08/10/2024
Ururka Rejo Medical Volunteers oo adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah ka fuliyey tuulada Ina Cunaaye oo ka tirsan Gobolka Hawd.
Dadweynaha loo shaqeeyey ayaa isugu jiray hooyooyin uur leh, dhallinyaro iyo waayeelka tuulada, kuwaas oo baahi weyn u qabay adeega caafimaad. Dadka loo shaqeeyey waxaa loo sameeyey baadhitaano bilaash ah, daawo bixin bilaash ah iyo la talin caafimaad.