Dr Zaki Pharmacy & Clinic

  • Home
  • Dr Zaki Pharmacy & Clinic

Dr Zaki Pharmacy & Clinic Dr Zaki Pharmacy and clinic
(Daaweyn iyo talo bixin caafimaad)

Caabuqa ku dhaca sanqada (sinusitis) qaybta 1aadSinusitis" waa caabuq ku dhaca daldaloolada lafaha sanqada ee caafimaad ...
27/09/2023

Caabuqa ku dhaca sanqada (sinusitis) qaybta 1aad

Sinusitis" waa caabuq ku dhaca daldaloolada lafaha sanqada ee caafimaad ahaan loo yaqaano "Sinuses".

Sida caadiga ah, dulduleelada ama jeebabka sanqada waxaa ku jira hawa, laakiin markuu infekshan qaado waxaa ku aruuri karo dheecaan ay keento bakteeriyo ama feyras.

Xanuunada keeno in caabuq galo waxaa ka mida ah: Hargab-ka, Sanboor-ka, Hilibka sanka ka soo baxo ama carjowda sanka kala qeybiso oo qalloocan.

Xanuunkaan waxaa loo kala qaybiyaa 3 qeyb waxa ay na ku kala duwan yihiin kaliya muddada ay hayaan qofka, midka 1-aad waa mid si degdeg ah qof u qabto wuxuu ku bilawdaa hargab, hindhiso, san-durdur iyo xanuun wajiga ah, wuxuuna qofka hayaa in ka yar muddo bil ah.
Midka 2-aad wwuxuu qofka hayaa 1 bil illaa 2 bil gudahooda, Midka 3-aad qofka wuu ku soo noqnoqdaa wuxuuna hayaa muddo sanad ama ka badan.

Calaamadaha lagu garto xanuunkaan waxaa ka mid ah: Xanuun wajiga ah ama cadaadis in laga dareemo, Sanka oo cabursan, biyo ama duuf sanka ka yimaado, carfinta ama urinta oo sidii saxda ahayn, marmarka qaar waxaa la socdo madax xanuun iyo qufac.
Qofka hadduu ku raago wuxuu yeelanayaa qnadho, hawada afka iyo sanka oo urto, caajis jirka oo idil ah iyo ilko xanuun.

Waxaa lagu fahmaa in qofka uu yeesho duuf cagaaran oo adag oo ur badan iyo weji xanuun indhaha lafta ka ka korreysa, meesha ay labada indhood iskaga yimaadaan iyo lafta sanka dhinacyadiisa ah.

La soco qaybta 2aad

Somalidoc.com

Address

Wadada Gobolada Bari

Telephone

+252634943293

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Zaki Pharmacy & Clinic posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram