Fayo Care Hospital

Fayo Care Hospital Fayo Care Hospital is one of leading health centers in Galgadud Somalia.

👶 Baahi Caafimaad Carruur? Waxaanu Halkan u Joognaa Daryeelka Ilmahaaga! 🩺Waxaan si sharaf leh idiinku soo bandhigaynaa:...
14/04/2026

👶 Baahi Caafimaad Carruur? Waxaanu Halkan u Joognaa Daryeelka Ilmahaaga! 🩺
Waxaan si sharaf leh idiinku soo bandhigaynaa:
Dr Fuaad Mohamed (Dr Naama)
👨‍⚕️ Dhaqtarka Carruurta iyo Dhalaanka
🔹 Adeegyada aan bixino:
• OPD (Bukaan Socod)
• EMERGENCY (Gargaarka Degdegga ah)
• NICU (Daryeelka Dhalaanka Cusub)
🏥 Fayo Care Hospital
📍 Location: Gurceel – Bosnia Street
📞 Call Center: 2524
📱 WhatsApp: 0613570006
💙 Caafimaadka carruurtaadu waa mudnaanteena koowaad.
Nagala soo xiriir wakhti kasta si aad u hesho daryeel caafimaad oo tayo leh.

Bismilaah . 🦴🦴🦴🦴🦴🦴War bixintena manta waxay daarantahay dhacdo nin dhalin yaro ah masna banoni ku wax yeelobay⚽️⚽️Waxaan...
11/04/2026

Bismilaah . 🦴🦴🦴🦴🦴🦴

War bixintena manta waxay daarantahay dhacdo nin dhalin yaro ah masna banoni ku wax yeelobay⚽️⚽️

Waxaan idinla wadaageena bukaan Farah oo soo gaaray jab Lafta Shanshada ee midig, jabkaas o ah jab xiran ka dib dhaawac kaso gaarey Kubad cagta, mudo 30 cisho ka hor.

Daawaynta ugu horraysa waxaa lagu sameeyay rug caafimaad oo deegaanka ah oo leh kabno dhaqameed. Taasoo dib u dhigtay soo kabsashadiisa .

Waqti ka dib, bukaanku wuxuu dareemay inuusan lugta culeeska saari ka rib, khaloocna ku yimid iyo xanuun joogta ah .

Baaritaan dheer ka dib, waxaan usameenay khaliin bir iyo boolal, Dibna waxaan u saxney khaloocii jiray, Alhamdulilah Bukaan Farah dib ayuu ugu laabtay nolol maalmeedkiisii.

Fayo Care Hospital


Dr Abdul Lahi Dahir dhaqtarka qaliimada lafaha iyo seedaha 🦴🦴🦴🦴

Maalinta Caafimaadka Adduunka 7-da AbriilDhammaan Maamulka iyo hawlwadeenada Fayo care Hospital Maanta waxaan Xusayaan m...
07/04/2026

Maalinta Caafimaadka Adduunka 7-da Abriil

Dhammaan Maamulka iyo hawlwadeenada Fayo care Hospital Maanta waxaan Xusayaan muhiimadda Maalinta caafimaadka adduunka iyo daryeelka bulshada.

Fayo Care hospital wuxuu mar walba u taaganyahay:
• Daryeel tayo leh
• Naxariis iyo u heellanaanta Bukaanada
• Ka hortag & caafimaad joogto ah

Caafimaadkaaga waa mudnaanteena koowaad.
Aan si wadajir ah u dhisno bulsho caafimaad qabta.

Waxaa Fayo Care Hospital si joogto ah (24/7) diyaar kuugu ahDhakhtarka Lafaha & DhaawacyadaDr. Abdullahi Dahir OsmanKhab...
11/02/2026

Waxaa Fayo Care Hospital si joogto ah (24/7) diyaar kuugu ah
Dhakhtarka Lafaha & Dhaawacyada
Dr. Abdullahi Dahir Osman
Khabiir leh waayo-aragnimo ballaaran iyo daryeel tayo sare leh.

Adeegyada Caafimaad ee Lafaha:

Daaweynta xanuunnada ku dhaca lafaha iyo kala goysyada

Toosinta qalloocyada lugaha iyo gacmaha

Qalliimada jajabka lafaha

Daaweynta dhaawacyada ciyaartoyda

Qalliimada lafaha carruurta

Fiiro gaar ah, bukaanka waxaa loo sameeyaa qaliin casri ah oo aan jeexid lahayn, taas oo fududeysa bogsashada isla markaana yareysa xanuunka.

Haddii aad ka cabaneyso jab, qallooc ama dhaawac lafo la xiriira,
Fayo Care Hospital waa meesha saxda ah ee aad ka heli karto daaweyn ammaan ah, casri ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

Goobta: Guriceel & Dhuusamareeb
Nala soo xiriir Whatsapp: 61 8115655
ama Number gaaban: 2524

Fayo Care Hospital – Daryeel lagu kalsoonaan karo

Munaasabadda lagu daah-furaayo adeegyada cusub ee uu soo kordhiyay dhawaan  Isbitaalka Fayo Care kuwaas oo ka dhashay ta...
08/02/2026

Munaasabadda lagu daah-furaayo adeegyada cusub ee uu soo kordhiyay dhawaan Isbitaalka Fayo Care kuwaas oo ka dhashay talooyinkii iyo ballanqaadyadii ka soo baxay latashiyadii bulsho ee h**e loo qabtay.

