02/06/2025
*BEER SUBAGA:*
Badana waxaa lagu arka dadka waxooga miisanka leh ama buuran.
Bilowga h**e ma keento wax dhib ah, laakiin waxaa ay keeni kartaa dhaawac beerka ah oo daran (cirrhosis).
Beer subaga waxaa lala xidhiidhiya khataro kale oo caafimaad, sida macaanka, dhiig karka iyo xannuunada kelyaha.
Haddii aad leedahay macaan, beer subagu wuxuu badiya in aad yeelato wadno xannuun.
Haddii wakhti h**e la ogaado , lana daaweeyo, waxaa ay joojinaysaa beer subagu ka sii daro , waxaa na ay yaraynaysaa subaga ku jira beerka.
*YAA KHATAR UGU JIRA BEER SUBAGA:*
Waxaa aad ugu jirta khatar haddii aad leedahay
o Bukaana miisanka leh ama buuraan, gaar ahaan bukaana caloosha leh.
o Haddii aad leedahay macaan.
o Haddii uu si gaabis u shaqaynayo qanjidhkaaga tayroodhku.
o Haddii aad leedahay dhiikar.
o Haddii aad leedahay subaga dhiiga oo sareeya.
o Haddii aad leedahay xannuunadan oo wada socda macaan, dhiig kar iyo buurnaan.
o Aad ka weyntahay da’da 50 sanno.
Sidoo kale, beer subaga waa lagu arki karaa bukaano aan lahayn wax khatar ah, oo ay ku jiraan carruurta iyo dhalinyarada.
*CALAAMADAHA BEER SUBAGA:*
Inta badan calaamado ma leh marxalada h**e. Waxaa lagu ogaada koombiyutarka uurku jirta ama shaybaadho laga qaado oo check-up ah.
Mar marka qaarkood, bukaanada subagu dhaawaco beerkooda waxaa ay yeelan karaan:
o Xannuun qaybta sare ee caloosha ( ka hoosaysaa feedhaha dhinaca midig).
o Daal badan.
o Awood daro.
Haddii beerka bukaanku shaqado gabo, waxaa uu yeelan karaa calaamado, sida indhaha oo huruud noqda, cuncun jidhka, barar lugaha iyo barar ama dibiro caloosha ah. Haddii aad isku aragto calaamadan , degdeg dhakhtar u teg.
*SIDEE LAGU OGAAN KARAA BEER SUBAGA:*
o Koombitarka uurku jirta.
o Shaybaado dhiiga oo baadhaya shaqada beerka.
*WAXYAABAHA AY TAHAY IN AAD SAMMAYSO HADDII AAD LEEDAHAY BEER SUBAG:*
Maaraynta ugu wanaagsani waa qaadasho qaab nololeed caafimaad leh.
Tusaale ahaan
o Miisaanka yare: ku ilaali BMI gaaga (18.5 ilaa 24.9)
o Cun cuntada caafimaadka u fiican: cunto isku dheeli tiran sida khudaarta, proteinka iyo carbohydrate, oo ay ku yartahay dufanka, sonkorta iyo milixdu; cunida cunto yar oo kooban waa caawin kartaa sidoo kale.
o Cab biyo badan, halkii aad ka cabi lahayd sharaab macaan.
*DHIBAATADA UU KEENI KARO BEER SUBAGU:*
o Beer xannuun
o Beerka oo shaqadiisu gaabis noqoto
o Xiddida ku sammaysma hunguriga oo keena in bukaanku dhiig matago
o Kansarka beerka