01/04/2021
⚠️ KAREEMADA KOR KU SAWIRAN ISKA ILAALI❗
Waxaa laga helay maado sun ah oo la yiraahdo MERCURY, waxaana mamnuuc caalamka ka ah in kareem lagu daro MERCURY ka badan 1 ppm.
Hadaba aan fiirnino kareemadaan inta MERCURY laga helay.
White Pearl Plus Cream: 93ppm
Faiza Beauty Cream: 590.45ppm
Golden Pearl Cream: 654.13ppm
Goree Cream: 755.85ppm
Chandni Whitening Cream: 6,800-14,000 ppm
Noor Herbal Beauty Cream: 16,000ppm
New Face Whitening Cream: 16,000ppm
Waxaa kaloo laga helay daawo kale oo aan la ogoleyn 5ppm ka badan in lagu daro cosmetics-ka oo la yiraahdo Hydroquinone.
Dhibaatooyinka ay ku keeni karaan maadooyinkaan waxaa kamid ah:
⛔ Haaro, guduud, iyo finan
⛔ Xasaasiyad
⛔ Gariir
⛔ Aragaada iyo Maqalkaada inay saameeyaan
⛔ Ilowshiiyo
⛔ Depression/Murugo/Welwel
Kabuubiso oo laga dareemiyo faraha iyo afka
⛔ Kalyaha iyo Beerka inay dhibaato ku yeeshaan.
Marka walaal iska ilaali kareemadaan.