Munaasabadda ayaa ka dhacday Hall-ka Beder 2 ee degmada Guriceel waxaana kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada.

Fayo Care hospital wuxuu mar walba u taaganyahay horumarinta caafimaadka bulshada iyo bixinta adeegyo lagu kalsoonaan karo.

04/02/2026

Qaybta ilkaha ee Fayo Care Hospital waxaa kuugu diyaar ah Dr Mushiir Salax qasim oo ku takhasusay xalinta dhibaato walba oo ku imaato ilkaha.

Tayo Iyo nadaafad ayaan la gaarnahay.
Soo booqo Fayo Care Hospital qaybta ilkaha.

Mudane / Marwo:Waxay noo tahay sharaf weyn in aad nagala soo qaybgasho munaasabadda lagu daah-furayo adeegyada cusub ee ...
03/02/2026

Mudane / Marwo:
Waxay noo tahay sharaf weyn in aad nagala soo qaybgasho munaasabadda lagu daah-furayo adeegyada cusub ee uu dhawaan soo kordhiyay Isbitaalka Fayo Care, kuwaas oo ka dhashay talooyinkii iyo ballanqaadyadii ka soo baxay latashiyadii bulsho ee h**e loo qabtay.

Maamulka iyo dhakhaatiirta Fayo Care Hospital waxay si weyn ugu faraxsan yihiin una mahadcelinayaan Isbitaalka Kalkaal e...
19/01/2026

Maamulka iyo dhakhaatiirta Fayo Care Hospital waxay si weyn ugu faraxsan yihiin una mahadcelinayaan Isbitaalka Kalkaal ee Muqdisho wada shaqaynta miro-dhalka ah ee Dhex martay, taas oo si toos ah uga faa’iideysteen bulshada magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Taariikhdu markay ahayd 15-ka January 2026, dhakhaatiir khubaro ah oo ka socota Isbitaalka Kalkaal ayaa si rasmi ah u yimid, kana bilaabay howlahooda caafimaad Fayo Care Hospital faracyadeeda Guriceel iyo Dhuusamareeb, iyaga oo bulshada u keenay adeegyo caafimaad oo takhasus leh, tayo sare leh, kuna saleysan kalsooni iyo khibrad.

Wada shaqayntani waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo daryeelka caafimaadka, laguna gaarsiinayo adeegyo heer sare ah bulshada ku nool gobolladan.

Waxaan rajaynaynaa in iskaashigani sii socdo, kana dhasho horumar caafimaad oo waara.

Fayo Care Hospital waxay mar walba ka go’an tahay in ay bulshada siiso daryeel caafimaad oo lagu kalsoonaan karo, kuna shaqeysa wada shaqayn iyo hufnaan.
La xiriir Fayo Care Hospital:
Guriceel: 0613570007 / 0613570006
Dhuusamareeb: 0619222440 / 0619222441
Lambarka gaaban: #2524

17/01/2026

Muuqaal: Dhakhaatiirta khubarada ah ee ka socota Isbitaalka Kalkaal ee Muqdisho ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay Fayo Care Hospital – Faraca Guriceel, iyaga oo si rasmi ah u bilaabay howlahooda caafimaad una adeegaya bulshada Guriceel iyo deegaannada ku xeeran.
Dhakhaatiirta ayaa kala ah:

👨‍⚕️ Dr. Mohamed Farah Xidig – dhaqtarka cudurrada neerfaha iyo maskaxda.

👨‍⚕️ Dr. Salah Hassan Ibrahim – dhaqtarka maqaarka, timaha iyo ciddiyaha.

👨‍⚕️ Dr. Abdirahman Xaashi Salaad – dhaqtarka qalliimada guud.

Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo looguna soo dhaweeyey adeegyada caafimaad ee ka jira magaalada Guriceel, si bulshada ay u helaan daryeel caafimaad oo takhasus leh, tayo sare leh, kuna dhow bulshadooda.


Dhakhaatiirta khubarada ah ee ka socota Isbitaalka Kalkaal ee Muqdisho ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay Fayo C...
17/01/2026

Dhakhaatiirta khubarada ah ee ka socota Isbitaalka Kalkaal ee Muqdisho ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay Fayo Care Hospital – Faraca Guriceel, iyaga oo si rasmi ah u bilaabay howlahooda caafimaad una adeegaya bulshada Guriceel iyo deegaannada ku xeeran.
Dhakhaatiirta ayaa kala ah:

👨‍⚕️ Dr. Mohamed Farah Xidig – Khabiir cudurrada neerfaha iyo maskaxda.

👨‍⚕️ Dr. Salah Hassan Ibrahim – Khabiir maqaarka, timaha iyo ciddiyaha.

👨‍⚕️ Dr. Abdirahman Xaashi Salaad – Khabiir qalliimada guud.

Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaad ee ka jira magaalada Guriceel, si bulshada ay u helaan daryeel caafimaad oo takhasus leh, tayo sare leh, kuna dhow bulshadooda.
Fayo Care Hospital waxay mar walba ka go’an tahay horumarinta caafimaadka bulshada iyo bixinta adeegyo lagu kalsoonaan karo.

11/10/2025

So dhawada walalyal

Address

Guri Ceel

Telephone

+252613570007

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fayo Care Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Fayo Care Hospital:

Share

Category