24/01/2025
๐
๐๐ฒ๐ญ๐๐ฆ๐ข๐ข๐ง ๐ฆ๐ ๐ฎ ๐๐๐๐ก๐๐ง ๐ญ๐๐ก๐๐ฒ?
Goorma ayay Vitamin Supplements ay muhiim noqon karaan?
Nolosheena magaalada isbedel wayn ayaa ku dhacay, dad badan oo mashquulkoodu badan yahay haddana ma helaan cunto dheeli tiran oo faytamiin iyo macdan ku filan ay ka helaan. Waxa kale oo inagu soo batay adeegsiga cuntooyinka warshadaysan iyo kuwa deg dega ah (Processed iyo fast foods). Taas ayaa lama huraan ka dhigaysa in qofku qaato faytamiino jidhka caawiya. Haddaba waxa jira marxalado iyo dad gaar ah oo usii baahan in faytamiinada si gaar ah loo siiyo
๐. ๐๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐ฅ๐๐ก ๐๐ฆ๐ ๐ง๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ง๐๐ฒ๐ฌ๐: waxayu baahan tahay folic acid, xadiid (iron), iyo DHA (docosahexaenoic acid). walxahaasi waxay si gaar ah u caawiyaan koritaanka ilmaha uurka ku jira, gaar ahaan maskaxda iyo xangulaha. Waxa u baahan xubno ay ka mid yihiin bu'da araga isha, maqalka, iyo koritaanka garaadka caruurta.
๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐๐๐ ๐ฑ๐ฎ๐ง (๐ฉ๐ข๐๐ค๐ฒ ๐๐๐ญ๐๐ซ๐ฌ): caruurta abateedku ka xun yahay ama cuntooyinka inta badan aan jeclayn sida khudrada, hilibka iyo caanaha.
๐. ๐๐'๐๐ ๐ค๐ ๐ฐ๐๐ฒ๐ง ๐ฅ๐ข๐ฑ๐๐๐ง ๐ฌ๐๐ง๐จ: markasta oo da'da qofku sii waynaato waxa itaal dareeya dheef shiidka; awooda uu u leeyahay inuu cuntada kala baxo nafaqada faytamiinadu ka mid yihiina way yaraataa. Waxa kale oo kordha baahida jidhku u qabo macdanaha iyo faytamiinada qaarkood sida Faytamiin D, Kaalshiyam, Faytamiin B12, iyo qaar kale. Faytamiinadaas yaraaday waxay uga sii daraan lafo jileeca, awood darada, isla markaana waxay jidhak u nuglaysaa xanuunada qaarkood. Sidaa darteed, waxa lagu la taliyaa in ay qaataan Supplements tayo fiican oo baahidooda daboola.
๐. ๐๐๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐๐๐ ๐ซ๐๐๐ ๐ ๐ (๐๐ก๐ซ๐จ๐ง๐ข๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐๐ฌ๐๐ฌ): dadka la nool xanuunada raaga sida:
-Macaanka;
-Xanuunada dheef-shiidka ee ay ka mid yihiin Celiac Disease, Crohn's disease, Ulcerative colitis, lactose intolerance iyo IBS;
-Xanuunada lafaha sida Osteoporosis, osteomalasia;
-Xanuunada wadnaha,
-Xanuunada kelyaha (chronic kidney disease);
-Xanuunada difaaca jidhka sida roomatiisamka, Systemic Lupus, Multiple Sclerosis.
- Kansarka noocyadiisa kale duwan.
- Chronic Fatique Syndrome iyo Fibromyalgia
Dadka la nool xanuunadaas badanaa jidhkooda waxa ku yar faytamiinada muhiimka ah intooda badan, waxaana lagu taliyaa, baadhitaan ka dib, in ay si joogto ah u qaataan Vitamin Supplements.
Waxa muhiim ah in ay kala duwan tahay xadiga faytamiin ee qofku qaadanayo marka inta shaybaadh laga qaado la ogaado in faytamiin hebel uu ku yar yahay iyo marka uu ka hortag uun u qaadanayo. Inta badan faytamiinada ganacsi ahaan loo iibiyaa waa ka hor tag uun, laakiin looma adeesdo ku dawayn. Haddii dhakhtarku kuu xaqiijiyo in faytamiin mucayan ah kaa yar yahay sida faytamin D oo kale, waxa lagu siinayaa therapeutic dose aad qaadan doonto ilaa inta faytamiinkaasi heerkii dabiiciga ahaa kusoo noqonayo. Marka uu heerkii la rabay soo gaadho, ayaa laguugu bedeli karaa xadiga yar ee supplement ka loogu talo galay. Mid waliba waa sidaa. Waa in aynu labadaa kala fahano.
Ilaahay caafimaadka ha inoo ilaaliyo, Camalkana ha inoo wanaajiyo.
Jumca Mubaarak