Puntland Health Professionals Council

Puntland Health Professionals Council Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Puntland Health Professionals Council, Medical and health, Global Road, Garowe.

The goal of the PHPC to protect the public and promote their wellbeing by setting high standard of ethical conduct and provide quality education, training and professional competencies among all the registered professional personnel in Puntland.

 إنا لله وإنا إليه راجعونGuddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Dawladda Puntland  oo ku hadlaya dhamaan bahda Xirfadlayaash...
31/07/2022



إنا لله وإنا إليه راجعون
Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Dawladda Puntland oo ku hadlaya dhamaan bahda Xirfadlayaasha caafimaadka kala duwan ee Puntland waxay tacsi u dirayaan Qoyskii iyo Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtii, bahda Caafimaadka iyo Shacab weynaha reer Puntland Geeridii ku timid marxuum Masuulkii ugu sareeyey ahaana asaasihii Jaamacadda Culuumta Caafimaadka Boosaaso oo ku geeriyooday dalka Turkeyga.

Marxuumku wuxu ahaa dadka fara ku tiriska ah ee budhiga u ahaa waxbarashada Puntland gaar ahaan Caafimaad wuxuu ahaa barbaariye bulsho, macalin iyo waalid juhdi iyo dadaal badan ku bixiyey una soo dhabar adaygay wakhtiyo adag iyo duruufo kala duwan sidii loo heli lahaa adeeg bixiyayaal loo carbiyey barshada mihnadaha kala duwan ee culuunta caafinaadka.

Bahda caafimaadka oo isku duuban waxay marxuumka eebbe wayne uga baryaynaa in ILAAHAY Samir iyo imaaan kasiiyo dhamaan intii uu ka baxay. Mraxuumkana janadii ugu bishaareeyo.


Inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun


AMIIN.......AMIIN..... AMIIN..

Garowe, 27, Luulyo, 2022:- Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo xalay Garowe kaga qaybgalay Kulan iyo Tababar ...
27/07/2022

Garowe, 27, Luulyo, 2022:- Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo xalay Garowe kaga qaybgalay Kulan iyo Tababar loogu talagay kor u qaadida aqoonta iyo xirfadda agabka kala duwan ee loo isticmaalo baaritaanadda caafimaadka (Medical Imaging Technologies ) oo ay ka mid yihiin mashiinadda loo yaqaan Ultrasound, Xryas , CT-scan iyo MRI .

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka mid ah Guddiga Xirfadlayasha caafimaadka Puntland, Madaxda Wasaraadda Caafimaadka Puntland, Isuduwayaasha caafimaadka ee goboladda, xirfadlayaasha kala duwan ee caafimaadka.iyo Ururadda xirfadlayaasha Caafimaadka.

Tababarkan oo ay bixinayeen Dr Ahmed Jibriil Abdi oo ah khabiir ku xeel dheer aqabka loo isticmaalo baaritaanadda caafimaadka iyo cilad bixintooda ahna lataliye heer caalami ah fadhigiisuna yahay wadanka Denmark iyo Eng Omar Kassar oo ah Engineer ku takhasusay farsamada iyo cilad bixinta agabka caafimaadka kana mid ah madaxada shirkadda agabka caafimaadka ee Shirkadda LBN ee fadhigeedu yahay Wadanka Denmark iyo USA.

Dr Ahmed iyo Eng Omar ayaa aqoontooda iyo khibradooda uga faaidayey xirfadlayaashii kala duwanaa ee kulankaas kasoo qayb galay wxayna balan qaadeen inay sii wadi doonaan barnaajyada noocaan oo kale ah siina balaadhin doonaan mustaqbalka, si loo helo xirfadlayaal ku shaqayn kara agabka casriga ah ee loo adeegsado baaritaanadda kala duwan ee caafimaadka.

Ugu dambeytii kulanka waxa soo xidhay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Abdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa bogaadiyey qabanqaabiyaasha kulankan iyo tababarayasha bixinayey tababarkan kuna booriyey in la badiyo tababarada noocaan oo kale ah si loola jaan qaado agabka cusub ee loo isticmaalo caafimaadka ee dunida kusoo kordhaya.

GuddigaXirfadlayaasha Caafimaadka Puntland wuxu u taaganyahay hubinta iyo Hagidda Xirfadlaha caafimaadka iyo ilaalinta bedqabka Bulshada

DHAMMAAD-
Guddiga Xirafdlayasha Caafimaadka Puntland (GXCP)

Garowe, 18, Jan 2022 Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland Waxan maanta soo gebagebaynay  Tababar  mudo 2 beri ah ...
18/01/2022

Garowe, 18, Jan 2022 Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland

Waxan maanta soo gebagebaynay Tababar mudo 2 beri ah socdey oo ku saabsanaa shuruucaha iyo xeerarka umulisooyinka, oo ay si wada jir ah u wada qabteen ururka umulisoonyinka Puntland ( Puntland Association of Midwives -PAM ), Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland ( Puntland Health Professionals Council ) iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo kaashanaya Ururka Umulisooyinka Kanadda (Canadian Association of Midwives ) iyo Hay'adda UNFPA Somalia .

Wuxu ku soo dhmaaday tababarku si guul ah waxana laysla qaatay ilaalinta shuruucda xirfadda umulisanimadda si loo badbaadiyo loona yareeyo dhimashada Hooyo iyo Dhalaanka.

12, Dec, 2021 Guddiga xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland iyo Madaxda Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta kulan wada tash...
12/12/2021

12, Dec, 2021 Guddiga xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland iyo Madaxda Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta kulan wada tashi ah ku yeeshay Wasaaradda Caafimaadka.

Kulankan oo daarnaa sidii loo dardargelin lahaa diiwaangelinta xirfadlayaasha caafimaadka ka hawl gala deeganada Puntland, waxa kasoo qayb galay madaxda wasaarada oo ugu horeeya wasiirka wasiir ku xigeenka Agaasimaha Guud iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka. Waxa warbixin kooban ka bixiyey shaqadu meeshay marayso waxqabadkii Guddiga, caqabada haysta iyo qorshaha sanadka 2022 Gudoomiyaha GXCP Dr. Maxamed Cali Maslax.

Sidoo kale madaxda Wasaaradda caafimaadka oo hadalada isaga dambeeyey ayaa bogaadiyey shaqadda Guddiga dhankoodana balan qaaday inay si wada jir ah u socod siinayaan shaqadan muhiimka u ah bulshada inta laga helayo mihnadlayaad caafimaad oo diiwangashan xirfadooda iyo aqoontoodana la hubiyey si loo helo bulsho bedqabta

GuddigaXirfadlayaasha Caafimaadka Puntland wuxu u taaganyahay hubinta iyo Hagidda Xirfadlaha caafimaadka iyo ilaalinta bedqabka Bulshada

   (GXCP) waxay hambalyo u dirayaan dhamaan ardayda ka qalinjebisey Jaamacadda  (PSU).Si gaar ah waxan ugu hambayeynayna...
11/12/2021


(GXCP) waxay hambalyo u dirayaan dhamaan ardayda ka qalinjebisey Jaamacadda (PSU).

Si gaar ah waxan ugu hambayeynaynaa oo ahayd ardayadii ugu saraysay dhamaan ardaydii ka qalinjebisay kana mid ah shaqaalaha xafiiska GXCP. Waana markii 2aad ee shaqaalaha xafiiska GXCP ay kaalinta 1aad u galaan dhamaan qalinjebyasha Jaamacadda.

Guushu waxay u baahantahay dadaalka sida ….. Guulaysta.

17, Okt ,2021 Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland iyo Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland (Guddiga Arimaha Bulsh...
17/10/2021

17, Okt ,2021 Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland iyo Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland (Guddiga Arimaha Bulshalda) Ayaa kulan kuwada qaatay xarunta Golaha Wakiiladda.

Waxa warbixin kooban laga dhegeystay Guddiga Xirfadlayaasha caafimaadka Puntland iyo Hawla shaqo ee socda meeshay marayaan, caqabada jira iyo sidii loowaajihi lahaa.
Sidoo kale xubnaha Golaha wakiiladda gaar ahaan Guddiga arimaha bulshadda ayaa bogaadiyey shaqada adag oo muhiimka ah ay bulshada u hayaan Guddigu balan qaadayna inay ku garab istaagi doonaan kalana shaqaynayaan fulinteeda.

Ugu dambayn waxa laysla qaatay sidii loo dardargelinlahaa shaqadda Guddiga , lana sii wadi doono ilaa laga gaarayo xirfadle aqoontiisa lahubo bulshadana lagu aamini karo inuu u adeego, ayna waajib ku tahay dhamaan xirfadlayaasha caafimaadka in ay isdiiwaanheliyaan qaatana aqoonsiga mihnadoodda shaqo.

Guddigu wuxu u taaganyahay hubinta iyo Hagidda Xirfadlaha iyo ilaalinta bedqabka Bulshada

Sebt, 15, 2021  Waxa lagu wargelinayaa dhamaan Xirfadlayaasha Caafimaadka ee ka hawl-gala deegaanadda Puntland in ay isk...
15/09/2021

Sebt, 15, 2021

Waxa lagu wargelinayaa dhamaan Xirfadlayaasha Caafimaadka ee ka hawl-gala deegaanadda Puntland in ay iska diiwaangeliyaan mudda loo qabtay ay qaataana ruqsadda aqoonsiga xirfadooda caafimaad.

Waxa laga codsanayaa masuuliyiinta heer puntland iyo heer gobolka in ay Guddiga kala shaqayaan fulinta iyo socodsiinta shaqadda taas oo aasaas u ah bedqabka iyo badbaadinta bulshada.

  : 1-Understanding of Jonson & Jonson Covid19 Vaccine and other available vaccines  in PL.2. Side effects, Storage,  ha...
29/08/2021



:

1-Understanding of Jonson & Jonson Covid19 Vaccine and other available vaccines in PL.
2. Side effects, Storage, handling & Administration procedures of covid19 vaccines.
3-Demytifying myths/rumors about vaccines and role of health profesionals.

Time: Aug 30, 2021 09:00 AM Mogadishu

Presented by: Dr. Mohamed Aden Ali, MSc, MPH
(Lecturer at University of Washington & Founder of SHB )

  Waa Xurunta Keliya oo si dhamaystiran Shaqaaleheedu u qaateen Laysanka Caafimaadka tusaale ku dayasha mudana u noqon d...
10/07/2021


Waa Xurunta Keliya oo si dhamaystiran Shaqaaleheedu u qaateen Laysanka Caafimaadka tusaale ku dayasha mudana u noqon doonta shaqaalaha kashaqeeya xarumaha bixiya adeega Caafimaad.
iyo

Adeeg caafimaad oo tayo leh waa aqoonta u adeegaha bulshada oo la hubiyey lana siiyey aqoonsi xirfadeed.

Xafladii Gudoonsiinta Laysanka Caafimaadka iyo  Xirfadlayaashii buuxiyey shuruudihii ku shaqaynta xirfadda caafimaadka. ...
10/07/2021

Xafladii Gudoonsiinta Laysanka Caafimaadka iyo Xirfadlayaashii buuxiyey shuruudihii ku shaqaynta xirfadda caafimaadka.

09 July 2021

GXCP wuxu u taagan yahay hagida Xirfadlayaasha iyo ilaalinta bedqabka bulshadda

  (Launching Ceremony for Licensing Awards of Health Professionals).GXCP wuxu u taagan yahay   hagidda Xirfadlayaasha iy...
08/07/2021

(Launching Ceremony for Licensing Awards of Health Professionals).

GXCP wuxu u taagan yahay hagidda Xirfadlayaasha iyo ilaalinta bedqabka bulshada

09th, July, 2021 @ Martisoor main Hall.

Address

Global Road
Garowe
252

Telephone

+252906931554

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Health Professionals Council posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Puntland Health Professionals Council:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram