09/09/2025
QORAAL KU SAABSAN ISQUDHGOYNTA/ IS DILIDA
W.Q- Cabdicasiis Guudcade
👇🏻
KHALADFAHANKA ISQUDHGOYNA
Waxaan idin la wadaagay qoraal kooban oo su’aal ahaa oo ku saabsanaa warbixintii Bilayska SL uu ka soo saaray geeridii ka dhacday qolka 204 ee huteelka Xaaji Ibraahin ee Hargeysa. Sida madaxda bilayska u hadashay iyo erayada ay u xulatay baa dhaliyay su’aashayda.
Qodob kale oo aanan u socon baan se kaga sii baraarugay faallooyinkii la ii soo qoray. Dad badan ayaa igu diiday halka aan hadalka u wadey (waan rejaynayaa in aan khaldanahay). Laakiin waxa xiise iyo xanuun wada socda igu afrogay sababaha ugu badan ee dadkaasi ay u cuskanayeen in ay igu khilaafaan abbaarta. Waxa iiga soo baxay khaladfahan baahsan oo ku saabsan isqudhgoynta. Saddex ra’yi ayay u badnaayeen:
1) Qof iimaankiisu xooggan yahay is maba dilo
2) Qof ladani is ma dilo
3) Qofka is dilaya waa laga gartaa
Ka ma hadlayno kiiska marxuunkan. Waxa se aan is dultaagayaa jawaabahaas ku saabsan isqudhgoynta lafteeda.
Waxa xusid mudan in berri (Sibteembar 10) ay tahay Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Kahortagga Isqudhgoynta (World Su***de Prevention Day).
Kolkaa qoraalkani waa WACYIGELIN.
1) Iimaanku tallaal u ma aha xaaladaha nafsadeed iyo dhimir ee keeni kara dhacdooyin ay isqudhgoyntu ka mid tahay. Cilmibaadhis cusub (Maarso 2025) ayaa soo isku soo xoorisay deraasadp muddo dheer socday oo lagu eegayay in ehlu-diinnimadu ay ka dhigan tahay bedqabka maanka oo sarreeya. Waxa cilmibaadhayaasha u soo baxday in aanay taasi jirin ee dadka ehlu-diinka ahi ay umaddooda ula mid yihiin xaaladaha dhimirka wiiqa (halkan ka sii raac: https://journals.sagepub.com/doi/10.1177/09567976251325449).
Waana sidii ay ahayd, oo qofku waa bashar mana aha in dadnimada laga saaro; waxyaabaha dad lagu yahay ayay ka mid tahay in aynu nolosha iyo kacaakufkeeda u nugul nahay, midkeenna aanu dammaanad u haysan in aanay ku dhici doonin waxa asaaggii haleelay.
Kolkaa in la yidhaahdo dadka iimaankoodu “xooggan” yahay uun baa caafimaadqaba, waxay shayddaamaynaysaa oo daabaqaad iyo shaanbad xun ku dhejinaysaa xaalado cid kasta soo ridan kara.
2) Si la mid ah qodobka sare, dadka ladani ka ma baxsana dadnimada. In kasta oo ay run tahay in saboolnimada iyo culaysyada dhaqaale ay wataan xaalado nafsadda gilgili kara oo dhimirka dhantaali kara, haddana cilmibaadhisuhu waxay sugayaan in xaaladda dhaqandhaqaale ee insaanku aanay dammaanad u ahayn in jirrooyinka iyo qalalaasaha nafsadeed iyo kuwa dhimirba laga tallaalmo. Tusaale ahaan, deraasad lagu sameeyay Jaamacadda Birinston (Princeton University) ayaa xaqiijisay wax aynu awelba naqaannay: haddii jeebkaagu roonaado, sida aad nolosha u qiimaysaa wuu roonaan karaa, balse taasi dammaanad u ma aha in xaaladda shucuurtaada iyo nafsaddaadu ay wanaagsananayso (ka sii tixraac: https://www.princeton.edu/~deaton/downloads/deaton_kahneman_high_income_improves_evaluation_August2010.pdf).
3) Qofka is dili doona MAR KASTA laga ma garto. Ma aha hargab, aad odhanaysid “hebel ama heblaayo way qufacayeen oo waxaan filayaa duray baa soo hayay.”
Dabcan, way dhici kartaa in si fudud loo garan karo dadka qaar ku sugan xaalado gaar ah oo aad u muuqda (sida qulub daran, ama iskubuuqsanaan iyo calwasaad maskaxeed oo markiiba laga dareemi karo. Sida in uu is qariyo ama in uu dad-la-jooggiisa aad u yareeyo. Iyo calaamado la mid ah). Laakiin HA KU DAGMIN!
Kolal badan qofku, sida aynu dhahno, waayihiisa laabta ayuu ku haystaa. Deraasad lagu sameeyay askarta is qudhgoysa ee Maraykanka waxa lagu ogaaday in dadkaa is dilay 63.5% ka mid ahi aanay isqudhgoyntooda ka hor lahayn wax astaamo cillad nafsadeed ah, oo aan laga garanayn. (Ka raac: https://pmc.ncbi.nlm.nih.gov/articles/PMC11720966/ #:~:text=While%20over%20half%20(63.6%25),with%20any%20mental%20disorder%20diagnosis)%2C).
Dhanka kale, cilmibaadhis lagu sameeyay da’yar iyo ciyaal is dilay, waxa lagu ogaaday in wax iska caadi ah ay tahay “isqudhgoynta aan digniinta wadanini ee da’yartu.” (Ka sii tixraac: https://www.sciencedirect.com/science/article/abs/pii/S0165032720324666). U fiirso: Cirroole iyo carruurba waa laga soo helayaa dad is qudhgooyay iyaga oo aan loo filayn ama laga eegayn ama laga malaynayn ama la moodayn ama “aanay ka muuqanin.”
Qofku si dadban ayuu inoogu qayladhaandirsadaa oo inoogu habarwacdaa. Waxa laga yaabaa in uu inagula kaftamo dil. Waxa dhici karta in uu horteenna ku cabbeeyo baaskoolad uu la geli doono aqal uu keligii deggan yahay. Waxa laga yaabaa in uu mararka qaar ina yidhaahdo hadal u eg dardaaran. Intaas uun ku ma eka, ee waa tusaalayaal.
Dadkani badanka waxay salsallaawaan heestii “Afgarad”—waxa laga yaabaa in ay sidii Saado Cali jilaysay ay iyagu dhab ahaan inoo leeyihiin:
“Aqalkaan ku ooyaa
Adiguna xafiiskaad
Urugada la jiiftaa;
Bal haddaba ibtilo
waa tane innaga
Afgarad yay inoo sameeya!”
Waa muhiim in aynu “afgarad” u yeelanno xaaladaha nafsadeed ee qudheeda iyo qayrkeenba.
***
Mar kale aan ku celiyo: Qoraalkani u ma uu qiildayayo si gaar ah oo cid gaar ahi ay u geeriyootay. Waa se WACYIGELIN. Waxa aan rabey uun in aynu wadaagno qodob iyo labo ku saabsan isqudhgoynta guud ahaan iyo sida ay tahay in aynaan u dhayalsan una qarsanin. Khaladfahannada iiga soo baxay faallooyinka qaarkood ayaanan doonayaa in aynu isla jeexjeexno.
Fadlan haddii dadka aad taqaanno ka warhay, hana isku ledin oo ha moodin in kollayba hebel ama heblaayo aanay waxba is yeeli doonin. Saaxiibbadaada ama xubnaha qoyskiinna ee goonidaaqa ah muddadiiba mar xidhiidhi, una muuji in aad jeceshahay oo aad danaynaysid. Ha sugin in qofku ku dhaho wax baan is yeelayaa, ee kor iyo hoosba uga warqab.
Haddii aad tahay qof ku fekeraya in uu is qudhjaro, fadlan inta aanad go’aankaaga fulin, ugu yaraan xasuusnow in ay jiraan saaxiibbo iyo ehel ku jecel oo haddii aad siin lahayd fursad ay kugula sheekaystaan ama duruuftaada u ogaadaan laga yaabo in aad wax weyn isla gaadhi lahayd. Haddii aanad xataa cidna ku kalsoonayn, ogsoonow in dadkaa faraha badan malaayiinta ah aan laga waayi karayn cid kaa gurta oo kula taabata halka ay u dhimatay.