02/01/2023
DULMIGA LAGU HAYO BEESHA BIYOMAAL
Laga soo bilaabo dawladdii carta beesha biyomaal waxaa ku bilaabatay dulmi iyo b**b lagu waday beesha ha ahaadeen kuwa qarsoon oo qof walba dareemi karin iyo kuwa iska cad oo cid walba arkaysay.
Sida la wada ogyahay Beesha Biyomaal waa bulshada labaad ee ugu badan maamulka koonfur galbeed marka laga soo tago Beesha Digil iyo Mirifle saa soo ay tahayna xaqoodii ma ay helin ugu horrayna waxaa lagu dulmiyey golaha xildhibaanada koonfur galbeed oo ay ahayd inay saddex meel hal meel ka helaan ma dhicin wax u dhaw xataa lama siin.
Magaalo madaxdii gobolka Shabeelada hoose waxaa laga wareejiyey magaalo madaxdii “Marka” si dadka daga gobolkaas looga maamulo meel kale dad kalena aayohooda wax laga waydiiyo.
Intii uu joogay madaxweyne lafta gareen waxaa dhacday dhibaatooyinkii ugu badnaa haba ugu waynaadeen habkii doorashooyinkii xildhibaanada loo soo xulay loona afduubay masiirkii iyo taladii Beesha biyomaal iyo madaxweyne ku xigeenkii oo aan nala siin.
Intaas oo dhibaato iyo in kaloo badan waxaa noo dheerayd waxaa deegaanada beeshu ka qadeen dhammaan horumaradii ka socday maamulkaas ha ahaadeen kuwo ka yimid dhanka maamulka, kuwo ka yimid dhanka federalka ama ha ahaadeen kuwo ka yimid beesha caalamka, waxaba waan ka qadnay waxaana booskeenii galay dad kale oo aan ahayn canshuur bixiyihii saxda ahaa.
Ugu danbayn maanta waxaa taagan ceebtii ugu weynayd oo ay ahayd in laga xishoodo waxaa guddomiyaha barlamaanku magacaabay guddigii go’aamin lahaa masiirka maamulka koonfur galbeed, guddoomiye aadan madoobe kuma uusan darin xubnahaas Beesha biyomaal. Guddoomiyuhu wuxuu iska indhatiray dadkii ugu badnaa deegaanka wuxuuna duudsiyey xaqooda laakiin haddii uu isleeyahay majiro cid arkaysa oo ka hadli karta Beesha biyomaal waxay leeyihiin dad nool oo xaqooda u hadla.
Ugu danbayn madaxda qaranka, bulsho waynta soomaaliyeed, beesha caalamka iyo wixii kale oo wax garad ah waxaan tusayaa dulmigaas cad oo maalin walba kasii daraya.
Waxaan gaar ahaan baaq u dirayaa Beesha Biyomaal waxaan leeyahay xaqiina raadsada kana hadla wax idiin raadinaya majiro haddii iidnaan hadda raadsan waxaa lagaari doonaa waqti aan waxba laga qaban karin maantay dabo qabasho leedahaye u kaca xaqiiqa, sameeya wax naftiina u daran caruurtiinana u fiican, maalinta danbe waxaad arki doontaan ayadoo qabiil kale loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka koonfur galbeed.
Qrty kbtn
Hilaac Ahmed
Shabbelle and Juba Assocition-SHAJA