Wellness with Barwaqo

Wellness with Barwaqo Wellness with Barwaqo waa bog u heellan caafimaadka haweenka, daryeelka maskaxda, nafaqada, iyo korriinka ubadka.

Waxaan kula wadaagnaa talooyin iyo wacyigelin kaa caawinaya inaad hesho nolol caafimaad leh, nafis iyo farxad joogto ah.

01/01/2026

Qof dhuuban vs qof buuran!??

1. Waa maxay buurni ama dhuubni?
2. Ma jirta wax looga qiyaas qaato si loo qeexo buurni ama dhuubni?

Waxa jira wax la yidhaahdo af ingiriisiga body mass index(BMI) waa muqiyaaska buurni ama dhuubni.

BMI=weight
_________________
height (m) *2

tusaale miisaan ah 70kg iyo dhere ah 1.65 m

70
__
1.65*2
BMI= 21.21.

hadaba BMI ka ah 18.5-24.9 waa miisaanka ugu macquulsan ee caafimaadka ah.

naf ogaal ayaa haboon inaynu samayno.  naftaada ku mashquul intaad cid kale ku mashquulilahayd.
23/12/2025

naf ogaal ayaa haboon inaynu samayno.
naftaada ku mashquul intaad cid kale ku mashquulilahayd.

30/11/2025

Naf—la hadalka(the self talk).

la sheekaysiga naftaada iyo sida aad ula hadashid saamayn inteeg bay noloshaada ku leedahay.?

✅ Waa maxay naf-la hadal?

Waxay tahay in aad naftaada ula hadasho

gudaha maskaxdaada — fikirro ama hadal

gudaha ah oo kuu sheega waxa aad

dareemeyso ama qorsheyneyso.

✅ Faa’iidooyinkiisa

✔️Waxay dejisaa maskaxda.

✔️Waxay kordhisaa kalsoonida.

✔️Waxay yareysaa walbahaarka.

✅️❗ Haddii uu noqdo taban

✔️ Waxay kor u qaadaa walbahaarka.

✔️Waxay dhaawacdaa is-qaddarinta.

🛠️ Sida loo hagaajiyo

✔️Ogoow fikirrada taban.

✔️U beddel kuwo wanaagsan: “Waan ku dadaalayaa”.

✔️ Ula hadal naftaada sida saaxiibkaa aad jeceshahay.

⛔️ Ruuxna sxb iyo qof uu qadariyo uma quudho eray xun. Naftaaduna way kaaga sii qaalisan tahay cid kasta.

18/11/2025

Naftaydaay gacalo naxariis adaa mudan

18/11/2025

Dadka yaa u mudan in loo naxariisto.
======≈≈=≈≈========≈=========≈.
naftaada ugu naxariiso sidii aad ugu

naxariisan lahayd qof dhibaatooyin badan oo

aad ogtahay ka soo gudbay.( noloshaada dib

ugu noqo waxyaabah aadka u adag èe aad ka

soo gudubtay). isu mahad celi oo ku bogaadi

naftaada inay tahay Ruux adkaysi badan oo

aan isdhiibin.

13/11/2025

Calaamadaha digniinta⛔️🚫 ee uurka waa astaamo muujinaya in hooyada uurka leh u baahan tahay daryeel caafimaad degdeg ah. Waa muhiim in hooyada ay si degdeg ah u tagto xarunta caafimaadka 🏥 marka ay aragto mid ka mid ah calaamadahan.

⚠️ Calaamadaha Digniinta (Danger Signs of Pregnancy):

1. Dhiig ama dhecaan kale ka yimaadda hooyada.

✔️Haddii dhiig uu yimaado xilli kasta oo uurka ah.

Waxay muujin kartaa halis sida dhicis, placenta previa, ama placental abruption.
(Source: WHO – Maternal Health Guidelines, 2022)

2. Madax xanuun daran, indhaha oo aragoodu is bedelo oo weedh-weedh bixiya.

✔️Calaamad u noqon karta pre-eclampsia ama cadaadis dhiig oo sareeya xilliga uurka.
(Source: CDC – Pregnancy Complications, 2023)

3. Barar aad u badan oo wejiga, gacmaha, ama lugaha ah, gaar ahaan haddii uu la socdo madax xanuun ama dhibaato arag.

✔️Tani waxay muujin kartaa pre-eclampsia.

