Gacal Medical center

  • Home
  • Gacal Medical center

Gacal Medical center Gacal Clinic & Pharmacy Bosaso Waxay ka jawaabaysa baahida caafimaad ee bulshadda.

📢 WARGELIN MUHIIM AH – GACAL MEDICAL CENTERGacal Medical Center waxa imanaya Dhakhtar ku takhasusay daawaynta indhaha, o...
02/12/2025

📢 WARGELIN MUHIIM AH – GACAL MEDICAL CENTER

Gacal Medical Center waxa imanaya Dhakhtar ku takhasusay daawaynta indhaha, oo khibrad dheer u leh baaritaanka iyo daaweynta xanuunnada indhaha, islamarkaana h**e uga soo shaqeeyay Boorama.

👨‍⚕️ Dr. Abdirahman Abdihakim
✔️ Khabiir ku takhasusay cudurrada indhaha
✔️ Baaritaan & daawayn casri ah
✔️ Talooyin caafimaad oo dhammaystiran
✔️ Ka hortag & kormeer joogto ah

📍 Goobta: Gacal Medical Center – Bosaso, Suuqa Caanaha
📞 La xiriir: +252 90-7790580 / +252 90-7790445

🩺 GACAL MEDICAL CENTER – FURSAD SHAQOWaxaan ku faraxsanahay inaan shaacino in Gacal Medical Center ay u baahan tahay Phy...
01/12/2025

🩺 GACAL MEDICAL CENTER – FURSAD SHAQO

Waxaan ku faraxsanahay inaan shaacino in Gacal Medical Center ay u baahan tahay Physiotherapist Soomaali ah oo ka shaqeeya qaybta ragga.

Waxa la raadinayo:
✅ Lab (Male)
✅ Khibrad: 2 sano ama ka badan
✅ Shahaado/Certificate rasmi ah

📍 Goobta Shaqada: Bosaso – Bari, Suuqa Caanaha
📞 Tel: +252 90-7790580 / +252 90-7790445
📧 Email: dr.gacal02@gmail.com

📌 Haddii aad tahay qof xirfad leh oo diyaar u ah adeeg caafimaad oo tayo sare leh, CV-gaaga noogu soo dir email ama si toos ah nala soo xiriir.

📌 FARIIIN KA TIMI DHAKHTARKA WADNAHA — Dr. Abdinuur Abdul“Dhiig karka (Hypertension) waa mid ka mid ah sababaha ugu bada...
29/11/2025

📌 FARIIIN KA TIMI DHAKHTARKA WADNAHA — Dr. Abdinuur Abdul

“Dhiig karka (Hypertension) waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee keenaya wadne istaag, istaroog, iyo dhibaatooyin joogto ah oo ku dhaca xididdada dhiigga. Waxaan kugula talinayaa qof kasta inuu fahmo waxa kor u qaada iyo sida loo yareeyo khatartiisa.”

4-ta Sabab ee Ugu Badan ee Dhiig Karka:

✔️ Milix badan – Sodium badan wuxuu si toos ah u kordhiyaa cadaadiska dhiigga.
✔️ Buurnida & dhaqdhaqaaq la’aan – Waxay daciifiyaan shaqada wadnaha.
✔️ Walbahaar joogto ah – Stress-ku wuxuu adkeeyaa xididdada dhiigga.
✔️ Da’da & dhaxalka – Dadka waaweyn iyo kuwa qoys ahaan u nugul waxay halis badan leeyihiin.

Talooyinka Dr. Abdinuur Abdul ee Ka Hortagga:

➡️ Yaree milixda, iskana ilaali cuntooyinka degdegga ah.
➡️ Samee socod ama jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii.
➡️ Ka fogow sigaarka & cabitaanada sonkorta badan.
➡️ Samee baaritaan dhiig kar ah ugu yaraan bil kasta hal mar.
➡️ La tasho dhakhtar marka aad dareento madax wareer, neef qabasho ama daal badan.

📍 BOSASO – Gacal Medical Center (G.M.C)

Goobta: Suuqa Caanaha, ka soo horjeedka Darusalaam Super Market
☎️ Tel: +252-907790580 / +252-907790445

Dr. Abdinuur Abdul
Dhakhtarka Wadnaha – Gacal Medical Center
“Caafimaadka wadnahaagu waa noloshaada — ilaali oo dhowr.”

🔬 Qaybta Shaybaarka – Gacal Medical Center (G.M.C)Waxaan kuu haynaa baaritaanno sax ah oo leh natiijo degdeg ah si caafi...
25/11/2025

🔬 Qaybta Shaybaarka – Gacal Medical Center (G.M.C)
Waxaan kuu haynaa baaritaanno sax ah oo leh natiijo degdeg ah si caafimaadkaaga loogu gaaro go’aan daaweyn oo hufan.

🧪 Waxaa ka mid ah baaritaannada aan qabanno:
✔️ Dhiig
✔️ Kaadi
✔️ Caanaha
✔️ Semen Analysis
✔️ Culture-yada kala duwan
✔️ Baaritaannada cudurrada faafa & kuwa dhiigga

👨‍⚕️ Shaqaalaha shaybaarka oo khibrad sare leh ayaa si xirfad iyo daacadnimo ku jirto kuu adeegaya maalin kasta.

📍 Goobta: Suuqa Caanaha, ka soo horjeedka Darusalaam Super Market – Bosaso
📞 La Xiriir: 9077 90580 / 9077 90445

💚 Baaritaan sax ah waa bilowga daaweyn sax ah.

25/11/2025

📢 FURSAD GAARA – Gacal Medical Center (G.M.C)

Ma doonaysaa inaad si bilaash ah ula tashato dhakhaatiir khibrad leh?
Maalin kasta oo Khamiis ayaa karka dhakhtarku bilaash ka yahay Gacal Medical Center!

👂 Dhakhtarka Dhagaha, Sanka & Cunaha (ENT)
🧠 Dhakhtarka Neerfaha & Dhimirka
👁️ Dhakhtarka Indhaha
🩺 Dhakhtarka Carruurta & Cudurrada Guud

📍 Goobta: Suuqa Caanaha, Ka Soo Horjeedka Darusalaam Super Market – Bosaso
📞 La Xiriir: +252-907790580 / +252-907790445

✨ Ka faa’iidayso adeeg caafimaad oo tayo leh iyo dhakhaatiir ku xeeldheer daryeelkaaga.

Gacal Clinic & Pharmacy Bosaso Waxay ka jawaabaysa baahida caafimaad ee bulshadda.

19/11/2025

🧠 Daawaynta Neerfaha & Dhibirka – Gacal Medical Center (G.M.C)

Haddii aad la tacaalayso:
✔️ Qalalka
✔️ Suuxdinta
✔️ Hurdo la’aanta
✔️ Laleelmada
✔️ Dhabar xanuunka

Ama dhibaato kale oo ku saabsan neerfaha iyo dhimirka…

Dr. Ahmed Hasan Galoul, oo ah dhakhtar khibrad leh oo ku takhasusay Neerfaha & Dhimirka, ayaa diyaar u ah inuu ku siiyo daryeel dhammeystiran oo casri ah.

🏥 Goobta:
Suuqa Caanaha, ka soo horjeedka Darusalaam Super Market – Bosaso

📞 Kala Xiriir:
+252 9077 90580
+252 9077 90445

Gacal Medical Center – Daryeel Aad Ku Kalsoon Tahay.

📌 TALO CAFIMAAD OO MUHIIM U AH QOFKA SONKORTA QABASonkorta (Diabetes) waa xanuun u baahan daryeel joogto ah, qorshe cunt...
13/11/2025

📌 TALO CAFIMAAD OO MUHIIM U AH QOFKA SONKORTA QABA

Sonkorta (Diabetes) waa xanuun u baahan daryeel joogto ah, qorshe cunto oo sax ah, iyo baaritaanno caafimaad oo mar walba lagu hubiyo caafimaadkaaga dhiigga.
Haddii aad la nooshahay sonkor, talooyinkan ayaa kaa caawin kara in aad caafimaad wanaagsan sii joogteyso:

✅ 1. Cun cunto isku dheeli tiran
Ka fogow sokorta badan, rootiga cad, iyo shiilalka. Dooro khudaar, kalluun, hilib aan baruur badnayn, iyo cunto fiber leh.

✅ 2. Socod & Jimicsi 30 daqiiqo maalin kasta
Jimicsigu wuxuu ka caawiyaa jidhka in uu insulin-ka u shaqeeyo si fiican.

✅ 3. Cab biyo badan
Iska ilaali cabitaanada sonkorta leh sida juusaska macaan iyo cabitaanada kaarboonayska leh.

✅ 4. cun daawooyinkaga sida uu dhakhtarku kuu faray
Ha dhaafin wakhtiga daawada oo ha isqiyaasin.

✅ 5. Isku day inaad ilaaliso cadaadiska maskaxda (Stress)
Hurdo fiican, socod, iyo nasasho maalinle ah ayaa kaa caawin kara.

✅ 6. Hubi sonkorta dhiiggaaga si joogto ah
Kormeer joogto ah ayaa kaa caawinaya in aad ogaato heerka sonkortaada oo aad ka hortagto dhibaatooyinka kale.
✅7. Isku day in aad booqatid goob cafimaad 3 bilood oo walba iskna baar baritanka sonkorta heerka ay marayso

📍 Gacal Medical Center – Bosaso
Waxaan diyaar u nahay talooyin caafimaad, baaritaanno, iyo daryeel joogto ah oo loogu talagalay dadka qaba sonkorta.

📞 La Xiriir:
+252-907790580
+252-907790445

Noloshaada ka ilaali sonkorta – ka hortag adigoo maanta bilaabaya! 🩺💚

Fursada macaamiisha gacal medical center
11/11/2025

Fursada macaamiisha gacal medical center

✅ Maka cabanaysaa dhago xanuun joogto ah?Gacal Medical Center (G.M.C) ayaa kuu haysta daaweyn dhamaystiran oo lagu daawe...
10/11/2025

✅ Maka cabanaysaa dhago xanuun joogto ah?
Gacal Medical Center (G.M.C) ayaa kuu haysta daaweyn dhamaystiran oo lagu daaweeyo:
👂 Dhago xanuun joogto ah
🔇 Maqal yaraanta
😣 Cun-cun joogto ah
🔊 Shanqar ka yeeraya dhagta

🩺 Dr. Gacal – Cudurada guud & ENT-ga (Dhegaha, Sanka & Cunaha)
📍 Goobta: Suuqa Caanaha, ka soo horjeedka Darusalaam Super Market – Bosaso
📞 La xiriir: ‪+252-907790580‬ / ‪+252-907790445‬

💚 Gacal Medical Center – Daryeel caafimaad oo aad ku kalsoon tahay!

🧠 Ma qabtaa dhibaatooyin la xiriira neerfaha ama hurdada?Kusoo dhowow Dr. Ahmed Hassan Galoul – khabiir ku takhasusay cu...
10/11/2025

🧠 Ma qabtaa dhibaatooyin la xiriira neerfaha ama hurdada?
Kusoo dhowow Dr. Ahmed Hassan Galoul – khabiir ku takhasusay cudurrada neerfaha iyo dhimirka.

👨‍⚕ Wuxuu daaweeyaa:

Qalalka iyo suuxdinta
Lalabmada iyo madax wareerka
Hurdo la’aanta iyo walaaca
Dhabar xanuun
Xanuunnada la xiriira neerfaha

📍 Goobta: Gacal Medical Center – Suuqa Caanaha, ka soo horjeedka Darusalaam Super Market
📞wac hadda: 9077 90580 / 9077 90445

💬 Gacal Medical Center – Caafimaadkaaga, mudnaantayada koowaad

👁 Gacal Medical Center – BosasoWaxaa laga raadinayaa Dhakhtar Indhaha (Ophthalmologist) oo leh xirfad iyo waayo-aragnimo...
04/11/2025

👁 Gacal Medical Center – Bosaso
Waxaa laga raadinayaa Dhakhtar Indhaha (Ophthalmologist) oo leh xirfad iyo waayo-aragnimo sare, si uu uga mid noqdo kooxdayada caafimaad ee Gacal Medical Center.

Shuruudaha Shaqada:
🔹 Khibrad shaqo oo ugu yaraan 5 sano ah
🔹 Qaliinka indhaha waa optional
🔹 Shahaadada Jaamacadda (University Degree) waa shuruud muhiim ah

Haddii aad xiisaynayso booskan shaqo:
📧 Email: dr.gacal02@gmail.com

📱 WhatsApp: 0907 790580

Ku soo biir Gacal Medical Center – xarun caafimaad oo bixisa adeegyo caafimaad oo tayo sare leh iyo fursado shaqo oo xirfadeed.

🩺 Dr. GacalWaxaa magaalada ku faafay cudur sababay qandho daran iyo qufac joogto ah, balse ha welwelin!Dr. Gacal, oo ah ...
02/11/2025

🩺 Dr. Gacal
Waxaa magaalada ku faafay cudur sababay qandho daran iyo qufac joogto ah, balse ha welwelin!
Dr. Gacal, oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada guud iyo ENT (cunaha, sanka iyo dhagaha), ayaa daawayn buuxda u haya bukaannada uu xanuunkan soo wajahay.

💊 Isagoo adeegsanaya waayo-aragnimo iyo daaweyn casri ah, Dr. Gacal wuxuu kaa caawinayaa in si dhakhso ah looga bogsado xanuunkan faafaya.

📍 Ka faa’iidayso adeeggiisa caafimaad ee tayo sare leh maanta!
📞 La xiriir: 9077 90580 / 9077 90445
📍 Goobta: Suuqa Caanaha, ka soo horjeedka Darusalaam Super Market

Address

Rowda Street

Telephone

+252907755565

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gacal Medical center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram