Hayir Polyclinic

  • Home
  • Hayir Polyclinic

Hayir Polyclinic Improving the health and well-being of communities by proving best patient care in an atmosphere of professionalism.

Hepatitis B (Joonis cad) waa cudur ku dhaca beerka oo ay keento fayraska Hepatitis B Virus (HBV). Wuxuu si sahlan ugu fa...
21/06/2025

Hepatitis B (Joonis cad) waa cudur ku dhaca beerka oo ay keento fayraska Hepatitis B Virus (HBV). Wuxuu si sahlan ugu faafaa bulshada dhexdeeda iyadoo uu ku gudbayo qaabab kala duwan sida dhiigga, dareerayaasha jirka sida shahwada, dhididka, hooyada uurka leh oo u gudbisa uurjiifka ama isticmaalka irbadaha iyo waxyaalaha wax jara (sharp object) oo la wadaago. Cudurkan wuxuu keeni karaa dhibaatooyin halis ah sida beerka oo dhaawacma, kansarka beerka, iyo dhimasho.

Tallaalka Hepatitis B waa habka ugu wax ku oolsan ee looga hortago fayraska. Waa tallaal ammaan ah oo wax ku ool ah, laguna bilaabo carruurtu marka ay dhashaan. Qaadashada tallaalka waxay si weyn u yaraysaa faafitaanka cudurka waxayna ilaalisaa bulshada inteeda kale. Waa muhiim in qof walba, gaar ahaan kuwa halista ugu jira, sida shaqaalaha caafimaadka iyo dadka qaba cudurrada daciifiya difaaca jirka, ay helaan tallaalka si loo yareeyo khatarta faafitaanka.

Haddaba Talaalka joonis cadka waxaad ka helaysaa goobteena Hayir Clinic weliba qiimme macquula.

Keep in touch via WhatsApp 63 4825242

๐Œ๐„๐‹๐€๐“๐Ž๐๐ˆ๐Waxay kaa caawinaysaa inay ku hagaajiso kuna saxdo hurdo laโ€™aanta gaar ahaan sixintaanka wareega hurdada habeen...
23/01/2025

๐Œ๐„๐‹๐€๐“๐Ž๐๐ˆ๐

Waxay kaa caawinaysaa inay ku hagaajiso kuna saxdo hurdo laโ€™aanta gaar ahaan sixintaanka wareega hurdada habeenkii iyo arroortii.

๐•๐ข๐ญ๐š๐ฆ๐ข๐ง ๐ƒ๐Ÿ‘ ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ๐ŸŽ๐ฎ๐ฆ

Waxay taageertaa aragga indhaha, xoojinta lafaha iyo shaqada maskaxda.

๐Ž๐ฆ๐ž๐ ๐š ๐Ÿ‘ ๐Ÿ๐ข๐ฌ๐ก ๐จ๐ข๐ฅ

Waxay kaa taageeryasaa kobcinta xasuusta maskaxda, kobcinta shaqada wadnaha iyo badinta shahwadda Ragga.

๐‡๐š๐ฒ๐ข๐ซ ๐‚๐ฅ๐ข๐ง๐ข๐œ waxaa diyaar kugu ah dhamaan Selectrum supplements Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xidhiidh

Product by Dauus Health

Warbixin kooban oo ku saabsan Xumada (Dengue fever)Dengue (xummadda) waa caabuq fayras ah kaas oo ay gudbiso kaneecada u...
14/11/2023

Warbixin kooban oo ku saabsan Xumada (Dengue fever)

Dengue (xummadda) waa caabuq fayras ah kaas oo ay gudbiso kaneecada una gudbisa dadka. Waxay aad ugu badan tahay cimilada kulaylaha ee dhulalka ku hareeraysan dhulbadhaha.

Inta badan dadka uu ku dhaco dengue Waxay yeeshaan calaamadahan ugu caansan oo ah qandho badan, madax-xanuun, jidh xanuun, lallabbo iyo finan yaryar. Dadka qaarkood waxaa ku dhaca (dengue fever) daran waxayna u baahdaan daryeel Cisbitaal.

Waxaad hoos u dhigi kartaa halista dengue adiga oo iska ilaalinaya qaniinyada kaneecada gaar ahaan waqtiga maalintii.

Astaamaha

Inta badan dadka qaba dengue waxay leeyihiin calaamado fudud ama ma laha wax calaamado ah waxayna kaga kabsan karaan muddo 1-2 toddobaad gudahood. Marar dhif ah, dengue wuxuu noqon karaa mid daran wuxuuna keeni karaa dhimasho.

Calaamadaha Waxaa ka mid noqon kara:

Xumad sare (40ยฐC/104ยฐF)
Madax xanuun daran
Xanuun indhaha gudahooda ah
Muruqyo iyo kalagoysyo xanuun
Yalaalugo ama Lalabo
Matag
qanjidhada oo barara.
Finan yaryar

Shakhsiyaadka uu ku dhacay mar labaad waxay halis weyn ugu jiraan dengue daran.

Calaamadaha dengue ee daran waxay badanaa yimaadaan ka dib marka ay qandhadu tagto (Jabto):

Calool xanuun daran
Matag joogto ah
Neefsashada oo adkaata
cirridka ama sanka oo dhiig sameeya
daal
degenaansho la'aan
dhiig matag ama saxaro soo raaca
harraad daran
maqaarka oo isbedela

Daaweyntiisa

Inta badan kiisaska qandhada dengue waxaa lagu daweyn karaa guriga iyadoo la isticmaalayo Xanuun baabiye. Ka hortagga qaniinyada kaneecada ayaa ah habka ugu wanaagsan ee looga fogaado in uu ku dhaco cudurka Dengue.

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay dengue. Waxaa xooga la saarayaa daaweynta calaamadaha xanuunka.

Acetaminophen (paracetamol) ayaa badanaa loo isticmaalaa si loo xakameeyo xanuunka. Daawooyinka sida ibuprofen iyo aspirin lama ogola in bulaanka dengue la siiyo sababtoo ah waxay kordhin karaan halista dhiigbaxa.
Copyright: https://www.who.int/news-room/fact-sheets/detail/dengue-and-severe-dengue

Ramadan Mubarak
23/03/2023

Ramadan Mubarak

20/03/2023

Widal test Examination

โ€œQuality medicine and efficient serviceโ€                            ๐ŸŒŽ๐ŸŒŽAddress: Near IbnuQayim School, IshaBorama Branch ...
15/03/2023

โ€œQuality medicine and efficient serviceโ€
๐ŸŒŽ๐ŸŒŽ
Address: Near IbnuQayim School, IshaBorama Branch 1
Near MCH Abdi Iidaan Qandahaar Branch 2
Hargeisa somaliland.

Come and visit us.

Come and visit us.
21/11/2022

Come and visit us.

16/10/2022

Carruurta waxaa qanjaha laga jari karaa keliya marka ay daโ€™doodu tahay 4 jir iyo ka weyn, qanja xanuunkuna/caabuqu uu ku soo noqnoqdo ugu yaraan 5 illaa 6 jeer sannadkii. Waayo qanjuhu waxa ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin koritaanka ilmaha ee inta uu ka yaryahay 4 jirka iyo koboca uu samaynayo habdhiska difaaciisu.

Sidaas waxaa caddeeyey, guddida xidhiidhka dhakhaatiirka Sanka, Dhegaha iyo Dhuunta (ENT) ee dalka Jarmalka.

Dhinaca kalana waxa ay sheegeen in qanja xanuunka soo noqnoqdaa uu abuuro xaalad u nuglaanshiyo bakteeriyada iyo jeermiga ah, taasina ay keeni karto in xanuunku u gudbo xubnaha kale ee jidhka. Waxa aanay sababi kartaa kelyo xanuun iyo caabuq ku dhaca Haniyeyaasha Wadnaha (Halbawlayaasha dhiigga ku haba Wadnaha).

