
09/09/2025
Carruurta qaba Ootiismka (Autism Spectrum Disorder (ASD) waxay inta badan la kulmaan caqabado dhanka cuntada iyo nafaqada ah. Caqabadahani waxa ay noqon karaan kuwo la xidhiidha diidmada cunnada (food refusal), cuntooyinka oo ay kala doortaan oo ay ku eekaadaan hal cunto oo kaliya (Selective eating) iyo xasaasiyad dhadhanka iyo urta, ama dhibaatooyin caloosha iyo dheefshiidka ah. Arrimahaas oo dhan waxa ay keeni karaan in ilmaha ay ka maqnaadaan fiitamiinno iyo macdano muhiim ah oo jidhkiisu u baahan yahay si uu u koro.
Daraasado badan ayaa muujiyay in carruurta Autismka qaba ay leeyihiin fiitamiinada oo ku yar iyo nafaqadooda oo hoosaysa, kuwaas oo saameeya caafimaadka lafaha, maskaxda, difaaca jidhka, iyo awoodda waxbarasho. Waxaa ka mid ah fiitaminada aadka u yaraada Vitamin D, Vitamin A, B-Vitamins (B6, B12, Folate), Vitamin E iyo C, iyo macdano muhiim ah sida Calcium, Iron, Zinc, iyo Magnesium. Marar badan waxa ku dhacda in in ka badan hal fiitamiin iyo macdan ka yar tahay isku hal mar oo ilmuhu khatar gasho noloshiisa (multiple deficiencies).
Vitamin D
Vitamin D waa mid ka mid ah fiitamiinada ugu badan ee ka yaraada carruurta Autismka qaba sababatoo ah waxa lagu hayaa caruurtan guryaha oo badanka ma arkaan qoraxda. Waxaaay yeeshaan caruurtani dhibaatooyin lafaha ah sida lafaha oo jilicsan (rickets) iyo dhaawac ku yimaadda caafimaadka lafaha. Sidoo kale, Vitamin D wuxuu door muhiim ah ku leeyahay nidaamka difaaca, waxaanay u nuglaadaan cudurada oo si sahlan ayay xanuunadu ugu dhacaan.
Vitamin A
Vitamin A wuxuu muhiim u yahay caafimaadka indhaha, difaaca jirka iyo kobaca unugyada. Carruurta Autismka qaba oo aan helin Vitamin A ku filan waxay halis ugu jiraan aragga oo daciifa, infekshanno soo noqnoqda iyo caafimaad darro guud oo jidhka ah.
B-Vitamins (B6, B12, Folate)
Fiitamiinada B du waxay laf-dhabar u yihiin shaqada maskaxda iyo samayska unugyada dhiigga cas. Marka ay yaraadaan waxay sababaan dhiig-yaraan (anemia), dhibaatooyin xagga waxbarashada iyo xusuusta, iyo xitaa dhibaatooyin ku saabsan habdhaqanka ilmaha. Carruurta Ootiismka hadii aanay helin B-vitamins ku filan waxay noqon karaan kuwo si degdeg ah u daala ama u nuglaada dhibaatooyin maskaxeed.
Vitamin E iyo C
Labadan fiitamiin waxay yihiin antioxidants muhiim ah oo jirka ka ilaaliya waxyeellada ka dhalata dhaawaca soo gaadha unugyada (free radicals). Marka ay is dhimaan waxay daciifa awoodda difaaca jidhka, taas oo ilmaha ka dhigaysa mid si fudud u xanuusada, isla markaana wakhti ay ku qaadato bogsashada iyo caafimaadka guud.
Macdanta Yaraata
Marka laga soo tago fiitamiinada, macdanta qaar ayaa sidoo kale ka yaraata carruurta Ootismka (Autism). Calcium iyo Iron ayaa ka mid ah kuwa ugu badan. Calcium waa laf-dhiska ugu weyn , halka Iron uu muhiim u yahay samayska dhiigga. Haddii ay yaraadaan, waxaa dhaca laf jilicsanaan iyo dhiig-yaraan (anemia). Sidoo kale, Zinc iyo Magnesium oo door weyn ku leh horumarka maskaxda, awoodda xusuusta iyo shaqada difaaca ayaa inta badan yaraada. Taasi waxay sababtaa daal joogto ah, awooda Maskaxdu ku barato xirfadaha oo liidata iyo xusuus daciif ah.
Talooyin Waalidiinta
Si looga hortago saameyntan, waalidiintu waa in ay ku dadaalaan in ilmaha la siiyo cunto kala duwan, iyagoo tartiib tartiib u siinaya kolba cuntada cusub oo aan ku qasbayn. Waxaa muhiim ah in waalidiintu la tashadaan dhakhaatiirta si loo qiimeeyo baahida gaarka ah ee ilmaha. Haddii loo baahdo, fiitamiinada iyo macdanta dheeraadka ah waa in lagu daraa talo caafimaad kaddib, si looga fogaado waxyeello si aan loo siin xad dhaaf. Dulqaad iyo joogteyn ayaa lagama maarmaan u ah, maadaama carruurta autismka qaba ay u baahan yihiin wakhti badan in la baro si ay ula qabsadaan kolba cuntada ku cusub.
DR.MUSTAFA M.Ahmed
MBBS,MD (Pediatrician)
fans