07/09/2014
Qofka qaba dhiig yaraantu waxaa ku jira waxoogaa unugyada dhiigga cas-cas dhiiggiisa dhiiggeeda oon ahayn ka caadiga ah. Unugyada dhiigga cas-cas ayaa gaadhsiiya ogsijiinka dhammaan unugyada jidhka ku yaalla. Marka ay tirada unugyada dhiigga cas-cas ay ka hooseeyaan inta caadiga ah, ogsijiin yar ayaa gaadha dhiiga.
Calaamadaha
Qofka qaba dhiig yaraantu lagama yaabo inuu ogaado wax calaamado ah. Marka dhiig yaradi ka sii darto, waxa laga yaabaa inaad yeelato calaamadahan:
Tabcaan- ama tamar darro ama daal dareemid
Dawakhaad ama suuxid dareemid
Gacmaha iyo lugaha oo ku qadhqadha
Madax xanuun
Dubka oo naafish noqdo ama ciddiyaha oo si sahlan kuu dildilaaca
Dhibaato aad kala kulanto inaad si fiican u fikirto ama inay kugu adkaato xoog meel saaristu
Neefta oo ku qabata ama laab xanuun
Wadne garaac degdgea ama aan caadi ahayn
Waqtiyada caadada oo yaraada waqtiyada uu socdo dhiigga caadadu
La hadal dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto calaamadahaas mid uun. Wac dhaqtarkaaga haddii neeftu ku qabato ama xabbadku ku xanuuno.
Sababaha
Sababaha dhiig yaradi waxaa ka mida:
Dhibaatooyin ka yimaada sida birta uu isticmaalo jidhku In aan la cunin cunto ay feeradu ku badan tahay
Dhiigista ama dhiig baxa, sida dhiigga culus ee ka yimaada waqtiyada caadada
Uurka
serif;">Foolayt la’aanta ama fitamiin B-12 jidhka
Daawaynta xanuunnada qaarkood, sida kansarka,oo aad jidhka u adkeeya si uu u sameeyo unuggyada dhiigga cas-cas ee cusub
Jirrada dhiigga kaas oo burburiya jidhka unugyo dhiig cas-cas oo badan
Dhibaatooyinka hab-dhiska difaaca halkaas oo jidhku buruburiyo ama aanu samayn karin unugyada dhiiga cas-cas
Dhallaanka ka yar hal sano ee cabba caanaha lo’da ama caanaha adhiga
Dhallaanka lagu quudiyo caano boore aan lahayn feero ama bir dheeraad ah
Daryeelkaaga
Takhtarkaagu wuxuu baari doonaa si uu u ogaado sababaha dhiig yarida kuu keenay iyo in uu qorsheeyo daaweyntaada. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato:
Cunto cunooyin gaara oo caafimaad leh ka mid yihiin furuto, khudrad, rooti, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, hilib iyo kalluun.
In aad cunto cuntooyin feero badan sida khudradda caleenta ah, hilibka lo’da oon mac ahayn, hilib doofaar ama hilib adhi, hilib digaag , cunnada badda, midhaha iyo iniinyaha ay birtu ku xooggan tahay, khudaarta cagaaran sida isbinaajada naatiska iyo digirta.
Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu la kulmo cunto qore si laguugu qorsheeyo cuntooyin caafimaad leh.
Qaado fiitamiinnada ama feero-kordhiye.
Dhiig halagugu shubo si loo daaweeyo dhiig baxa. Dhiiga waxaa laga qaataa xiddidada iyagoo ugu sii gudbaya xiddidada dhiiga
Qaado daawooyin kale sida daawooyinka ama qalniinka si loo daweeyo waxa sababaya dhiig.
.