MR Khaliil Abdirahman

MR Khaliil Abdirahman Page is the To be a health worker that covers the health needs in my country

Ku darso inta aad ka ogtahay⏩ Iiraan waxaa ka mamnuuc ah in timaha loo jarto sida reer Galbeedka⏩ Kuuriyada Waqooyi waxa...
01/04/2024

Ku darso inta aad ka ogtahay

⏩ Iiraan waxaa ka mamnuuc ah in timaha loo jarto sida reer Galbeedka

⏩ Kuuriyada Waqooyi waxaa ka mamnuuc ah in la xirto surweel jiinis ah

⏩ Shiinaha waxaa ka mamnuuc ah Youtube

⏩ Cuba lagama oggola cabitaanka Coca Cola

⏩ Singapore waxaa ka mamnuuc ah xanjada

⏩ Japan lagama ogolla inaad xad dhaaf u cayisho

⏩ Switzerland lama ogola in fadhiga musqusha biyo lagu furo wixii ka dambeeya 10-ka fiidnimo

⏩ Portugal inaad badda ku kaadiso lama oggola

⏩ Indonesia in la tuugsado waa ka mamnuuc.

Qodobkee kuugu yaab badan?

Kala Gurta Dhaawaca Maatayahay Anaga Sidanay Noogu Badisaaye😀😀
31/03/2024

Kala Gurta Dhaawaca Maatayahay Anaga Sidanay Noogu Badisaaye😀😀

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮  𝗸𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 🥬(𝗦𝗽𝗶𝗻𝗮𝗰𝗵)Koostadu waxa kujiro  dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qani ku tahay fiitamii...
27/03/2024

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮 𝗸𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 🥬(𝗦𝗽𝗶𝗻𝗮𝗰𝗵)

Koostadu waxa kujiro dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qani ku tahay fiitamiinada : vitamins K vitamin A vitamins C Folate (B9)
Macdanta : manganese calcium, iron, sidoo kale Koostadu waxay leedaahay vitamins K iyo vitamin A aad u badan .

1.Waxay xoojisaa Aragtida isha : vitamin A kujiro koostada wuxu ka hortagaa xanuuno ku dhaco isha sida aragtida habaynkii oo yaraato iyo indho qalayl-ka .

2. Waxay xoojisaa Lafaha : waxa kujiro vitamin K aad ubadan oo ka qayb qaato samaysanka lafaha iyo aktiif (active ) gayaynta borotiinada ka qayb qaato dhisida lafaha sida (osteocalcin) sidoo kale waxa kujiro macdanta calcium .

3. Waxay kor uqaadaa caafimaadka Unugyada jirka : vitamin A kujiro wuxuu joogteeyaa badqabka unugyada loo yaqaan (epithelial cells) ee ku dahaaran xubnaha jirka

4. Waxay u fiicantahay dheefshiidka : waxa ku jiro maadada fiber-ka oo saacido dheefshiidka caloosha .

5. Waxay u fiicantahay Difaaca jirka : waxa kujiro vitamin A iyo vitamin C oo dowr muhiim ah ka qaato shaqada difaaca jirka .

6. Wuxu u fiicanyahay xinjiraynta dhiigga : vitamin K kujiro wuxu ka qayb qataa xinjiraynta dhiiga isagoo aktiif (active) ka dhigo cunsurada(factors) qaabilsan xinjirowga dhiiga.

W/Q: Dr faris Al attas

𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞-𝐝𝐡𝐞𝐡 si ay uga faaideystaan guud ahaan bulshada.

XANUUNKA DAACUUNKA OO KA DILAACAY  SOMALIA IYO DHIMASHADA KOR U SOCOTA.Xanuunkan oo inta badan dilaaca xiliyo gaara ayaa...
25/03/2024

XANUUNKA DAACUUNKA OO KA DILAACAY SOMALIA IYO DHIMASHADA KOR U SOCOTA.

Xanuunkan oo inta badan dilaaca xiliyo gaara ayaa hada ka dilaacay wadanka sida xogta caafimaadka ee sheegayso Haayadaha ka shaqeeya caafimaad ka iyo wasaarada caafimaad ka ee Somalia.
Xanuunka waxa keena inta badan bacteria la yiraahdo Vibrio cholerae iyadoo ay waheliso cabintaanka biyo aan nadiif ahayn ama fayo-dhawrkoodu liito.

Sida ay sheegayso xogta caafimaad in ka badan 4300 oo qof ayuu soo ritay halka in ku dhaw 55 qof ay u geeryooden xanuunka oo caruur u badan (60%) .
Deeganada laga soo sheegay ama ay aad u sarayso prevalence kiisu waa magaalooyinka Beledweyne, Boosaaso,Garoowe Mogadisho iyo Wajaale .

Xanuunka ayaa hada meelaha ugu badan ee dadku ugu dhimanayaan ay tahay meelaha ay ku noolyihin dadka ku barakacay wadanka gudihiisa.
Deegaanada aan xogta laga hayn ayaa khatar ku jira sida magaalooyinka Laascaanood,Buhoodle iyo qaybo ka mida Sanaag.

Fariinta Bulshada ee faafida xanuunka Daacuunka:

1. Astaamaha iyo calaamadaha
1.shuban xoog leh oo saxarada qofka la socda biyaha bariiska (rice water diarrhoea).
2. Calool Xanuun ama majiiriid
3. ⁠Harraad
4. ⁠Matag ama hunqaaco shubanka ka dib (mararka qaarkood matagga ayaa ka soo horreeya shubanka).
5. ⁠Heerka garaaca wadnaha oo daciif ah, ama degdega.

Dadka intooda 75% ma muujiyaan calaamado in kasta oo ay sidaan xanuunka ,calaamadaha intaa kaa badnaan karaan iyadoo ay ku xidhan tahay xaalada bukaanka .
2.Waxyaabaha Gudbiya:
1. Nadaafada oo aad u liidata goobta aad ku nooshahay
2. ⁠Qashinka aan si wacan loo maarayn
3. ⁠Dad ku saxaradooda meelaha banaan ka dibna ay biyaha laga cabo meelaha
4. ⁠Nadaafada gacmaha aan la ilaalin.

3. Sidee looga hortagaa :
1 . Waa in la ogaado ama xog laga helo sida uu ku bilawday iyo meesha bilawga
2. Hadii dhimasho jirto waa in mat h**e mudnaanta la siiyaa yaraynta ama latacaalida dhimashada xanuunka
3. ⁠Waa in la cabo biyo nadiif ah ama daawaysan ama la kariyo
4. ⁠Nadaafada bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadka la ilaaliyaa
5. ⁠Hadii meesha xanuunka faraha oa baxo waa in la joojiyaa isu socodka
6. ⁠Waa in kor loo qaado wacyi galinta xanuunka ee bulshada iyo tababarka shaqaalaha caafimaadka
7. ⁠Hadii cudurka safmar yahay sida Covid 19 kii waa in la siiyaa bulshada talaalka Daacuun calooleedka.

Maamulka iyo haayadaha ka shaqeeyaa waa in ay la yimaadan hanaan hufan iyo siyaasad ka hortag iyo daawayn ee xanuunka.

Mohamoud A Bile
Public health specialist and Digital Health

Illahay Ramadan nabad qab iyo caafimaad ha inagu gaadhsiiyo Dhamaan Muslim ☪️
08/03/2024

Illahay Ramadan nabad qab iyo caafimaad ha inagu gaadhsiiyo Dhamaan Muslim ☪️

Jamaahiirta Laascaanood oo soo buux dhaafiyey Guriga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil(Garaad Mideeye) ka dib markii 9 bilo...
19/10/2023

Jamaahiirta Laascaanood oo soo buux dhaafiyey Guriga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil(Garaad Mideeye) ka dib markii 9 bilood ka hor uu u horseedey inay dadku iska xoreeyaan Cadowga Somaliland , Waxaana ay kala soo baxeen guriga iyagoo u mahad naqay marxaneeyeyna.

19/10/2023

Ciroole, Caruur iyo Ciidan, Culimo, Looma kala hadhin Dabaal dega Ku Dhawaaqida Aqoonsiga Maamulka Ssc-khaatumo

Xuquuqda Video Caska vlog

19/10/2023

Dhamaan Magaalooyinka waaweyn ee Ssc-khaatumo Sida:
Buuhoodle, Boocame, Xudun,widhwidh, Taleex, Kalabaydh, Tukaraq, yagoori, Gambadhe, guumays& ceegaag halaga qabto isusoo baxyo waaweyn oo si silmi ah loogu muujinayo taageeradda dawladda federalka ah ee Somalia 🇸🇴 & Maamulka Ssc-khaatumo.

Reer SSC-Khaatumo abaal weyn ayay kuhayaan raysul wasaare Xamse cabdi  bare❤️👏
19/10/2023

Reer SSC-Khaatumo abaal weyn ayay kuhayaan raysul wasaare Xamse cabdi bare❤️👏

SAWIRKA MAANTA - FIQI🇸🇴 & FIRDHIYE✌️
19/10/2023

SAWIRKA MAANTA - FIQI🇸🇴 & FIRDHIYE✌️

Odaygii Muuuse Juudaan iyo jamhadii SNM Ba manta Qumbulad 33 ah baa ku dhacday waleee.WASIIR AHMED MOHAMED FIQI IYO HOGA...
19/10/2023

Odaygii Muuuse Juudaan iyo jamhadii SNM Ba manta Qumbulad 33 ah baa ku dhacday waleee.

WASIIR AHMED MOHAMED FIQI IYO HOGAAMIYE FIRDHIYE Rag walee loo waaaa

Address

Laascaanood

Telephone

+252634192289

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MR Khaliil Abdirahman posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to MR Khaliil Abdirahman:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram