Eyl General Hospital

Eyl General Hospital Cisbitaalka Guud ee EYL wuxuu Diyaar u yahay in uu u shaqeeyo Bukaankasta oo Shaqa uga soobaahda, Wuxuu Shaqaynayaaa 24 saac Maalin walba.

23/01/2024
Senator Abdirahman Mohamed Mohamoud Faroole.*  Oo saaka Booqday hospitalka weyn ee degmada eyl, Eyl General Hospital isa...
21/01/2024

Senator Abdirahman Mohamed Mohamoud Faroole.* Oo saaka Booqday hospitalka weyn ee degmada eyl, Eyl General Hospital isaga iyo wafti la socday oo maalmahan danbe joogay degmada.

Senator Abdirahman Faroole Iyo Waftigiisa Waxaa si diiran hospitalka ugu soo dhaweeyay Agaasinka hospitalka *Dr Abdixakiin Da,ar.* Oo uga warbixiyay xaalka hospitalka iyo shaqada baaxada leh ee ka socota.

Senator Abdirahman Faroole ayaa ukuur galay inuu indha indheeyo shaqada ka socoto hospitalka Isagoo bogaadiyey shaqada socota oo ay hormud uyihiin mamulka iyo shaqaalaha guud ahaan.

Agaasimaha Hospitalka Ayaa uga mahad celiyay Senator Abdirahman Faroole kalintii uu kagaystay dib ushaqo bilaabidii iyo dib ufuradii hospitalka eyl, Burburka kabacdii 2014 si dadka deganka eyl uhelaan adeeg cafimaad.

 Waxaa la Ogaysiinaya Bulshada ku dhaqan Degmada Eyl iyo Nawaaxigeeda in Hospitalka   Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal uu k...
25/04/2022



Waxaa la Ogaysiinaya Bulshada ku dhaqan Degmada Eyl iyo Nawaaxigeeda in Hospitalka Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal uu ka Hawlgeli doona oo ah Dhakhtarka ku Takhsusay Dawaynta iyo Qalinkooda Cudurada kudhaca Hooyada (Gyne-Obestetric Specialist) sida Burooyinka minka kudhaca iwm.

Waxaa ka go'an Mamulka Hospitalka isagoo kaashanaya Wasaarada Cafimaadka iyo Dadka Deeganka Dal iyo Dibadba in kor loo qaado Adeeg Bixinta Hospitalka Gaar ahaan La tacaalida Hooyooyinka Xanuunsan.

Ka Faa'iidaysi Wacan .

HAWL GAL QALIINCisbitaalka Guud ee Degmada EYL waxaa Xalay laga Fuliyey Qaliinkii 1aad ee loo sameeyo Hooyo xaamilo ah o...
26/03/2022

HAWL GAL QALIIN

Cisbitaalka Guud ee Degmada EYL waxaa Xalay laga Fuliyey Qaliinkii 1aad ee loo sameeyo Hooyo xaamilo ah oo Sida Caadiga u dhali wayday, Dhaqaatiirta iyo Kal Kaalisooyinka Cisbitaalka oo iska kaashanaya ayaa Fuliyey Qaliin Heersare ah oo Lagu Kala Bad baadshay Hooyo iyo ilmaheed,

Maamulka Cisbitaalku wuxu Xaqiijiyey Shaqada Qaliinka dhalmada Kadib in ay Caafimaad qabaan Hooyada iyo ilmaheeda kuna Guulaysteen Hawlgalkaas.

Sidoo kale Maamulku wuxu Cadeeyey in Hada Kadib Hawlahaas oo Kale Degmada Cisbitaalkeedu ku filan yahay taas oo Qalabka iyo mesha Lagu Fuliyey Dhowaan Maamulka Cisbitaalku Adeegaas Qaliin Kusoo Siyaadiyey Cisbitaalka.

Mustaqbalka dhow cisbitaalku wuxu Rajayn nayaa in Bukaanada Qaliimada Kale ee Burooyinka Xameetida iyo Qabsimada Ugu Adeego Cisbitaalka Ayna Kabaaqdaan Shacabku Safaradii Dhaar dheeraa.

Mahad celin Dhaqaatiirta Kaqayb Qaadatay.
Dr. Aden Hasan oo ahaa dakhtarkii
Dr. Guhaad
Suuxiye

14/11/2021

Wax yaabihii Cisbitaaal ka Guud ee EYL ka Hirgalay Sanadkii uu joogay Agaasime Abdihakiin Maxamed Dacar

CISBITAALKA GUUD EE  EYLWaxaa Maanta Daah Fur lagu sameeyey Laba qaybood,   Qaybta Cusub ee Qaliinka Hooyada uurka Leh m...
13/11/2021

CISBITAALKA GUUD EE EYL

Waxaa Maanta Daah Fur lagu sameeyey Laba qaybood, Qaybta Cusub ee Qaliinka Hooyada uurka Leh marka ay dhali waydo iyo Qayb kale oo 5 qol Lagu Daray ee Nafaqa Darada Caruurta yar yar oo Dhisme cusub lagu siyaadshay qaybtii H**e.

Waxaa Munaasabadaas kasoo qayb galay Mas uuliyiin kala Duwan oo Katirsan Bahda Wasaarada Caafimaad ka Puntland iyo Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Magaalada EYL iyo Maamulka Cisbitaalka.

Maamulka Guud ee Cisbitaalka EYL waxa uu si mug weyn ugu mahad celiyey dhamaan inta ka soo qayb Qaadatay Dhismayaasha kala duwan ee cisbitaaalka oo ay Kamid yihiin Qurba Joogta Degamada oo Gacan wayn Kagaystay, Xildhibaanada Puntland ee Degaanka eyl kasoo jeeda, Ganacsatada Degmada iyo Wasaarada Caafimaadka Puntland.

Maamulka Cisbitaalku Waxa uu sheegay in Loogu Adeegi Doono bulshaadda Eyl oo baahi wayn uqabay Qaybahaas maanta ladaah furay oo Hooyo dambe aan looqaadi doonin meel kabaxsan Eyl oo adeegeeda Qaliin Cisbitaalka Loogu samayn doono Qalab qaliin iyo Dhaqaatiirba Loo howl galiyey Shaqaynaya 24ka saac ee Maalin walba.

Allaa Mahadleh.....

SOODHOWEYN Maamulka Cisbitaalka Guud ee Degmada EYL waxa uu Soodhoweyn Balaaran usameeyey Wafdigii uu Hogaaminayay Xildh...
06/08/2021

SOODHOWEYN

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Degmada EYL waxa uu Soodhoweyn Balaaran usameeyey Wafdigii uu Hogaaminayay Xildhibaan Mohamuud Nuur oo ka yimi USA.

Xildhibaanka wafdigiisa Waxaa lasocday Xildhibaano Puntland Saraakiil h**e ee Puntland ah iyo Ganacdayaal kala Duwan.

Waxa maamulka Cisbitaalku lawadaagay Xildhibaan Baahiyaha Kataagan Cisbitaalka Nuqul Codsi ah oo Looga Codsaday Qaybta ee Dhalaanka Yar yar in uu wax kala Qabto isaga oo sheegay balanqaaday marka uu noqdo waxa ugu h**eeya ee uu ka caawin doono Cisbitaalka inay tahay Qaybtaas.

Maamulka cisbitaalku mar 2aad waxa uu soo dhoweyn iyo Mahad celin usameeyey wafdigaas balaaran ee Degmada EYL kuyimi Booqashada.

ALAA MAHADLEH.

Waxaaa Sharaf noo ah Inaan Hospitalka Degmada kusodhaweyno Wafdi kasocda Madaxda hay'ada UNICEF iyo Agaasimaha Waaxda Qo...
28/07/2021

Waxaaa Sharaf noo ah Inaan Hospitalka Degmada kusodhaweyno Wafdi kasocda Madaxda hay'ada UNICEF iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaarda cafimadka
Dr Mohamed Xidig iyo Wafdi Balaaran si ay ugu kuurgalaan mashaariicda UNICEF ee hospitalka Degmada, waxayna kuqanceen sida Habsami usocodka leh ee mashaariicdu usocoto.

ALLAA MAHADLEH

Saaka waxaa si habsami leh maalintii 1aad cisbitaalka Degmada EYL uga socda TALAAL-ka Covid19 wajigiisii 2aad.Maamulka i...
29/05/2021

Saaka waxaa si habsami leh maalintii 1aad cisbitaalka Degmada EYL uga socda TALAAL-ka Covid19 wajigiisii 2aad.

Maamulka iyo bahda Caafimaadka Cisbitaalku waxa ay si joogto ah ugu shaqaynayaan Shacabka ubahan Talalka, Hadaba Soo kaxee waalidka iyo qofkasta aad heli karto si loo talaalo Talalkii labaad.

Wajiga 2aad eeTalaalka Covid19 waxaa saaka Nala Daah Furay Duqa Degmada EYL Muuse Cismaan iyo Masuuliyiin kale oo Qaatay Talaalka 2aad.

Ka faaidaysi wacan

, Gaarsi Dadka Kugu Xiran si ay uga faaidaystaan.

OGAYSIIS   MUHIIIM AH.....Cusbitaalka Guud ee Degmada EYL waxa laga Daah furin Wajigii 2aad ee TALAAL-ka  Covid19.  Dadw...
28/05/2021

OGAYSIIS MUHIIIM AH.....

Cusbitaalka Guud ee Degmada EYL waxa laga Daah furin Wajigii 2aad ee TALAAL-ka Covid19.

Dadweynaha Degmada EYL waxa lagu war galin in Biri oo Bishu tahay 29 may 2021 Cisbitaalka ay Diyaar kutahay Qaada shada Talaalka Ayna Yimaadaaan TALAAL-kii 1aaad Dadkii Qaatay si ay mar 2aad isku Talaalaan.

Sidoo kale waxa La rajayn in Shacabka Ay dhaaftay Wajigii 1aad ee Talaaalkii h**e in Dib loo bilaabi Doono Mudada soo socota insha alaah.

Kafaa idaysi wacan iyo Caafinaad wanaagsan ayay idiin Rajayn maamulka iyo Hawl wadeenada Cusbitaalka.

26/05/2021

Xog Waran Xaalada Guud ee Cisbitaalka Degmada EYL

Address

Daawad EYL
Eyl

Telephone

+252907702203

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eyl General Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category