Dr. Abdimajid Husein sugule

Dr. Abdimajid Husein sugule Waxaynu masuul ka nahay nolosheena iyo aayeheenna danbe, waxaanna aaminsannahey in aynu isbeddel kusamayn karno xaaladaheenna maanta cakiran.

02/06/2025
02/06/2025

2007–2025
Amisom mision in somalia,
Waa mashruuc ma dhalays ah, maantana cid biisha ayuu la’yahay.

Khataraha Moobilku Ku Hayo CarruurteenaMaskaxda, Hadalka, iyo Mustaqbalkoodaba.Carruurtu waxay u baahan yihiin inay caya...
31/05/2025

Khataraha Moobilku Ku Hayo Carruurteena
Maskaxda, Hadalka, iyo Mustaqbalkoodaba.

Carruurtu waxay u baahan yihiin inay cayaaraan, fikiraan, hadlaan, oo ay la xiriiraan dadka kale – gaar ahaan sannadaha h**e ee noloshooda oo muhiim u ah korriimadooda maskaxeed iyo bulsho.

Marka ilmaha lagu mashquuliyo moobil:
✅ Indhahooda wuu dhaawacmaa.
✅ Qoorta iyo lafaha wuxuu dhaawac ku dhici karaa maadaama uu si joogto ah ugu foogan yahay shaashadda.
✅ Barashada hadalka iyo luqadda wuu ka daaho.
✅ Wuxuu lumiyaa fursadihii uu ku baran lahaa xiriirka bulshada.
✅ Wuxuu ku adkaadaa barashada iyo xusuusta.

Intaas waxaa dheer
Marka uu daawado muuqaallo aan ku habboonayn da’diisa, qalbigiisa yar wuu takhtakhyaa, habeenkii wuxuu ku riyoodaa waxyaalo argagax leh, taasoo keeni karta dhibaatooyin xagga maskaxda ah.

Waxaan aragnay:
•Carruur aan hadlin xilligii hadalka la filayay.
•Carruur qaylinaya, xanaaq badan, oo aan ogoleyn in habayaraatee la toosiyo.

30/05/2025

Celiac disease ?
Waa xanuun ku dhaca carruurta iyo dadka waa weyn ba, waxaa sababa marka mindhicirku uu xasaasiyad ku qabo maaddo protiin ah oo laga helo cuntooyinka. Gallayda, sareenka, heedda, ama buskud yada, roodida iyo baastada laga sameeyey cuntooyinkaas.

Waxaa astaan u ah: shuban joogto ah, matag, dibbiro, korriimo xumo.
Ilmaha yar waxaa hagaasinaya shubanka iyo cunto xumida joogtada ah, waana in la saxaa xanuunkiisaan xilli h**e si korriimo fiican u helo.

Marar badan waxaan aragnaa caruur meel walba la mariyey oo dhibtoodu keliya tahay xanuunkaas.

Waxaa laga ilaalinayaa cuntooyinkaas, waxaana la siinayaa cuntooyinka ka madhan guluutiinka, sida bariiska, baradhada, iyo caanaha laga bixiyey maadadaas.

Somaliland waxaan aqoonsi raadin aheyn oo ay adduunkan uga baahantahey ma jiraan miyaa tolaw
30/05/2025

Somaliland waxaan aqoonsi raadin aheyn oo ay adduunkan uga baahantahey ma jiraan miyaa tolaw

Qaar ka mid ah Waddamada Khaliijka oo dedaal ku bixinaya Aqoonsiga Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Wargeyska dalka Ingiriiska ka soo baxa ee The Guardian, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Maraykanku ay ku hawlan tahay xidhiidh xooggan oo lala yeesho Somaliland iyada oo dhowaan dalka ay soo booqdeen saraakiil ka tirsan ciiddamada Maraykanka kuwaas oo uu hoggaaminayayey Taliyaha ciiddamada Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika.

Sidoo kale Wefti kale oo Maraykanka ka socda ayaa la filayaa in ay dhowaan dalka yimaaddaan sida uu madaxweynuhu sheegay kuwaas oo booqan doono magaalada Berbera oo ah halka uu Maraykanku ka samaysanayo saldhigiisa Mileteri.

Sida ku xusan warbixinta The Guardian, dawladdo waaweyn oo ay ku jiraan dalal ka tirsan Khaliijka Carabta ayaa ku hawlan sidii Somaliland loo aqoonsanaa lahaa, halka maamuulka madaxweyne Trump uu si weyn u beddelay aragtidii Washington ee ku wajahnayd Somaliland isaga oo ka soo dabcay in Somaliland loo tix geliyo meel Soomaaliya ka tirsan.
Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in la joogo wakhtigii la aqoonsan lahaa Somaliland isaga oo tibaaxay in hadda dalku ku taagan yahay dhabbihii dunidu ku aqoonsan lahayd.

Soomaaliya ay dhowaan qaaday tallaabooyin ay ku joojinayso xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka kuwaas oo ay ka mid ahayd waraaq toos ah ay Muqdisho u dirtay madaxweyne Trump balse arrimahan ayaa u muuqda in ay noqon waayeen sidii Soomaaliya doonaysay.

Gallaydh TV

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Abdimajid Husein sugule posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram