23/04/2023
Muqdishu, 23 April, 2023 waxaa ka qabsoomay kulan muhiim ah oo warbixin looga dhagaystay agaasimaha caafimaadka ahna dhaqtarka guud ee Isbitaalka Degmada ceelbuur Dr. Abdirahman Ahmed Sabriye, waxaana ka soo qeybgalay guddiga Isbitaalka iyo qaar ka mid ah dhalinyarada.
Dhaqtarka oo muddo kooban oo fasax ah u jooga Muqdishu ayaa ka warbixiyay waxqabadka 4tii bilood ee ugu dambaysay ee isbitaalka, waana tan warbixintii dhaqtarka oo qoraal ah:-
1. Dhiig ku shubis lacag la'aan oo loo sameeyay 15 ruux oo baahi weyn u qabay inay helaan hadii kale ay xaaladoodu qatar ku sugnayd.
2. Qeybta gargaarka degdega ah ee Isbitaalka oo la soo gaarsiiyay 23 ruux oo qaba dhaawacyo la xariira toorey iyo ulal lagu soo dhuftay kuwaa oo qaarkood xaaladooda aad u liidatay balse loo sameyay gurmad caafimaad oo degdeg ah.
3. Qaabilaada bukaan socod gaaraya 200 oo ruux oo daruuf iyo diif aad u daran ka muuqatay kuwaa oo aan awoodin qarashaadka caafimdkooda iyo u fidinta adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah.
4. Qeybta caruurta ee Isbitaalka waxaa la soo gaarsiiyay caruur gaareysa 15 caruur ah oo uu naqasku ku dhaganaa una baahnaa oxygeen masaafa aad ufogna laga keenay, kuwaas oo helay daryeel caafimaad oo la xariira baahidii ay qabeen.
5. In dhaqtar ka si bilaash oo bilaa number ah dadka ula kulmaan.
6. Sheybaarka iyo daawada oo qiimo dhimis balaaran lagu sameeyay.
Isbitaalka Guud ee Degmada oo muddo kooban halwgaly ayaa u muuqda mid si weyn u daboolay baahiyaha caafimaad ee dadka degmada iyo deegaanada ku xeeran ku nool, iyada oo looga imaanayo tuulooyin badan oo ku xeeran degmada.
Waxaana isbitaalka muddo laba asbuuc gudaheed ah uu ku qaabilay 193 ruux oo bukaan socod ah, 5 ruux oo u baahnaa gargaar degdeg ah iyo 2 ruux oo dhalmo ah.
Waxaan sii kordhaysa tirada bukaanada ee uu qaabilayo iyadoo dadka deegaanku aad ula dhacsanyihiin adeega xirfadlayaasha caafimaad iyo adeegyada isbitaalka.
Dhamaad
.............