09/04/2022
........Fiitamiin B12: ..
Calaamadaha sheegaya in Fiitamiinka B12 ku yar yahay jidhka. (Vitamin B12 deficiency)
Fiitamiin B12 waa fiitamiinada muhiimka u ah jidhka ee qabta shaqooyin kala duwan. Waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa samaynta unugyada dhiiga cas, waxa uu ka qayb qaataa habka ay u shaqeeyaan neerfuhu, iyo soo saarista iyo shaqada unugyada xambaarsan macluumaadka hidda sidaha (DNA).
Inkasta oo fiitamiinkan laga helo cuntooyin badan, hadana hadii ay aad qaadan waydo cuntooyinkan laga helo fiitamiinka B12 inta la rabo, waxa uu qof ku halis u yahay inuu yeesho calaamadaha sheegaysa inuu fiitamiinkan ka dhiman yahay jidhkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, dadka isticmaala khudaarta kaliya ee aan cunin hilibka ayaa aad halis ugu ah inuu ku yaraado fiitamiin B12. Dadka waaweyn ee da’da ah hadii uu ku dhaco xanuunada habdhiska dheefshiidka ee yareeya in Fiitamiin B12 laga nuugo xiidmaha isla markaana dhiigu gaadhsiiyo jidhka intiisa kale, waxay iyaguna halis ugu yihiin in Fiitamiin B12 ku yaraado.
Nasiib daro, marar badan dadku iyaga oo leh calaamadaha fiitamiin B12 ayaa hadana iska indha tiraan maadaama calaamadaha xanuuno kale la wadaagi karaan oo qofku kuwaa kale ku mashquulo inuu iska baadho kolba.
Haddaba Calaamadaha uu yeesho qofka uu ka yar yahay Fiitamiin B12 waxa ka mid ah:
1. Daal fara badan (Fatigue): Hadii Fiitamiin B12 ku yar yahay jidhkaaga, waxa ugu h**eeya ee qofku dareemaa waa Daal fara badan iyo wahsi
Unugyada jidhkaagu waxay u baahan yihiin fiitamiinB12 si ay si sax ah ugu shaqeeyaan, hadii uu ku yaraado Fiitamin B12 waxa hoos u dhacaya soo saarka unugyada dhiiga cas taasi oo wiiqaysa ogsijiinta ay jidhka intiisa kale gaadhsiiyaan. Taasina keento Daalka faraha badan.
2. Maqaarka dusha oo noqda cawlaan qalayl ah (Pale skin)
3. Madax xanuun Saa’id ah: Fiitamiin B12 wuxuu ka qaybtaa shaqada neerfaha iyo dareenwadayaasha
Madax xanuunku wuxu ka mid yahay calaamadaha ugu badan ee ay yeeshaan dadka waawayn iyo caruurtuba marka uu ka dhiman yahay fiitamiin B12. Cilmi baadhisyo la sameeyay ayaa sheegaysa in madax xanuunka nooca loo yaqaano dhanjafka (Migraine), uu badankiisa la xidhiidho fiitamiin B12 oo aad yaraata.
4. Calaamadaha Qulubka ama walwalka joogtada ah (Depressive symptoms)
Yaraanshaha Fiitamiin B12 waxa uu saamayn ku yeeshaa maskaxda, waxana uu halis ugu jiraa qofku inuu qulub ama wal wal joogta (depression). Marka uu jidhka ku yaraado Fiitamiinkan B12, waxa kor u kaca amino asiidh (amino acid) ka kooban salfar (sulfur) oo loo yaqaan homocysteine. Taasi oo lala xdhiidhiyo inay keento walwalka joogtada ah ama qulubka (Depression), dhaawacna u gaysata unugyada xambaara hidasidaha (DNA).
5. Calaamadaha Habdhiska dheefshiidka: Fiitamiinka marka uu yaraado qofku wuxuu yeelan karaa calaamadaha yalaalugo (lalabo), dibiro joogta ah, iyo marmarka qaarkood shuban iyo calool istaag is badbadalaya. Calaamadan caruurta iyo dadka waawayn way yeelan karaan labaduba.
6. Maskaxda qofka oo aan si fiican u shaqayn iyo fahanka qofka oo hoos u dhaca ( Difficulty concentrating and mental impairment) : Qofka oo hawl shaqo haya ayaa waxa uu joojinayaa shaqadii uuna ilaawayaa wixii uu qabanayay ama qofka oo hadal dhagaysanaya ayuu hadana waxa laga hadlayaba aanu la socon oo wax ka dhiman fahankii iyo xasuusta oo ku yaraanaysa.
Calaamadani waxay ku badan tahay dadka waawayn ee uu aadka u hooseeyo fiitamiin B12 oo yeesha ilawshiyo fara badan.
7. Xanuun iyo barar afka iyo carrabka ah (Glossitis) : Qofku wuxuu yeeshaa Barrar iyo casaan ama guduud carrabka ah oo xanuun badan, mararka qaarkoodna nabaro afka ku yeesha.
8. Qofka oo dareema olol ama kulayl cagaha ah ama baacabooyinka oo kulayl badan ka dareemo. Waxa uu qofku dareemaa in cagta hoose sida irbad lagaga lagaga mudayo ama lagaga durayo oo kale iyo Kabuubyo. Calaamadahan oo kale waxa dareema dadka xanuunka macaanka (sonkorowga) qabay muddo dheer. Dadka Xanuunka macaanka u qaata dawada Metformin, inay iska qaataan Fitamin B12.
9. Calaamadaha kale ee uu yeesho qofka uu ka yar yahay Fiitamiin B12 waxa ka mid ah.. Murqo xanuun, dawakhaad, ama dheelitirka socodka oo aan caadi ahayn (ataxia), Hamadda dareenka jinsiga oo yarraata iyo arraga indhaha oo daciifa.
Cuntooyinka laga helo Fiitamiin B12: Hilibka lo’da, kalluunka (malayga) nooca Tunna, Salmon, Diggaaga (doorada), Caanaha dufanku ku yar yahay, iyo Beedka ama ukunta.
Hadii aad dareento calaamadaha kor ku xusan waxa haboon inaad dhakhtar la xidhiidho oo uu baadhintaanka ku haboon kuu sameeyo si loo daweeyo fiitamiinka B12 hadii uu jidhka ku yar yahay.
MERCY MEDICAL CENTER.