01/01/2023
Sanad wanaagsan dhamaantiin dadka aanu halkan aaxaabta ka nahayow.
Allah sanadkan sanadkiisa ha inagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo nimco iyo barwaaqo.
Allah waxaynu u waydiinaynaa inta xanuunsan in Allah SWC ka dulqaado xanuunka, cudurkana caafimaad ugu badalo, inta howlo aduunyo ka cabanaysa Allah howlaha ha u sakhiro khayrna ha ugu dhameeyo.
Waxaan jeclaystay inaan halkan idinkula wada wadaago todoba qodob oo aan idhi naftayda iyo ta dadka kalaba faaiido caafimaad ayey u tahay markaa Allah ha inaga yeelo kuwii ka faaiidaysta, dadaalna ku bixiya.
Bilowga sanad wal oo cusubi waa fursad Allah ku siiyey oo aad dheertahay in badan oo maanta aan nasiib u helin inay noolaadaan sanadkan. Waana wakhti aad u wayn oo dhamanteen aynu rajaynayno isbadalo nonoleed oo badan, waana waxa wakhti aynu samayn karno isbadalo dhab ah oo aynu wax badan aynu wax kaga badali karo, caadooyin badan oo aan caafimaadkeena u fiicnayna aynu ku badali larno caadooyin caafimaadkeena u fiican, waa wakhtigii aynu bilaabi lahayn inaynu caafimaadkeena kor u qaadi lahayn, wanaagintiisana ku dadaali lahayn, joojina lahayn caadooyin xunxun.
Hadaba akhriste bilow qodobadan oo socda si aad naftaada caafimaadkeeda kor ugu qaado.
1, miisaanka rid kadibana ilaali.
Xa u helida miisanka badan ee aad leedahay waa talaabada ugu muhiimsan ee aad ku heli karto caafimaad,
Shan ilaa toban boqolkiiba hadaad rido oo miisanka jidhkaaga ah, waxaad kaa yaraan karaya khatarta aad ugu jirto xanuunada daba dheeraada ee loo yaqaano (chronic health conditions) sida wadna xanuun, nooca labaad ee macaanka, dhiirkarka.
Cuntada khudaarta yo booratiinka u badan ee loo yaqaano (Fad diet ) ayaa kaa caawinaya miisanku h**e kaaga dhaco.
Hadii aad diyaar u tahay inaad rido miisan cunto caafimaadka u fiican cun, si joogta ahna jimicsi u samee, ugu yaraan maalintii 30 miridh lugee.
2, CUN, CUNTO CAAFIMAADKA U ROON.
Wax cunida caafimaadka qabtaa waxa weeyi waxaad cunayso iyo xadiga aad ka cunayso, khudrada teeda caleenta ah iyo teeda midhaha ahiba aad bay mihiim u tahay, khudaartu waxaa ku yar inta tamar ee laga helaayo iyo dux, waxaana ka baalka, waana ilaha faytamiinada iyo macdanaha laga helo, cuntada uu ku badan yahay baalku waxay kaa dhigayaan mid marwalba dharagsan, taasina waxay kaa caawinaysaa in miisaanku kaa dhaco.
Inaad si dagdag ah wax u cuntaa waxay keentaa inaad wax badan cunto. Hadaad tahay mid cuntada si dahdaga u cuna dagdaga jooji, si dagna wax u cun, TV 📺 ga iska bakhtii hadii marka aad wax cunayso kuu daaaran yahay, mobile📱 iska fogee, marka aad cuntada bilowdo waxa ay 20 miridh gudohood fariin maskaxdu ka heshaa caloosha waxaanay u sheegtaa in aanay wax gaaja ahi sii jirayn, sidaa daraadeed jooji inta aanad dhargin.
La soco.......
Kaafihealthcoach.
Talo adaa ku nool ee iyadu kuguma noola.
Your safety....... our commitment.