Hanuuniyaha Caafimaadka

Hanuuniyaha Caafimaadka I am Dr Yasin Obsiiye, dedicated to increase health awareness particularly chronic diseases.

baraarujin kooban. Kalyaha iyo macaanka.
25/01/2024

baraarujin kooban. Kalyaha iyo macaanka.

Ku baraarugsanow khatarta Macaanka.
22/01/2024

Ku baraarugsanow khatarta Macaanka.

Xuska maalinta Macaanka. Xanuunka macaanku waa mid raaga oo leh daryeel gaar ah. Daryeelkaasi  waxa uu leeyahay wajiyo b...
14/11/2023

Xuska maalinta Macaanka.

Xanuunka macaanku waa mid raaga oo leh daryeel gaar ah. Daryeelkaasi waxa uu leeyahay wajiyo badan. Waa arimo dhawr ah balse isku dhafan oo midba leeyahay saamayn. Kuwa uga muhiimsan ayaa ah;

1. Barashada xanuunka.
2. Isbedelka habka nolooleed oo xooga la saaro; cuntada, jimicsiga.
3. Helida/Joogtaynta isticmaalka dawo xakamayn karta sonkorta dhiiga.
4. Ka warhaynta/ la socodka badqabka xubnaha uu waxyeeleeyo macaanku, sida; badqabka kalyaha, araga, wadnaha iyo neerfaha lugaha.

Qofka macaanka la nool waa in uu yeeshaa yool. Yoolkaasi waa in hoos loo dhigo khatar kasta oo ka iman karta macaanka iyo xaaladaha/xanuunada ku lamaanan kara. Si kale marka aynu u dhigno waa xakamaynta sonkorta iyo xanuunada weheliya sida subaga iyo dhiigkarka.

Qofka aan hada macaanka lahayn isaga waxa laga rabaa in uu kobciyo aqoontisa iyo wacyigiisa, si uu u ogaado khataraha u keeni kara xanuunka macaanka. Sidoo kale waxa muhiim ah in uu barto talaabooyinka haboon ee uu qaadi karo si uu u yareeyo khatartaasi

Dr Yasin Obsiiye

08/11/2023

XALQADA 2AAD; macaan yeelataye maxaa xiga?

Waxa ay xalqadani ka waramaysa yareynta khatar kasta oo ku iman karta qofka macaanka leh. waxa ay ka waramaysa talaaboyin ay muhiim tahay in la sameeyo bilowga marka qofka laga helo xanuunka.

Waxa ay sharaxaysa muhiimada ay leedahay ilaalinta bedqabka xubnaha uu waxyeeleeyo macaanku iyada oo maanka lagu hayo xanuunada kale ee weheliya. Dadaalka lagu xaqiijinayo arintaasi oo ay tahay in la bilaabo xilli h**e si looga baaqsado dhaawacyada jidhka ee uu sababo xanuunkani ayaa sidoo kale ay iftiiminaysa.

La wadaag asxbaata. Noo reeb wixii talo ama tusaale ah.

Dr Yasin Obsiiye

05/11/2023

XALQADA 1AAD; Xog guud oo ku saabsan Macaanka.

La wadaag asxaabta.

31/10/2023

Salaamu Calaykam.

Waxa aad halkan kala socon doontaan barnaamij wacyi galin taxane ah, oo awooda saaraya xanuunada dhibta ugu badan ku haya bulshadeena. Waxa aynu ugu h**eysiin doona xanuunka macaanka. Wacyigalinta hab qoraal ah iyo mid maqal iyo muuqaal ah ba waa ay u bixi doontaa.

Waxa barnaamijku noqon doonaa mid awooda saara jihaynta bukaanada la dhiban xanuunada raaga. Waxa uu ku bixi doonaa luuqad fudud oo qof waliba si fiican u fahmi doono.

Address

Sheekh Ali Clinic
Hargeisa

Telephone

+252633166077

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hanuuniyaha Caafimaadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Hanuuniyaha Caafimaadka:

Share