11/02/2021
Waxaa muhiim ah inuu qofka garaniyo nooca maqaarka wajigiisa ama jirkiisa, si uu u isticmaalo kareemada ama cosmetics-ka jirkiisa ku haboon.
Tusaale waxaa laga yaabaa qofaad saaxibo tihiin kareem jirkeeda la shaqeeye oo ay natiijo fiican ka heshay inuusan jirkaaga la shaqeyn, sabatoo ah waxay u badan tahay in maqaarkiina uusan isku nooc aheyn.
NOOCYADA KALA DUWAN EE MAQAARKA:
1️⃣ Maqaarka saliida leh/dufanka badan:
Maqaarkan noocan ah cabashada ugu badan waa dhalaal badan oo wejiga yeesho iyo finan. Qoladaan wejigooda wuxuu aad usoo sii daayaa saliid dabiici ah oo la yiraahdo SEBUM.
Waxaa wajigooda saameyn kara hormoonada, cuntaday cunaan iyo stress-ka faraha badan.
Wajigoodana waxa uu yeesha haaro iyo dulduleelo.
2️⃣ Maqaarka Qalalan:
Qoladaan ayagana waxay isku arkaan wajiga oo midabkiisa kala nooc noqda.
Waxayna wajiga ka dareemaan inuu taag-taaganyahay, wuxuuna yeeshaa qolfo iyo guduud.
Wajigoodana waxaa aad uga muuqda duuduub.
3️⃣ Maqaarka Dhexdhexaadka ah/Isku dheelitiran.
Qoladaan wajigooda calaamadaha aan kor ku xusnay oo dhan malahan, Jirkooda waa barax tiran, saliidiisa iyo qoyankiisana way isku dheelitiran yihiin.
4️⃣ Maqaarka Isku jira/Combination:
Noocaan waa nooca maqaarka loogu badanyahay.
Qofka wajigiisa qeybna waa qaleyl qeybna waa saliid badanyahay.
Saliida waxaa yeesha meesha loo yaqaano T-zone (suniyaha iyo aaga sanka), waxaana qaleyl ah daamanka maqaarka inteesa kale.
Mushkilada qoladaan haysata waxa weeye markay dooranayaan waxa jirkooda u fiican, haday noqoto kareem ama wax kale.
4-taan nooc markii aad akhrisay, qoladee baad ku jirtaa, soona mention gareey saxiibadaada sidey oga faaidaystaan.