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu ku taliyeen, ilmaha laga jaro qanjaha in muddo 14 maalmood ah laga ilaaliyo cuntooyinka iyo cabbitaannada sababi kara dhiig baxa, sida shaglaydhka (Jokolayt), roodhida ama khubuska adag, iyo sharaabbada soodhaha leh.

Aljazeera / Turj: Kamaal Marjaan

๐—–๐—จ๐—ก๐—ง๐—ข๐—ข๐—ฌ๐—œ๐—ก๐—ž๐—” ๐—จ ๐—ช๐—”๐—ก๐—”๐—”๐—š๐—ฆ๐—”๐—ก ๐—›๐—ข๐—ข๐—ฌ๐—”๐——๐—” ๐—จ๐—จ๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—Ÿ๐—˜๐—›. ๐ŸŒฝ๐Ÿ ๐Ÿฅ‘๐ŸฅฌInaad ilaalisaa waxad cunayso markaad uurka leedahay waa muhiim.Markaad u...
02/11/2021

๐—–๐—จ๐—ก๐—ง๐—ข๐—ข๐—ฌ๐—œ๐—ก๐—ž๐—” ๐—จ ๐—ช๐—”๐—ก๐—”๐—”๐—š๐—ฆ๐—”๐—ก ๐—›๐—ข๐—ข๐—ฌ๐—”๐——๐—” ๐—จ๐—จ๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—Ÿ๐—˜๐—›. ๐ŸŒฝ๐Ÿ ๐Ÿฅ‘๐Ÿฅฌ

Inaad ilaalisaa waxad cunayso markaad uurka leedahay waa muhiim.
Markaad uur leedahay jirkaaga wuxuu u baahan yahay nafaqooyin badan, fitimiino iyo macdan.

Lix da bilood ee ugu danbaysa waxaad u baahan tahay in aad cunto in kabadan intaad cuni jirtay, maxa yeelay ilmaha ayaa kula qaybsanaya wixii nafaqa ah.

Hadii ay kugu yartahay nafaqada aad cunayso, waxay wax u dhimaysaa ilmahaaga dhalan doona.
10 kaan cuntooyin waa cuntooyin la rabo in ay hooyada uur ka leh cunto si ilmaheeda iyo ayada ay u helaan nafaqo buuxda.

1-Waxyaabaha caanaha laga sameeyo :

Caanaha iyo wixii laga sameeyo waxay siinayan hooyada iyo ilmaheeda caloosha ku jiro protein iyo calcium ( barootiin iyo kalsiyoom). Labadaasba waxay muhiim u yihiin hooyada iyo ilmaha caloosha ku koraya.
Caanaha iyo wixii laga sameeyaba waxaa ka mid ah, cheese ka ( JIIS) iyo Yogurt ( Caanaha la fadhiisiyay). Waxaa laga helaa 2 nooc oo protein ah โ€œcaseinโ€ iyo โ€œwheyโ€ ku wa loo yaqaan, kuwas oo aad ugu muhiimsan ilmaha iyo koritaan kiisa.
2- Digirta Iyo Misirta ( Legumes) :๐ŸŒฝ๐ŸŒฝ

Cuntooyinkaan waxaa ka buuxo โ€“ fiber, protein, iron, folate (B9) and calcium โ€” kuligood waxay muhiim u yihiin hooyda iyo ilmaha caloosha ku koraya.

Folate (B9) wuxuu ka mid yahay fatamiinada (B) ga, aad ayuuna muhiim u yahay siiba 3 bilood ee ugu horeeya uurka.
Balse, hooyooyika badankood wuu ku yaryahay Folate(B9). Waxaa lagu sheegay hooyaduu ku yaryahay in tuubada cuntada siisa ilmaha aysan si fiican u abuurmin iyo ilmaha ku dhashay hooyaday ku yartahayna uu infakshan ka ku dhaco, ilmahaas uu u badnaado markuu korayo ilma jiro badan.

Cunitaanka digir ta kala duwan waxay ku siinaysaa oo kale- fiber, iron badan , magnesium iyo potassium. In taasoo muhiim u ah adiga iyo ilmaha caloosha ku jira.

3- Baradhada Macaan: ๐Ÿ ๐Ÿ 

Baradhada macaan waxaa aad uga buuxa waxa loo yaqaan -beta-carotene- taasoo vitamin A isku badasho kadib markii aad cunto.

Vitamin A wuxuu muhiim u yahay koritaanka unuga ( Cell) iyo waxa unuga ku wareegsan. Ilmaha caloosha ku jiraa wuxuu u baahanyaha in unugyadiisu ay koraan si uu u koro.
Balse, Vitamin A ga ka imaada xayawaanka in hooyada uurka leh aysan isku badin ayaa lagu waaniyaa kaasoo sun isku badala hadii aad la iskugu badiyo.

4- Kaluunka loo yaqaan Salmon: ๐Ÿฆˆ๐Ÿฆˆ

Salmon ka waxaa aad ugu badan waxyaabaha daruuriga ah ee loo yaqaan- ( amiga 3 fatii asids) -omega-3 fatty acids.
Omega-3 fatty acids waxay muhiim u tahay koritaan ka indhaha iyo maskaxda ilmaha ku jira caloosha.
Waxaa lagu waaniyaa hooyada in ay 2-3 jeer isbuucii cunto kaluun, hadii ay hesho salmon na kaba fiican. Balse, maadama laga helay cadanta qalinka Jilicsan, bir, ( Mercury) jirka kaluunka hadii hooyada ay isku badisaa markii ay uurka leedahay waxuu dhibaato u geeystaa ilmaha koraya. Saas darteed 2-3 jeer isbuucii inaysan cunin ayaa lagu waaniyaa.
Waxaa kaloo Salmon ka siiyaa hooyada Vitamin D, kasoo muhiim u ah ayada iyo ilmaha koraya.

-4 Ukunta/Beedka sida wacan loo bisleeyay: ๐Ÿฅš๐Ÿฅš

Ukunta waa midii ugu fiicaneed nafaqo la cuno maxaa yeelay waxa ku jiro waxyaala badan oo cuntooyin badan laga helo.
Ukunta waxay qeebwayn ka qadataa koritaan ka dhan ee jirka hooyada iyo ilmaheeda waana cuntada ugu sahlan in la kariyo lana helo.

5- Khudaarta cagaaran:๐Ÿฅฌ๐Ÿฅ’

Khudaarta cagaaran sida isbinaajka ( Spinach) iyo broccoli da waxaa ka buuxa nafaqooyinka hooyada iyo ilmaheeda ay u baahan yihiin.
Kuwaasooy ka mid yihiin โ€“ fiber, vitamin C, vitamin K, vitamin A, calcium, iron, folate and potassium. Cunitaanka khudaartan waxay ka caa wisaa hooyada in ay si sahlan u saxarooto.

6- Hilib baruurta ku yartahay: ๐Ÿฅฉ๐Ÿฅฉ

Hilib ka waxa laga helaa protein badan, B vitamins iyo macdan badan uu jirka hooyada iyo ilmaha u baahan yihiin
Waxa kaloo aad ugu buuxa hilibka Iron, kasoo muhiim u ah unugyada jirka in ay helaan oxygen . Hooyada uurka leh aad ayay ugu baahan tahay Iron maxaa yeelay dhiigeeda jirka wuu bataa markay uurka leedahay.
Si uu Iron ka jirka si ficiin u qaato, waxaa lala qaataa cuntooyin ka Vitamin C ga uu ku badan yahay sida liin bambeelmada ( Oranges). Vitamin C ga wuxuu caawiyaa Iron ka inuu jirka si sahalan u isticmaalo Iron ka.

7-Midhaha : ๐Ÿ‰๐ŸŒ๐ŸŽ
Miraha sida Tufaaxa, Qaraha, Canabka iyo wixii la mid ah, waa muhiim inay hooyada cunto maxa yeelay waxaa laga helaa > biyo, fiber, vitamins iyo antioxidants.
Waxaa aad ugu badan Vitamin C ga kasoo aad muhiim ugu ah caafimaadka maqaarka iyo difaaca jirka.

8- Hadhuudhka oo dhan:๐Ÿฒ๐Ÿฒ

Hadhuudhku waa muhiim in lacunaa, siiba hooyada uurka leh. Waxaa laga helaa > B vitamins, fiber iyo magnesium. Waxaa kaluu Hadhuudhka u sahlaa hooyada dhinaca saxarada in ay u sahlanaato.

9- Avocados:๐Ÿฅ‘๐Ÿฅ‘

Avocados waa miro aad u muhiimsan cunidooda siiba hooyada uurka leh.
Waxaa laga helaa dufanka loo yaqaan Monounsaturated fats, ku waasoo aad u caafimaad ah dadka siiba hooyada uurka leh. Waxaa kaloo leh Dufankaas Olive oil, iyo nuts sida looska.
Sidoo kale waxaa ka buuxa Avocados ka โ€“ fiber, B vitamins (siiba folate), vitamin K, potassium, copper, vitamin E iyo vitamin C.

10- Biyo:๐Ÿ’ฆ๐Ÿ’ง

Hooyada markay uurka leedahay waa muhiim inay biyo cabitaankeeda la socotaa, maxaa yeelay dhiigeed wuxuu kordhaa 1.5 liters am 50 ounces markay uurka leedahay.
Ilmaha caloosha ku jiro wuxuu u baahan yahay oo dhan hooyaduu ka qaataa, marka waxa dareemaya daal iyo oon waa hooyada.
Ado biyaha kugu yar yihiin waxaad ku garan adoo dareema daal badan, madax xanuun iyo adoo xanaaq badan dareema.
Waxaa lagu waaniyaa hooyada in ay cabto 2 liter oo biya ah maalintii, balse dadku way kala duwan yihiin. cab biyaha markii oon ku qabto ilaa aad si fiican u dareento biyaha calooshhada galay.

Ugu Danbeeyntii
Waxaad cunto markaad uurka leedahay waxay saamaynaysaa adiga iyo ilmahaaga caloosha ku jiro. Hadii aad cunto dheeli tiran cunto waxaad dareemaysaa quwad iyo caafimaad.

Ma aha inaad ka walwashaa in aad buurato markaad uurka leedahay. Waa caadi waana loo baahan yahay inuu culays yar ku koraa si ilmahaga iyo adigaba aad u dareentaan in aad hesheen nafaqo indinku filan.
Tani ha kuu ahaato meeshaad ka bilaabi lahayd safar kaagii uurka ee caafimaadka badnaa. Ilahayna hakuu fududeeyo.
W/Q: somali super moms

Adeeg Gaar ah: Macmiil waxaanu kugu bushaaraynaynaa inaan ku diyaarinay talaalka Joonis cadka ama Cagaarshowga (HBV) adi...
06/10/2021

Adeeg Gaar ah:

Macmiil waxaanu kugu bushaaraynaynaa inaan ku diyaarinay talaalka Joonis cadka ama Cagaarshowga (HBV) adiga oo qaadanaya Muddo Kooban. Saddex bilood oo xidhiidh ah.

FG. Waxaanu ku samaynay Qiimme dhimis balaadhan

Come and visit us. Thank you.

Address

Isha-Borama

NEARIBNUQAYIMPRIMARYSCHOOL

Opening Hours

Monday 07:15 - 23:00
Tuesday 07:15 - 23:00
Wednesday 07:15 - 23:00
Thursday 07:15 - 23:00
Friday 08:00 - 23:30
Saturday 07:00 - 23:00
Sunday 07:00 - 23:00

Telephone

+252634825242

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hayir Polyclinic posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Hayir Polyclinic:

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Pharmaceutical and Diagnostic Center

It is easy to get a thousand prescriptions, but hard to get one single remedy. ...