Dr burhan diini rabni

Dr burhan  diini rabni Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr burhan diini rabni, Ahmedburhaan05@gmail. com, Bosaso.

23/08/2019

Cudurka cagaarshow

Cagaarshow waa cudur oo indha ku cagaaranaayo, kaadida neh madoobaaneeso. cudurkaan badanaa, somalida waxee u isticmaashaa in gacmaha xididada ku yaal la gubo, ama madaxa iyo korka. haddii aa cudurkaan wax ka taqaan wax ku sii qor. hadaba cudur ka cagarshowga waxaa keena virus loo yaqaan human hepatic vuruses kuwaas oo dhawaco beerka ama baarka. hadaba waa laga hortagi karaa cudurkan cagarshowga fadlan la xariir dhaqtar haddiia aad isku aragtid claamadahaan soo socda: maqaarka iyo indhaha oo ku cagaarta, adigoo cuntada ka go'did, iyo adigoo dareemaya in jirkaaga wax ka qaldanyihiin.

Qeybta: Bayoloji Xanuunka beerka ayaa waxaa keena falgaleyaal badan oo xanuun keen, waxaa cagaarshowga ayaa lakala qaybiyaa iyadoo la eegayo hadba waxa keenay Xanuunka beerka uu keeno fayrs

Fayrus
Cagaarshow A

Cagaarshow B
Cagaarshow C
Cagaarshow D
Cagaarshow E
Cagaarshow G

CAGARSHOWGA B :

Cagaarshowga B waxa uu yahay iyo waxa Keena

Cagaarshwgu waa erey xaga caafimaadka loo yaqaano beerka bararsan ee jiran. Hal nooc oo ka mida cagarshowga B waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaan (virus).

Jeermiska cudurkani dhaliyaa wuxuu dhex galaa jirkaaga kuna keenaa xanuun beerkaaga.

Mararka qaarkood dhibaato ayuu cudurkani u keenaa beerkaaga iyo isaga oo ku yeelan kara caafimaadkaaga saameyn xanuun oo qoto

dheer.

Dadka qaarkood ma ogaan karaan inuu hayo cudurku, ama waxay ku qaldaan inuu hayo lafo-garaac. Si kastaba ha ahaatee, dad ayaa dareemi kara jiro aad u daran lagana yaabaa iney u baahdaan in lagu daaweeyo cisbitaalka.

Faafsanaanta Cagaarshowga Bga

Waxaa lagu cabirey ilaa 350 milyan oo ka mida dadka dunida ku nool uu hayo cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya

cudurka cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida wadamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta iyo Bariga Yurub.

Halis ahaantiisa

Wuu yahay halis, Hal ka mid ah tobankii qof ee qaangaara ee qaada cagaarshowga B awoodi kari maayo inuu ka bogsado jeermiska

dhaliya cudurka. Xaga dhalaanka yar yar wuxuu noqon kartaa in ka badan tobankiiba sideed. Dadkani qaangaarka ah iyo dhalaankaba

waxaa loo yaqaanaa “sidayaasha” Sidayaasha waxa la moodi karaa iney caafimaad qabaan, Laakiin qaar ka mida ayuu mustaqbalka uu ku

soo bixi doonaa beer xanuun halis ah. Waxaa kale oo aad u fudud iney qabadsiiyaan cagaarshowga B dadka kale madaama uu cudurku hayo iyaga.

Sida loo qaado Cagaarshowga B

Ayadoo si toos ah loo taabto dhiig ama dareere ka yimid jirka qof qaba. Waxyaabaha ugu muhiimsani waa kuwan:
In lala galmoodo qof uu jirkiisa ku jiro cudur dhaliyaha cagaarshowga B.
In lagu dhasho oo ay hooyadu qabtey oo uu ku jirey jirkeeda jeermiska cudurka dhaliyaa.
Iyadoo la wadaago qalabka la isku mudo
Iyadoo lagugu shubo dhiig qaba cudurka, ama lagugu daaweeyo qalab aan si fiican loo nadiifin
In la taabto dhiig yar oo ka soo yaacaya meel dhaawacan, jeexan qof qaba cudurka
Alaabta guriga oo la wadaago sida cadeyga ama gar-xiirta
Inkasta oo uu u faafo sida jeermiska aydhiska oo kale, ka cagaarshoga B ayaa 100 jeer ka is qabadsiin fudud. Tani macheheedu waa dadka ku wada nool guri hadii mid ka mid ahi uu qabo cagaarshowga B Laga yaabaa in inta kalena ay qaadaan.

