01/12/2025
Barnaamijka Farmasiiga Guriga waxaynu ku Soo qaadan Doonaa Maanta -
Faa’iidooyinka Shaaha Miramiyada (Sage Tea)
Cabitaanka koob Geedka Maraamiyaha subaxii iyo fiidkii wuxuu ka caawiyaa daawaynta cudurro badan.
Shaaha miramiyada:
Wuxuu daaweeyaa calool-wareenka iyo qallalka caloosha.
Wuxuu baabi’iyaa ur iyo infeksan ku samaysma mindhicirrada iyo caloosha.
Wuxuu ka hortagaa samaysanka unugyada kansarka.
Wuu kiciyaa hormoonnada haweenka, wuxuuna hoos u dhigi karaa hormoonka caanaha (Prolactin), taas oo gacan ka geysata fududaynta uurka.
Wuxuu yareeyaa calaamadaha xilliga caadada istaagto (menopause).
Wuxuu wanaajiyaa dedaalka galmada ragga iyo dumarka labadaba.
Wuu xoojiyaa jirka daallan ama tabarta daran.
Aad buu ugu faa’iido badan yahay bukaanka dhiig-yarida, sababtoo ah miramiyadu waxay leedahay fitamiinno muhiim u ah caafimaadka.
Wuu xoojiyaa xusuusta.
Wuu daaweeyaa ilko jilicsan, dhiig-baxa cirridka, qufaca, cune-xanuunka iyo bararka tonsillada.
Wuu xoojiyaa nidaamka neerfaha, gaar ahaan ka dib dhaawaca maskaxda (stroke).
Wuu yareeyaa dhididka badan.
Wuu daaweeyaa hargabka, duufka, wuxuuna saaraa gaaska caloosha.
Wuu fududeeyaa shiididda cuntada.
Wuxuu daaweeyaa bararka beerka (liver congestion).
Wuxuu caawiyaa miisaanka dhimista (anti-obesity).
Wuxuu faa’iido u leeyahay rheumatism-ka iyo sonkorowga (diabetes) iyo neef-qabatin (bronchitis).
Sida loo diyaariyo shaaha miramiyada:
5 caleemo miramiya ah (cagaar ama qalalan) ku rid koob biyo karkaraya, ka dibna u daa inay ku dhalaalaan 15 daqiiqo. Markaas kadib sifee oo cab hal koob subaxii iyo fiidkii.
Karaamo Herbalist #