Dr-xudayfi Axmed

Dr-xudayfi Axmed Orthopaedic trauma & surgery

16/02/2026

185 qof oo isugu jira askar, taagerayaal xilsugayaal ah oo warqadaha Magacaabistu ku daaheen iyo masuuliyiin kale ayaa shalay gaaray Muqdisho, iyagoo ku kala safray saddex diyaaradood. Laba ka mid ah diyaaradahaas waxay sideen min 70 ruux, halka midda saddexaad ay qaaday 45 ruux.

Safaradan oo la sheegay in lagu bixiyay boqolaal kun oo dollar ayaa imanaya xilli Puntland ay wajahaysay xaalad abaareed oo baahsan. Ku dhowaad 200,000 oo qof ayaa ku barakacay abaarta, kuna nool kaamam ay ka jirto baahi daran oo cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad. In ka badan 500,000 oo qofna abaartu si toos ah iyo si dadban ayay u saameysay, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.

Xilli dadkani ay sugayeen gargaar degdeg ah iyo in dowladdoodu mudnaanta siiso badbaadintooda, ayaa kharashka badan ee lagu bixiyay safarradaasi noqday arrin su’aalo dhalisay. Bulshada qaarkeed waxay is weydiinayaan: ma ku habboonayd in lacago intaas le’eg lagu bixiyo safarro, halka kumannaan qoys ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah?

Arrintan ayaa sii xoojinaysa doodda ku saabsan mudnaanta kharashaadka dowladda iyo sida loogu dheelli-tiri karo mas’uuliyadaha siyaasadeed iyo baahiyaha degdegga ah ee shacabka.

08/12/2025
23/08/2025
23/08/2025

Maxaa sababa xanuunka ku dhaca xameetida ? Waa maxay calaamadaha lagu garto ?goorma ayay tahay in qaliin lagu sameeyo ? Qaliinkee ayaa ugu haboon ?
Dr /Haydar ..Hodan Hospital. Muqdisho

19/08/2025

Address

Bosaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr-xudayfi Axmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category