Calaamadiha Lagu garto Cagaashow B

Dadka qaar ma muujiyaan wax calaamad ah habayaraatee.

Calaamadaha kale ee lagu garan karo waxaa raaca:

xanuun yar oo sida lafo-garaaca ah oo mudo gaaban ku eg

iyadoo la dareemo xanuun iyo daal
matag iyo shuban
miisaankaaga oo is dhimo
is xoqid badan
jooniska (indhaho caseeye)
midabka saxarada oo khafiif noqota iyo kaadida oo madoobaata.
Baaritaanka Cagaarshowga B

Hadii lagaa baaraayo cagaarshowga B, dhiig tijaabo ah ayaa lagaa qaadaa oo la soo baaraa. Baaristu waxay sheegi doontaa hadii aad:

inuu ku hayo hada cagaarshowga B
Inuu h**e kuu hayey cagaarshowga B ama aad si buuxda uga bogsatey (iyo in aanad dib u qaadi doonin mar labaad)
Maxaa la isku baaraa?

1- Hadii aad tahay side waad qaadi kartaa talaabo aad kaga hor tageysid si aanad u qabadsiin dadka kale.

2- Hadii aad tahay xaamilo tahayna side cagaarshowga B, ilmahaaga waa laga badbaadin karaa iyadoo la talaalayo isla marka uu dhasho

3- Ka warqabida inaad qabto cagarshowga B micneheedu waa inaad heli karto daawo kasta ood u baahan tahay.

Daawada Cagaashow B

Dad badan ayaa ka bogsada iyadoo aan laga daaweynin cagaarshowga B. Si kastaba ha ahaate, dadka qaar waxay noqdaan ‘sidayaal’

jeermiska cudurka dhaliya. Dadkani oo kale waxay u baahan yihiin daaweyn dheeraad ah ka dib marka laga helo. Waxaa loo diri doonaa

dhakhtar ku takhasusey si uu u helo in wali loo baahan yahay in la daaweeyo. Inkasta oo aan cagaarshowga B aan la daweyn Karin qaar

ka mida ah daawooyinku waxay caawin karaan iney yareeyaan dhibta mustaqbalka gaari karta beerka.

Talaal ma jiraa?

Haa, talaalku waa sida ugu haboon ee lagaga badbaadi karo inuu kugu dhaco cagaarshowgu B. Qof walba oo u maleeya inuu halis u

saran yahay qaaditaanka cagaarshowga B waa uu is talaali karaa.

Waxaa ka mid noqon kara seyga, haweeneyda, laba isku galmootey iyo dhalaan hada dhashey oo ay dhaleen dad qabey ama ah sidayaasha cagaarshowga B.

Talaalka cagaarshowga B wuxuu ka kooban yahay sadex cirbadood waxaana waajib ah inaad wada qaadato si aad uga badbaado cudur

dhaliyaha mudo dheer.

Halka aad gargaar ka heli karto?

Hadii aad u maleysid inuu ku hayo cagaarshowga B la xiriir dhakhtarkaaga ama isbitaalka aad.

By Dr burhan diini rabani

16/06/2019

Sababaha keena Hargabka

Cudurka hargabku wuxuu ka mid yahay Cudurada faafa ee ku dhaca bini’aadanka, waxaa kale oo loo yaqaanaa Cudurka Qabowga. Cudurkan waxaa keena qayboVirus ah gaar ahaan nooca loo yaqaan Rhinovirus taasoo si dhakhso leh ugu faafta unugyada jirka una gudubta sanka. Qofku waxaa uu dareemaa caajis kadibna waxaa u raaca qandho mararka qaarkood. Waxaa si xoog leh loogu gartaa cudurkan: hindhiso xiriir ah, cabbur, dulka sanka oo midkood ama labadaba ay ku xirmaan, qufac Iwm.

Waxyaabaha lagu kala qaado

Inta badan waa la’ is qaadsiiyaa cudurkan guud ahaanna Virusku wuxuu soo raacaa gacanta bukaha/sidaha, si toos ah: salaanta Iwm ama si dadban (meel uu taabtay bukuhu sida: gidaar, albaab Iwm. Waxaa kale oo lagu kala qaadaa haddii qol ama hoy aw wada seexdaan bukaha iyo dad kale iyadoo daaqaduhu ay xiran yihiin, taasoo sahasha in neefta bukaha iyo qufaca si fudud loogu kala qaado.

Habka Difaaca

Sida la’ wada og yahay Virusku ma lahan wax daawo ah waana middaas sababta ay dhakhaatiirtu u yiraahdaan biyo badan ha la’ cabo, walow dadku ay taa qoonsadeen iyagoo jecel in kiish daawo ah la siiyo kolkiiba taasoo dhaawac ama waxyeello u geysan karta qaybta difaaca jirka (immune system)
Marka jirku uu weerar kaga yimaado xagga dibadda wuxuu durbadiiba isu diyaariyaa hab-difaac xooggan. Si uu isaga caabiyo hujuunkaas waxaa farriin heegan ah hela xubnaha cas-cas ee dhiigga kuwaasoo falcelis degdeg ah ku dhaqaaqa. Hardankaas u dhexeeya ayaa wuxuu ugu dambayn keenaa in dhufayska laga saari waayo, maxsuulka soo baxaana wuxuu noqdaa in qaybta fal-celisku ay guulaysato! Intaa dabadeed waxaa dhuumaha sanka iyo afkaba ka yimaada dheecaano kuwaasoo muddo ka dib istaaga taasoo muujinaysa calaamad caafimaad

By Dr burhan diini rabbani .

15/06/2019

Cudurka busbuska

Busbuska wa fayrus ku dhaca caruurta, waxaana lagu gartaa oo astaan u ah finan guduudan oo cuncun leh kana soo baxa jirka oo dhan. Waxaa si fiican loo yaqaanaa in hadii uu mar kugu dhaco busbuska marlabaad kuguma dhaco. Tan iyo markii tallaalka busbuska la soo bandhigay bartamihii 1990 ka kiisaska busbuska hoos ayey u dhaceen

waa maxay astaamaha Busbuska
Finan guduud ah oo dheecaan leh marka ay jirka si buuxda uga soo baxaan waxay calaamad u tahay in busbus kaa soo baxay oo ayna ahayn fayrus kale calamadaahaan qaar ayaa laga yaabaa inay ahaadaan

Qandho
Dhuun xanuun
Calool xanuun
Madax xanuun
Qufac
Raadi oo la xariir dhaqtarkaaga amaba daryeel caafimaad markaad isku aragto finan aan la sharixi karin oo bilaa astaan ah gaar ahaan hadii ay la socdaan astaamaha qandho iyo qufaca. Waxaa jira kiisas badan oo laga soo xigtay hooyooyinka xiliga ay nuujinayaan caruurtooda oo ay dhacdo in ay caruurta kasoo baxaan finan oo aan heybtooda iyo sababta kenta lagaran, lakiin marka la sameeyo baaris sheybaar way soo if baxdaa asbaabah keenay finankaas .

Maxaa Sababa Busubuska
Sababta ugu h**eysa ee keenta busbuska waa fayrus la yiraahdo VARICELLA-ZOSTER, inta badan busbuska waxaa lagu kala qaadaa taabasho lala sameeyo qof qaba cudurka. Waxa ay qaadataa mudo inta uu san soo muuqan finanka busbuska, waxaa sidoo kale la iskugu gudbin karaa candhuuf, hindhiso iyo in aad taabato finanka iyagoo qoyan taas oo sahlaysa gudbinta.

Sidee Looga Hortagi Karaa Busbuska
Si loo ilaaliyo fidida cudurka waa in caruurta laga ilaaliyaa meelaha ay ku kulmaan caruurta kale sida iskuulada iyo goobaha caruurtu ku ciyaaraan

Talaallka busbuska waa sida ugu wanaagsan ee looga horatagi karo fayruska keeno cudurka

By Dr burhan diini rabbani

14/06/2019

Waa maxay Cambaar?
Cambaartu waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Tinea Versicolor", wuxuu ka mid yahay cudurrada ugu caansan maqaarka.

Waxaa keeno fangas loo yaqaanno "Pityrosporum orbiculare" waa nooc ka mid ah fangaska keeno cudurka soomaalida u taqaanno cabeebka.

