Drs zainab

Drs zainab Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Drs zainab, Medical and health, Hargeisa.

Sida ugu fiican ee loo xakameeyaa Xiiqda (Asthma)⭕Waa maxay xiiqdu?✔️Xiiqdu waa xanuun mudo dheer oo kudhaca sambabka iy...
16/06/2022

Sida ugu fiican ee loo xakameeyaa Xiiqda (Asthma)

⭕Waa maxay xiiqdu?

✔️Xiiqdu waa xanuun mudo dheer oo kudhaca sambabka iyo dhuumaha hawada ee sambabka, kaasoo sababa in dhuumaha hawadu isku ururo ama yaraado iyadoo ay keentay in hafeef ama halaamacood ku dhacay dhuumaha kadib barar yimaado sidoo kalena inta muruqa ah ee dhuuntu uu isku ururo waxa intaa dheer in la so saaro xaako adag oo is jiidanaysana intaa arimood oo iskaashaday baa keena in qofka naqasku ku dhago oo uu neefsan kari waayo oo hawo qaadan kari waayo.

⭕Calaamadaha iyo sumadaha xiiqda waxa kamid ah:-

✔️Qufac badanaa habeenkii iyo qaboobaha
Hindhiso
Laabta oo qofku cidhiidhi kadaremo
Naqaska oo dhiba ama ku adkaada ama neef qabatow.

⭕Maxaa kiciya Xiiqda?

Xayaasiyada waxyaabaha kiciya sida ugxansidaha dhirta, dhaska iyo boodhka, dhogorta xayawaanka qaar, cayayaanka qaarkii.

Waxyaabaha lagu caaroodo ama hindhisada keena sida

✔️Sigaarkaa

✔️Cadarada qaar

✔️Dikhawga hawada sida qiiqa

✔️llergens such as mold, pollen, animal dander, dust-mites and cockroaches.

⭕Sidee loo ogaadaa in qofka xiiqi hayso?

Qofka yeesha calaamadaha xiiqdu waa inuu la kulmo dhakhtar kaasoo laga yaabo inuu baadhitaano sameeyo si loo ogaado inay xiiqi jirto,

⭕Waxyaabaha ina tusiya in xiiqi jirto;-

Qofka oo marka uu lakulmo waxyaabaha kiciya xiiqda uu naqasku qabto, oo qufac yeesho, hindhiso iyo naqaska oo qabta.

✔️Qofka oo qoyskiisu hide u leeyahay xiiqda

⭕Shay baadhada loo diri karo waxa kamid ah:-

✔️Shaybaadh dhiiga iyo sawirka laabta si meesha looga saaro in oof ama wax la mid ihi jiraan.

✔️In la cabiro isbadalka neeftuurka ilbidhikhsiga koowaad marka dawada xiiqda la isticmaalo ( isbadalka NTIK)

✔️Waxa jira mararka dawooyin qofka la siiyo si loo hubiyo in xiiqi hayso iyo inkale.

⭕Sidee loo daweeyaa xiiqda?

Hadii qofku uu leeyahay xiiq oo laga helo dawo ayuu dhakhtarku u qori doonaa waxaana kamid ah dawooyinka loo qaato xiiqda;-

✔️Dawooyinka mudada kooban sheqeeya ee calaamadaha ka bi’iya qofka dawada ugu fiicanina waa dawada la isku buufiyo ee naqaska ah taasoo ah ta ugu wanaagsan ee qofka ka bi’inkarta calaamadaha, oo dadka qaar ay marmar isticmaalaan marka ay ku kacdo xiiqdu inta kalena aanu u baahan.

✔️Waxa jira kiniino iyagana marmar la qaadan karo ama mudo dheer

✔️Waxa iyana aad ugu muhiimsan dawada xiiqda in qofku waxyaabaha kukiciya xiiqda uu iska ilaaliyo ama ka fogaado.

⭕Fariinta ugu muhiimsan ee maqaalkani waa in dadka soomaalida ah badan koodu hadii ay xiiq yeeshaan ay u yaqaanaan in dawada la isku buufiyo ee naqaska ihi ay tahay mid aan fiicnayn eel ala qabsado ama aan marka h**e loo baahnayn in la isticmaalo, taasina sax maaha lakiin waa dawada 1aad ee udub dhexaadka u ah dawaynta xiiqda.

By Drs zainab.

13/06/2022
13/06/2022

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Drs zainab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share