4. Xanuun caloosha ah oo daran ama joogto ah

✔️Waxaa sababi kara placental abruption, infekshan, fool xilligeedii ka soo hordhacday ama xaalad kale oo halis ah.

5. Ilmaha oo dhaqaaqi waaya ama dhaqdhaqaaqiisa yaraada

✔️Haddii dhaqdhaqaaqii ilmaha uu istaago 24 saac ama in ka badan — waa xaalad degdeg ah.

6. Qandho iyo lalabo badan

✔️Waxaa laga yaabaa inay sabab u tahay infekshan sida malaria, UTI, ama cudur kale oo khatar ah.

7. Kaadida oo xanuun kaaga timaada ama gubasho leh

✔️Calaamad u ah urinary tract infection (UTI), oo khatar ku ah ilmaha haddii aan la daweyn.

8. Miyir beelid ama dawakhaad daran
✔️Waxaa keeni kara hoos u dhaca sonkorta dhiigga, cadaadis dhiig oo hooseeya, ama dhiigbax gudaha ah.

9. Neef qabatin ama neefsashada oo ku adkaata

✔️Waxaa laga yaabaa inay la xiriirto cadaadis dhiig oo sarreeya (diig kar), infekshan, ama xaalad wadnaha ama sambabka ah.

✅ Talo:

Ha sugina in calaamaduhu ay iskood u baaba'ayaan — tag xarunta caafimaad isla markiiba.

Nolol caafimaad leh hadda bilaw
12/11/2025

Nolol caafimaad leh hadda bilaw

Hooyooyinka maxaa la gudboon xilliga uurka.?1. Ugu horryan niyo degan iyo farxad ku qaabil xaaladaada cusub.✔️ Maskaxda ...
12/11/2025

Hooyooyinka maxaa la gudboon xilliga uurka.?

1. Ugu horryan niyo degan iyo farxad ku qaabil xaaladaada cusub.

✔️ Maskaxda iyo niyaddaKu celceli fikirka togan: “Waxaan ilmahayga siinayaa daryeel iyo jacayl.”

Samee neefsasho qoto dheer, yoga fudud, ama meditation si aad u dejiso maskaxda.

2. Taageero raadi

Ha ka xushoon inaad caawimo dalbatid!

⚛️ La hadal qoyskaaga, saaxiibadaada, ama xarumaha daryeelka hooyooyinka.(MCH).

Waxay kaa caawin karaan inaad dareento deganaan iyo kalsooni.

3. Baro uurkaaga

Akhri buugaag ama ka daawo casharro ku saabsan horumarka ilmaha iyo isbeddelada jidhka.

Barashada waxa dhaca bil kasta waxay kaa caawinaysaa inaad kalsooni yeelato.

5. La soco isbeddelada jidhka

Ogoow in caloosha, nafaqada, iyo hurdooyinka ay isbedelaan.

Dareenkaaga iyo jidhkaaga si deggan u dhageyso, hana ka welwelin isbeddelka caadiga ah.

6. Daryeelka Caadiga ah ee Uurka

Booqashooyinka dhakhtarka: Primigravida waa muhiim inay si joogto ah u booqato dhakhtarka ama xarunta caafimaadka, inta lagu jiro bilaha h**e, dhexe, iyo dambe ee uurka.

Ka hortagga cudurrada: Talaalada lagama maarmaanka ah sida tetanus, iyo baaritaano caafimaad sida dhiigga iyo sonkorta.

A.. Naqshadeynta cuntada

Cun cunto dheellitiran oo hodan ku ah protein, fitamiin, iyo macdan.

B. Cab biyo ku filan, ka fogow cabbitaannada sonkorta badan iyo caffeine-ka xad-dhaafka ah.

7. Jimicsiga iyo nasashada

Jimicsi fudud: Socod, ama jimicsiga loogu talagalay haweenka uurka leh waxay caawiyaan wareegga dhiigga iyo yareynta xanuunka miskaha.

Nasasho ku filan: uuraydu mararka qaar waxay dareemaan daal iyo xanuun la xiriira hormoonnada iyo fiditaanka muruqyada.

Isbedel khayr leh ayaan u rajaynayaa Hooyo kasta oo cusub ama h**e oo hadda uur leh.

04/07/2023

Hadii ay salaaddu leedahay mushar bille ah, cidina k**a tagteen salaadda

Address

Burao
Burao
002522

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252634321660

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wellness with Barwaqo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Wellness with Barwaqo:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram