Abdisalam Husni

  • Home
  • Abdisalam Husni

Abdisalam Husni I am not a God

Abdisalan Husni

Abdisalam Adem Abdalla : Halkani waa Boggayga Rasmiga Ah Waxaan Ahy muwaadin Soomaaliyeed oo ku faana midnimada, wadajirka Jecelna nabad Xasilon ,guud ahaan dalka oo idil 🇸🇴 I would like to always and every time to serve my community
If nothing is done for the weak, and not able to do it, it should not be viewed with the help of a shortage of energy, as he instructed us to have a prophet, but peace be upon him .

03/12/2025

Runtii Waa muqaal ka tur jumaya muunada ama, murayada dal nimo hal kani Waa madax tooyada dal keena Villa Somalia , oo ay kusoo qul qulayaan safarado badan oo dhibanaya aqoon sigooda dalnimo

Dalkeena somalia oo kasoo kabanaya nidamkii dawlad la'aanta, maanta dalku wuxuu cagta saaray dhabihii dawlad nimo 34-sano kadib 🇸🇴

08/11/2025

Dood furan oo waqtigeedii joogta!
Dalku waa hoddan, dadkiisuna waa faqri!

Weedhaas waa mid xeel dheer oo micne culus leh — waxay tilmaamaysaa in dhibka ugu weyn ee bulshada aanu ahayn hantida ama agabka la’aanta, balse uu yahay hoggaan iyo fikir xumo.

02/11/2025

Soomaali waa dad leh aqoon, hibo, iyo maskax furfuran. Laakiin waxa inaga maqan hal shay oo keliya — isku duubni iyo hoggaan daacad ah. Qabiil, xasad, iyo dano shakhsi ah ayaa naga dhigay dad aan isu hiillin, midba midka kale ka shakisan.

Dunida kale waxay horumar ku gaartay is-aaminaad, nidaam, iyo xushmad ay isku hayaan muwaadiniintoodu. Annaga, halkii aynu nidaam dhisi lahayn, waxa aynu dhisnay kala qaybsanaan; halkii aynu isu garab taagi lahayn, waxa aynu isu jiidnay hoos.

Waa run hadalkaas — xaaladda guud ee dalka Soomaaliya runtii waa mid u baahan in si dhab ah loo falanqeeyo oo jawaabo dhab ah laga bixiyo.?

Abdiaziz Gadari 👍

Allahayow denbi-dhaaf iyo naxariistaada ayaan ku waydiisanay, allahayow cabsidaada qalbiyadayada kusoo dun oo dunnidu in...
21/08/2025

Allahayow denbi-dhaaf iyo naxariistaada ayaan ku waydiisanay, allahayow cabsidaada qalbiyadayada kusoo dun oo dunnidu inay maalmo tahay inbadanoo anaga ah xasuusi kuwaasoo is ilowsan.

Naftu meel ay jirtaa dhawaa kuwa badan oo isku kalsoon dunnidana ugu nool sida inay weligood noolanayaan allahayow xasuusi xisaabta danbaysa.

Habeen aan cabdisadaada lay horkeenin dhinac dhul ma dhigin adduunyadana habeen kuma seexane allahyow kuwaad u denbi dhaafto naga mid dhig kuwa adduunyadan ayna la sarra tagin allahayow naga yeel.

Xalay waxaan ka qayb galay madal muhiim ah oo lagu soo bandhigayay miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Waqooyi Bari Ee S...
19/08/2025

Xalay waxaan ka qayb galay madal muhiim ah oo lagu soo bandhigayay miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Waqooyi Bari Ee Somalia . Kulankani wuxuu ahaa mid si gaar ah loogu talagalay talo-bixinta iyo ka qaybgalka muwaadiniinta si loo hubiyo in miisaaniyaddu ku salaysnaato baahida dhabta ah ee bulshada.

Intii uu socday kulanku, waxaanu xoogga sarnay ,
Mudnaanta adeegyada aasaasiga ah sida Amniga ,caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, si loo yareeyo musuqmaasuqa loona kordhiyo kalsoonida shacabka.

Horumarinta dhalinyarada iyo shaqo-abuurka, si loo xalliyo caqabadaha shaqo la’aanta.

In miisaaniyaddu noqoto mid wax ka taraysa shaqo-abuurka dhalinyarada iyo horumarinta bulshada.

Congratulation Congratulation Bro Axmed Siciid Cali inaad maanta kamid noqoto ardayda difaacatay buuga Ee Jamacada  Goll...
13/08/2025

Congratulation Congratulation Bro Axmed Siciid Cali inaad maanta kamid noqoto ardayda difaacatay buuga Ee Jamacada Gollis University LasAnod Ee gaar ahaan kuliyada (ICT).

Taariikh Nololeedkii Aabe Aadam Cabdillaahi Yuusuf (Dr. Cigaal AUN)Aadam Cabdillaahi Yuusuf, oo loo yaqaanay Dr. Cigaal,...
09/06/2025

Taariikh Nololeedkii Aabe Aadam Cabdillaahi Yuusuf
(Dr. Cigaal AUN)

Aadam Cabdillaahi Yuusuf, oo loo yaqaanay Dr. Cigaal, wuxu dhashay sannadkii 1960, xilligi xorriyadda Soomaaliya. Wuxuu ku dhashay deegaanka dooxada Oodagooye, oo ku dhow magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Magaca "Cigaal" waxa uu ugu baxay awoowgii hooyo oo loogu magac daray , halka hooyadii dhashayna la oran jiray Allaha u naxariistee Caasha Cigaal Fidhin.

Dhalinyarimadiisii iyo waxbarashadiisii h**e wuxuu ku qaatay waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Wuxuu waxbarashada ka bilaabay dugsigii lagu magacaabi jiray "Biyo Dhacay", oo ka mid ahaa dugsiyada caanka ah ee magaaladaas.

Markii uu dhammeeyay dugsiga sare, wuxuu ku biiray kulliyadda caafimaadka, halkaas oo uu ku sii xoojiyay aqoontiisa cilmiga caafimaadka. Intii uu waxbarashada ku jiray ayuu sidoo kale u wareegay dhanka ciidanka, isagoo ku biiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo waqtigaas lahaa awood ciidan oo aad u weyn.

Aabe : wuxuu ka mid noqday saraakiishii ka qayb qaatay dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray, isagoo kaalmo weyn ka geystay dhinaca caafimaadka iyo difaaca.

Ka dib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, Aabe : wuxuu dib ugu soo laabtay dhanka magaalada Laascaanood, isagoo ka mid noqday dadka aqoonyahanka ah ee ku soo laabtay deegaannadooda si ay uga qayb qaataan dib u dhiska bulshada.

Sanadkii 1996, Aabe : waxa uu shaqo ka bilaabay Cusbitaalka weyn ee Laascaanood, halkaas oo uu muddo 20 sano ah si hagar la’aan ah uga shaqaynayay, isagoo door weyn ka qaatay daryeelka caafimaadka bulshada deegaanka.

Aabe : waxaa u kamid ahaa haldoorka deeganada SSC , mar kastana wuxu ahaan jiray mid u taagnaa siduu bulshadis wax ugu qaban laha .

Sanadkii 2002, Aabe : wuxuu soo gutay waajibaadka Xajka isaga iyo hooyadiisii Allaha u naxariistee Caasha Cigaal Fidhin.

Aabe : waxa uu geeriyooday taariikhdu markay ahayd 17 November 2017. Wuxuu ifka kaga tagay saddex xaas iyo 13 carruur ah oo ay ka mid yihiin 6 wiil iyo 7 hablood.

Allaha u naxariisto Aabe Dr. Xaaji Cigaal, Ilaahay ha u denbi dhaafo, ha u nuuro qabrigiisa, jannada fardowsana haka waraabiyo. Aamiin

W/Q : Abdisalam Husni

ISU EEKAA AYAAMUHU===================Inkastoo la jaro geed haddaan xididka loo siibin, Goortuu biyaha laasimuu laamo bix...
13/04/2025

ISU EEKAA AYAAMUHU
===================

Inkastoo la jaro geed haddaan xididka loo siibin, Goortuu biyaha laasimuu laamo bixiyaaye, Lugi faras ma gaadhiyo rakuub tiirshey luquntiiye, Laacii ka baxa meel fog waa, lagu hayaamaaye, Haddii aanu kaa lumin caqligu waad i laab garane.

MAANTA NUGAALI WA SAAS ADUUN 100 SANO KADIB!!!

Waxaan salaan iyo bogaadin aan idinka so diraya Caasimada Umada Somaliyeed Ee Muqdisho.
08/02/2025

Waxaan salaan iyo bogaadin aan idinka so diraya
Caasimada Umada Somaliyeed Ee Muqdisho.

06/02/2025

Waa Barnaamij ku saabsan dagaalkii 06 - february dhacay sababihii keenay , iyo sooyaalkii maamul dhis ee dadka SSC ay soo mareen .

Wariye : Najiib A. Farah

29/01/2025

Waa muuqaal aan kaaga hadlayo dhibaa tooyinka ay dadka ajaanibinta ah ay ku hayeen Lascanod siba dadka u dhashay itoopiya , waa hilaadii 2015.

Wagaas Lascaanod waxaa faro ba'an ku hayay nimankaas "Oramada ah" oo hadeer laga soo tanxiiraayo Puntland

Dawladayda SSC-Khatumo waxan ku bogadinaya go'aanka adag ee ay kasoo saartay inaan cidi kuso gali karin guud ahaan deeganada SSC sifo sharcidaro ah , iyadoo la ilaali nayo nabad galyada iyo bad qabka muwadin ka .

Marna ha sugin in aad isbedeshid ilaa aad ka bedeshid hal wax oo ka mid ah waxyaalaha aad joogtada u samaysid (daily rou...
26/12/2024

Marna ha sugin in aad isbedeshid ilaa aad ka bedeshid hal wax oo ka mid ah waxyaalaha aad joogtada u samaysid (daily routines) ... taas macnaheedu waa haddii aad ka cabanaysid in xaalkaagu isbedeli waayay ama sida aad rabtay aad noqon wayday sirtu waa in aad dib u eegtid ficilkaaga iyo camalka aad qabatid, cidda aad la fariisatid, cuntada aad cuntid, buugta aad akhridid ...

Mustaqbalka ma ahan wax iska yimaada ee waa wax ka dhasha camalka iyo shaqada aad hadda haysid.

Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan ...

"إن الله لا يغيّر ما بقوم حتّى يغيّروا ما بأنفسهم"

Dr Mohamoud A

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdisalam Husni posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram