05/02/2021
Hab-Fikirka Iyo Hab-Dhaqanka
"Waxa jira laba arrimood oo dadka lagula socdo lagagana hadho, waa: Habdhaqanka iyo hab-fikirka.
Labadaas ayaa cid kaa aqoon badan, kaa adduun badan oo kaa aragti dheer ku raaciya, kaanna reeba."
Hab-dhaqanku waa sida aad ula macaamilayso dadka, hadal ahaan iyo ficil ahaanba. Waa qaabka lagu ogaanayo in aad tahay qof dhaqan suubban ama mid anshax darran. Kumana xidhna hab-dhaqankaaga wanaaggiisu muuqaalkaaga iyo labiskaaga toonna, balse waa ficillada ka soo muuqanaya iyo hadallada kasoo baxaya.
Hab-dhaqanka qofka wanaagsani waa in aanu aqoon cayda, af-xumada, dhaliisha faraha badan, hadallada qalafsan iyo muranka.
Waa in uu yahay qof akhlaaq wanaagsan, ixtiraam badan, isku kalsoon, hadal wanaagsan, mahadcelin badan, degdeg badnayn, dulqaad iyo samirna daris la ah.
Hab-fekerkuna waa waxyaabaha iyo fikradaha maskaxdaada dhexdooda ka soo maaxanaya, sida aad u fakarayso tabnaan ama tognaan, meelaha aad wax ka eegayso, miqyaaska aad saarreyso, aragtiyaha ka soo burqanaya iyo sida xaalladuhu kuula muuqdaan.
Hab-fikirkiisu waa in uu noqdo ama u jaanjeedho dhanka wanaagga, marwalba qof aanay xumaanta oo kaliya u muuqani ama wax walba dhanka xun uun uga fekerin. Balse hab-fikirkiisu ha u noqdo mid caafimaad qaba oo dhanka wanaagsan wax ka eegaya.
Labadaas oo wanaagsanaada qofka waxa ay ku daraan dadka ka sarreeya ama waxa ay ku dhex hayaan in aad bulshada ku dhex jirto; labadaas oo lagaa waayana ama kaa xumaada waxa ay kaa dhex saaraan ama ku nacsiiyaan bulshada.
Ugu dambayn, qofna haku qiimayn muuqaalka sare iyog sida uu eg yahay, balse miqiyaaska aad qof kula socon karto ama kaga hadhi karto ha ku ahaaro hab-dhaqankiisa iyo hab-fikirkiisu.
Fadlan, Walaal adigoo Mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Maxamed Deeq Darajo