Dadka waaweyn badankood waa ay qabaan laakiin maahan cudur daran oo caafimaad ahaan dhib u keena biniaadamka.
Waxa kaliya uu keeni karo waa maqaarka oo isbadala.

Fangaska keena Cambaarta qof waliba wuu gaaraa jirkiisa laakiin ma keeno cambaar illaa uu ku tarmo jirka korkiisa wuxuuna ku badanyahay dhulalka kuleelaha.
Dhididka waxa ay cambaartu ku caawisaa inuu tarmo jeermiska fangaska kadibna jirka ka soo muuqdo.
Hadii qofku qabo cudur hoos u dhiga difaaca jirka sida AIDS-ka oo kale cambaartu waxay fursad u heshaa in jirka safiican ugu faafto.
Sidaa awgeed dadka halista ugu jiro waa:
1- Dadka leh maqaarka dufanka ku badan tahay
2- Dadka ku nool dhulalka kuleelaha.
3- Dadka dhididka badan.
4- Dadka difaaca jirkooda uu hooseeyo.

Calaamadaha lagu garto cambaarta waxaa ka mid ah:
waxay cambaartu badanaa ka soo muuqtaa qoorta iyo dhabarka qeybtiisa kore, xabadka, gumaarka jirka qeybhiisa oo kalane wuu ka soo bixi kara.
Wuxuu qawadku ku badanyahay dadka aad u dhidida, dadka jirkooda dufanka ku badanyahay sida dhalinyarada.

Cambaarta la isma qaadsiiyo.
Waxaa jirro cudurro kale oo cambaarta u ekaan kara sidaa awgeed cambaarta waa la baaraa oo qolof ayaa laga qaadaa jirkaaga kadib ayaa la baaraa.

Cambaarta waxaa lagu daaweeyaa shaampooyin loogu talagalay oo fangaska dilo sida shaambada Selsun, Nizoral & Ketoconazol.
cambaartu markay darantahay waxaa loo qaataa kaniiniyaal.
cambaartu way soo laalaabtaa sidaa darteed iska ilaali waxyaabaha keeno oo aan kor ku soo sheegay.

Cambaarta waxaa looga hortagi karaa adigoo iska ilaaliya dhididka ama qaata dhar hawadu ka gudbayso, joogtane dharka u badasho, iska ilaali qoraxda in aad isku dhigto haddii aad qawadka u nugushahay.
Haddii difaacaaga jirka uu hooseeyo isku day sidaa kor ugu qaadi lahayd adigoo daawo u qaato cudurka difaaca hoos u dhigay, haddii daawo ay keentayne aad joojisid adigoo la tashanaya dhakhtarka kuu qoray.

Cambaartu waxay keentaa cuncun kadibne hadii la xoqo wuxuu isku badalaa dhaawac, kadibne fangaska ayaa gaaro jirka gudihiisa wuxuuna keenaa cudur kale oo loo yaqaanno "Pityrosporum folliculitis" waana cudur sida ka soo baxa oo kale jirka nabarro.

By Dr burhan diini rabani

13/06/2019

Measles facts in Somali
Muxuu yahay?
Jadeecadu waa cudur lasocda qandho iyo finan kuwaas oo noqon kara halis.
Waxaa sababa feyraska jadeecada waxayna sifudud ugu faaftaa dadka dhexdooda qofba qofka kale.
Dadka halis sareysa ugu jira qaadista jadeecada waxaa kamid ah:
Dadka aanan laga tallaalin cudurka jadeecada.
Dhallaanka da'adoodu kayartahay 1 sanno (kahor inta aanan laga tallaalin cudurka jadeecada).
Haweenka uurka leh kuwaas oo aanan weligooda kudhicin cudurka jadeecada ama aanan h**e loogu samaynin tallaal cudurka jadeecada ah.
Dadka qabba nidaamyo difaaca jirka ah oo daciifsan.
Dadka lagu tallaaley nooc tallaalka kamid ahaa oo la heli jirey xiligii laga soo bilaabo 1963-1967 hadana aanan dib-tallaal loogu samayn.
Dadka dhashay kahor 1957 waa kuwo guud ahaan loo tixgeliyo in ay yihiin kuwo ilaalsan (la ilaaliyey) sababtoo ah ayagu waxay u badantahay in ay qabbeen jadeeco markii ay yaraayeen.
Jadeecado waa cudur aad u daran oo keena finan iyo qandho

Jadeecado waa cudur aad u daran oo keena finan iyo qandho.

Maxay yihiin calaamadaha cudurkaan lagu garto?

Calaamadahu waxay biloowdaan kudhowaadkii 7–21 maalmood kadib marka laga helo feyraska, jiraduna waxay sii joogaysaa laga bilaabo 1 illaa 2 todobaad.
Jadeecadu waxay kubilaabmaysaa dareere sanka ah, biyo indhaha kayimaada, qufac, iyo qandho daran oo aad u sareyso.
Kadib 2 illaa 4 maalmood, waxaa soo muuqanaya finan guduud ah, caadi ahaan kubiloowda wejiga kadibna kufaafa jirka hoose kadibna garbaha iyo lugaha. Finanku badanaa waxay sii joogayaan 4 illaa 7 maalmood.
Dadka qabba jadeecada waxay yihiin kuwo cudurka kuqaadsiin kara 4 maalmood kahor illaa kudhowaadkii 4 maalmood kadib marka ay finanku bilowdaan.
Dadka qabba jadeecada sidoo kale waxay sameyn karaan jeermisyo dhegta ah, oof wareenka, ama gubasho iyo caabuq maskaxda ah (gubashada madaxa). Jadeecadu waxay sababi kartaa dhicis ama dhelid h**e ah oo kudhacda haweenka uurka leh.
Aad ayay u yartahay, dadku in ay qabbaan xaalado dhexdhexaad ah oo jadeeco ah taas oo aan loo aqoonsan sida jiro jadeeco ah.
Sidee ayuu u faafaa?
Feyrasku wuxuu kujiraa diifka sanka kujira ama dhuunta qofka qabba jadeecada.
Jadeecadu waxay si fudud ugu faaftaa tooska hawada marka qofka jiran hindhiso ama qufaco. Dhibcaha waxay kudhici karaan dadka kale sankooda ama dhuuntooda marka ay neefsanayaan ama geliyaan farahooda afkooda ama sankooda kadib marka ay kutaabtaan meel jeermis leh.
Qofka qabba jadeecada wuxuu feyraska kufaafin karaa tooska waxyaabaha uu ku hindhiso ama kuqufaco kadibna feyraska wuxuu kunoolaanayaa hawada illaa 2 saacadood.

Sidee loo aqoonsadaa cudurka jadeecada laguna daaweeyaa?

Cudurka jadeecada waxaa lagu aqoonsadaa baaritaan dhiiga lagu sameeyo, suuf baaritaan ah oo lageliyo gudaha sanka iyo baaritaan kaadida lagu sameeyo oo laga baarayo feyraska. Badanaa dhammaan baaritaanadaan waxaa laqabtaa isku wakhti ama halmar.
Majirto daawo xadidan oo loogu talo galay jadeecada. Nasasho iyo in baddan oo cabbitaan dareere ah ayaa lagula talinayaa qofka qabba cudurka jadeecada. Maadaama feyraska sababo jadeeco, daawada antibiyootikada ahi ma ahan mid faa'iido ama waxtar leh.
Haddii ay dhibaatooyinku sii horumarto (sida oof wareenka) waxa loo baahnaan doonaa daaweyn dheeri ah.

Sidee jadaacada looga hortagi karaa?

Jadeecada waxaa looga hortagi karaa tooska tallaalka MMR. Wuxuu kulminayaa tallaalka jadeecada ay lajirto tallaalada loogu talo galay qaamo qashiirka iyo jadeecada jarmalka.
Gobolka Washington, dhammaan caruurta waxaa looga baahanyahay in ay qabbaan tallaalka MMR loogu talo galay gelida iskuulka ama xarumaha daryeelka cunuga.
Dadka qabba jadeeco waxaa khasab ku ah in kafogaadaan xiriirka ay layeeshaan dadka kale ayna kafogaadaan meelaha dadweynaha illaa ugu yaraan 4 maalmood oo buuxda ay kagudubtey tan iyo intii finka uu soo baxey.
Dadka laga helay jadeecada ama u maleeya in ay qabbaan jadeeco waxa khasab ku ah in ay joogaan guriga, kafogaadaan meelaha dadweynaha, ayna si dhakhso ah u latashtaan bixiyaha daryeelkooda caafimaad. Iska hubso in aad h**e u wacdo kahor inta aadan booqan bixiyaha daryeelkaada caafimaad si aad uga fogaato faafinta cudurka jadeecada aad kufaafiso dadka kale ee jooga qolka sugida.
Tallaalka jadeecada lagu bixiyo sedex maalmood gudahooda oo laga joogo maalinta la helay waxay dad kucaawinaysaa kahortaga jeermiska caafimaadka dadka aanan-uurka lahayn.
Difaaca gulobulinta waxay tahay daaweyn taas oo lagu isticmaali karo 6 maalmood gudahooda oo laga joogo maalinta lahelay cudurka si loo ilaaliyo dadka khatar sareysa ugu jira dhibaatooyin ka ahaaday jadeecada ay kamid yihiin haweenka uurka leh, dhallaanka iyo dadka qabba nidaam jir difaace daciif ah.

By Dr burhan diini rabbani

11/06/2019

Local business

11/06/2019

Cudurka macaanka ama sonkorowga

Cudurka macaanka ama sonkorowga oo sharraxan
Cudurka macaanka ama sonkorowgu (Diabetes mellitus) waa xaalad caafimaad oo caadi ah. Qiyaas ahaan 3.6 milyan oo qof oo Ingiriiska ku nool ayaa lagu sheegay cudurka macaanka, taasoo ah qiyaas ahaan 100kii qofba 6. Waxay tiradani kor u dhaafaysaa 4 milyan marka lagu daro dadka aanan weli cudurka laga helin ee aanan lagu sheegin ee aanan iyagu ogayn in ay cudurka macaanka qabaan.

Cudurka macaanku waa xaalad caafimaad oo keenta in caddadka gulukooska (sonkorta) ee dhiiggu aad u sarreeyo maxaa yeelay jirku si hagaagsan uma isticmaali karo.

Gulukoosku waxuu ka yimaaddaa dheefshiidka cuntooyinka adadag sida rootida, bariiska, baradhada, jabaatiga, baradhada macaan iyo mooska plantain la yiraahdo, waxuu ka yimaaddaa sonkorta iyo cuntooyinka kale ee macaan, iyo beerka oo gulukoos soo saara.

Maaddada insulin ayaa nolosha daruuri u ah. Waa hormoono beeryaruhu soo saaro, oo gulukooska ka caawisa in uu galo unugyada halkaasoo jirku shidaal ahaan ugu isticmaalo si uu tamar uga helo.

Calaamadaha ugu muhiimsan ee cudurka macaanka la iska daawayn waayo waa harraad korodhsan, musqusha oo waqti walba la tago (gaar ahaan habeenkii), daal xad dhaaf ah, dhicista culayska, cuncunka saxaaxa ama marar farabadan oo la yeesho cabeeb iyo mugdiga aragga.

Cudurka macaanku waxuu ugu badnaan u kala baxaa labo nooc
Cudurka macaanka ee nooca 1
Cudurka macaanka ee nooca 2 (Dadka qaba cudurka macaanka tobankiiba sagaal ayaa qaba nooca 2)
Cudurka macaanka ee Nooca 1 waxuu dhashaa haddii jirku uu soo saari kari waayo maaddada insulin. Cudurka macaanka ama sonkorowga ee noocan ahi waxuu caadi ahaan soo baxaa inta aanan 40 jir la gaarin. Waxaa lagu daaweeyaa irbadaha insulin iyo nidaaminta cuntada waxaana lagu taliyaa jimicsiga joogtada ah.

Cudurka macaanka ee nooca 1 waxuu dhashaa marka unugyada insulin soo saara ee beeryaruhu ay burburaan. Cidina ma hubto sababta ay tani u dhacdo laakiin waxyeellada unugyada gaarta waxaa ugu suurogal badan in ay tahay ficilcelin aanan caadi ahayn oo uu yeesho nidaamka difaaca dabiiciga ah ee jirku taasoo laga yaabo in ay ka dhalato fayruus ama caabuq kale. Cudurka macaanka ee nooca 1 waxaa mararka qaar kala dhaxla xubnaha qoyska taasoo tilmaamaysa in ay hiddesideyaashu saameeyaan. Cudurka macaanka ee noocan ahi waxuu caadi ahaan saameeyaa dadka da' yar.

