afku ka soo uro ey sidoo kale subax iyo habeen walbe ku luqluqdaan biyaha liin dhanaanka taas oo la hubo inuu ka tago af urku.

Waxaa sidoo kale la mid ah cudurka dhuun xanuuka ama qof dhuunto ka baq baqdo iyadoo arintaasi wax weyn iska bedelyaan marka qofku uu cabbo biyaha liima isla markaasna uu ku luq luqdo. Waxaa jira dad badan oo subax iyo habeen walba ku rumeysada liimada dhanaanka si ey daryeelaan ilkahooda iyadoo waliba dadka ku nool galbeedku ey iibsan karaan Toothpaste uu ku jiro Liin dhanaan.

Inaga aan soo wada koobi karin faaiidada ey leedhaay lii dhanaantu ayaa waxaa ku dareynaa laba cudrur somalida mararka qaar ku dhaca

Cudur Shuban biyoodka ama Cholera iyo Malaariyada:

Liin dhanaanka ayaa si fiican daawooyinka qaar u daweeya cudurka Shuban biyoodka oo somalida mararka qaar ey u dhintaan iyo waliba maleeriyada. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in liima dhanaan ka sifeeyo baktiiriyada iyadoo waliba disha jeermiska qaar. Baaritaano dhowr ah oo lagu sameeyey wadamo ka mid afrika ayaa lagu ogaaday iney liima dhanaantu wax weyn ka tarto daaweynta shuban biyoodka iyo waliba malaariyada marka qofku uu cabbo biyaha laga miiraay liima dhanaanta.

Dhiig karka High Blood Pressure

Cabbida biyaha liimadu waxey wax weyn ka tartaa dhiig karka iyo wadna xanuunka waxaana dhakhtarka buugan qoray sheegay in sababtu tahay in laga helo biyaha liima dhanaanka maadooyin farabadan oo caafimaadka u fiican khaasaatn maadada afka qalaad lagu yiraahdo potassium. Potassium-ka ayaa la ogyahay in wax ka tarto dhiig karka, madax wareerka, yaaq yaaqsiga iyadoo waliba dejisa maskaxda kana hortagta stresska iyo waliba qalbi jabnaanka.

Si kastaba, Buugaan oo loogu magac daray Mucjisada Liima dhanaanka ayaa wax yar oo koooban ka soo qaadanay isagoo dhakhtarkuna sheegay in liima dhanaanta oo
kamid ah khudaarta wadankeena ilaahey ku maneysay in ey wax weyn ka tari karto caafimaadka qofka binii aadamka ah.

Address

Borama

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr apdiwahab Ahmeth posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr apdiwahab Ahmeth:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category