Nooca 2 waxaa h**e loogu yaqaanay cudurka macaanka ee 'da'da weyn ku soo baxa' maxaa yeelay waxuu caadi ahaan ku soo baxaa dadka da'doodu meel-dhexaad tahay ama waayeelka ah, inkastoo uu dadka da' yar mararka qaar ku dhaco uuna ku sii badanayo. Cudurka macaanka ee nooca 2 waxuu dhashaa marka jirku weli soo saari karo xoogaa insulin ah, laakiin aanay ku filnayn, ama marka maaddada insulin ee uu soo saaro aanay si fiican wax u tarin (loo yaqaano u adkaysiga maaddada insulin). Cudurka macaanka ee noocan ahi waxuu caadi ahaan ku soo baxaa dadka 40 jir ka weyn, inkastoo uu soo bixi karo ka hor inta aanan 40 jir la gaarin. Dadka culayskoodu xad dhaaf yahay ayaa gaar ahaan la filayaa in ay yeeshaan Cudurka macaanka ee nooca 2. Waxaa badi kala dhaxla xubnaha qoysaska waxuuna ku sii badan yahay bulshooyinka Koonfurta Aasiya iyo Afrikada iyo Kaarabiyanka, markaasoo uu caadi ahaan ku soo baxo dadka 25 jir ka weyn.

Cudurka macaanka ee nooca 2 waxaa lagu daaweeyaa nidaaminta cuntada iyo jimicsi keligood ama nidaaminta cuntada, jimicsiga iyo kiniinno ama nidaaminta cuntada, jimicsiga iyo irbadaha insulin. Ujeeddada ugu muhiimsan ee laga leeyahay daawaynta labada nooc ee cudurka macaanku waa in gulukooska dhiigga iyo cadaadiska dhiigga laga gaaro heerar sida ugu suurogal badan ugu dhow barta caadiga ah.

Tan, marka weliba lagu daro hab-nololeed caafimaad leh, waxay caawin doontaa in la wanaajiyo caafimaadqabka oo waxyeellada waqti dheer laga ilaaliyo indhaha, kelyaha, dareemeyaasha, wadnaha iyo halbowleyaasha waaweyn.

Dadka qaarkood waxay Cudurka macaanka ee nooca 2 si qalad ah ugu tilmaamaan cudurka macaanka ee 'sahlan'. Cudurka macaanku ma leh mid sahlan ama mid dabacsan. Cudurka macaanka dhammaantiis waa in si dhab ah loo tixgeliyo, si joogto ah loola socdo, oo si hagaagsan loo daaweeyo.

Diabetes UK ayaa soo saartay xisaabiyaha bilaashka ah ee 'Halistaada ogow?' oo aad ku xisaabinayso halista aad ugu jirto yeelashada cudurka macaanka ee nooca 2.

Fiidiyowgan ayaa weliba sharraxaad fiican ka bixinaya “Waxa Keena Cudurka macaanka?”

Sababaha kale ee cudurka macaanka
Cudurka macaanka ama sonkorowgu waxuu leeyahay sababo kaloo aad dhif u ah.

Waxaa kuwan ka mid ah:

Cudurrada ku dhaca qanjirka beeryaraha sida bararka beeryaraha ee dabadheeraadka ah.
Cudurka macaanka ee ka dhasha daawooyinka sida istiiroodiska
Cudurka macaanka ee qayb ka ah xaalad kaloo caafimaad sida cudurka adkaanshaha neefta iyo dheefshiidka cuntada (cystic fibrosis) ama xaalad caafimaad oo ku xiran hormoonada jirka (endocrine) sida cudurka Cushing
Cudurka macaanka ee hiddeside keli ah oo ku xiran cilladda ku jirta hiddeside gaar ah oo caadi ahaan taariikhda qoyska aad u saameeya. Barta internetka ee Diabetes genes (Hiddesideyaasha cudurka macaanka) ayaa ah bar aad u fiican oo laga helo macluumaad intaas aad uga badan. http://www.diabetesgenes.org.
Cudurka macaanka ee dhalmada ka dib ayaa ah nooc gaar ah ee cudurka macaanka oo dhasha ka hor inta aanan 6 bilood la gaarin
Cudurka macaanka ee Aayar u Durka ee Weerarka difaaca dabiiciga ah ee jirka ee Qaangaarka (Latent Onset Automimmune Diabetes of Adulthood) (LADA) oo ah xaalad caafimaad oo difaaca dabiiciga ah ee jirku weerar ugu geysto jirka laftigiisa sida Cudurka macaanka ee nooca 1 laakiin waxuu ku yimaaddaa da' durugsan iyadoo si iska dhakhso badan (laakiin aanan degdeg ahayn) loogu baahdo daawada insulin, caadi ahaan hal sano gudihiis ka dib marka cudurka la sheego, mararka qaarna si aad uga dhakhso badan.
Cudurka macaanka ee waqtiga uurku waa cudurka macaanka ama sonkorowga ee haweenka qaarkood ku dhaca waqtiga ay uurka leeyihiin laakiin ka yaraada ka dib marka ay ilmaha dhalaan. Dadka qaba cudurka macaanka ee waqtiga uurka waxaa suurogal u sii ah in ay noloshooda inta dambe yeeshaan Cudurka macaanka ee nooca 2
Si aad macluumaad dheeraad ah uga hesho cudurka macaanka ee nooca 2 tag halkan: Cudurka macaanka ee Nooca 2

By Dr burhan diini rabni

29/05/2019

Dhiig yari ( anemia )

Dhiig yari waa xaalad ka dhigi kartaa qofka mid dareema in uu daallan yahay oo daciif yahay, neeftu kugu yaraato, iyo wareer.

Calaamadaha kale ee dhiig yarida waxaa ka mid noqon kara Maqaarkaaga, faruuryaha, cirridka, indhaha dhinacyadooda, ciddiyaha ama calaacalaha gacmuhu midab beelaan. Indhaha oo ku madoobaado ama mugdo noqdo markaa istaagto, War-wareer ama miyir beelid, Neefsashada oo kugu gaabata ama feedho xanuun, Wadnaha oo si deg deg ah u garaacma, Dhallaanka iyo carruurta oo si gaabisa u kora.

Daawaynta kansarka, sida chemotherapy iyo daaweynta radiation therapy, iyo sidoo kale kansarka saameeya dhuuxa lafta, waxay keeni kartaa dhiig yari.

Marka ay dhiig yari ku hayso waa tirada unugyada dhiigga cas-cas oo ka yar sidii caadiga ahayd, jidhkaaga ma laha unugyada dhiigga cas oo ku filan.

Unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jidhka oo dhan, marka ay tirada unugyada dhiigga cas-cas yar yihiin, ogsijiin yar ayaa soo gasha qaybaha jidhka. Waxaad heli doontaa baaritaan dhiig si loo hubiyo anemia.

Daaweynta dhiig yarida ayaa waxaa sidoo kale ay ku salaysantahay calaamadahaaga iyo waxa keenaya dhiig yarida.

Siyaabaha loo maareeyo:

Halkan waxaa ku qoran qaar ka mid ah tallaabooyinka aad qaadi karto haddii aad leedahay daal uu sababay dhiig yarida, Keydso tamar iyo caawimaad weydiiso.

Dooro waxyaabaha ugu muhiimsan in la sameeyo maalin kasta.

Marka ay dadku ku caawiyaan ha diidin ka faa'iidayso, waxay kuu qaadi karaan dhakhtarka, ama ay kuu hagaajin karaan cunto, ama waxyaabo kale oo aad ka daashay inaad sameeyso.

Dheelli tir intiisa kale hawlaha. Qaado seexasho gaaban inta lagu jiro maalinta, laakiin maanka ku hay in nasashada sariirta saa'idka ah ka dhigi karto daciif. Waxaa laga yaabaa inaad dareento inaad fiicantahay haddii aad socod gaaban qaadato ama maalin walba wax yar jimicsi samayso.

Si fiican u cun una cab. la hadal dhakhtarkaaga, kalkaalisada, ama cunto qoraha diiwaangashan si aad u barato cuntada iyo cabitaanka ugu fiican ee aad u baahantahay. Waxaa laga yaabaa inaad u baahan tahay in aad cunto cuntooyinka ay ku badantahay protein ama birta.

By dr burhan diini rabni

Address

Ahmedburhaan05@gmail. Com
Bosaso

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Telephone

0906809545

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr burhan diini rabni posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr burhan diini rabni:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram