
14/06/2025
Habdhiska Taranka Dumarka iyo Uureyda (Obstetrics):
CASHIRKA 1AAD
Kaalinta Muruqaha ilmagaleenka Iyo Foosha..(Labour and Uterine Layers)
•••••••••••••••••••••••••••••••••••••
Muruqaha ilmagaleenku waa lakab ku yaalla ilmagaleenka. Waxa uu ka samaysan yahay murqo sisibsan, kuwaas oo kala baxa xilliga uurka iyo xilliga foosha hooyadu ku jirto. Waxayna ku sameeyaan minka kogitaan ama tuujin (uterine contraction). Murqahani waa kuwo xooggan, oo ka caawiya uurjiifka si uu banaanka ugu soo baxo marka la gaadho xilliga dhalmada.
Muruqan makaanku wuxuu leeyahay seddex lakab oo muhiim ah (3 important layers);
1. Xuubka sarre (Perimetrium):—kaas oo ku dahaaran korka sare makaanka.
2. Lakabka dhexe (Myometrium):— lakabkan oo ah kan ugu awooda badan ee muruqa adagg leh.
3. Lakabka hoose (Endometrium):—
wuxuuna ku meegaaran yahay gudaha aagga ilmagaleenka. Lakabkan waa halka uu ilmuhu ku koro ama uur-jiifku yaalo.
Dhammaan lakabyadani way isla shaqeeyaan xilliga foosha, oo waxay abuuraan kogitaan xooggan (strong contraction).
Xilliga uurka, ilmo-galeenku (minku) badanaa waa mid dabacsan, taasoo ay sabab u tahay hormoonada kala duwan ee dumarka gaar ahaan —"Progesterone hormone".
Marka la gaadho wakhtiga dhalmada waxaa isla sidoo kale la soo daayaa hormoonka kale ee dumarka kaasoo loo yaqaano —"Estrogen hormone".
Dhinaca kale waxaa jira Hormoono kale oo door muhiim ah ka ciyaara wakhtiga dhalmada, sida —Oksitosin (Oxytocin hormone) iyo —Prostaglandin hormone.
Hormoon-kan Oksitosin—kaas oo laga soo daayo maskaxda sida aan cashiro h**e kaga soo hadalay hormoonkan iyo wax qabadkiisa, waxa uu kaalin xooggan ku leeyahay ilmagaleenka, waxa uu ku sameeyaa minka inuu isku soo ururo si dhalmada u fududaato.
Waxaa sidoo kale jira dheecaanka ama kiimikada loo yaqaano Prostaglandin hormone, taasoo ka caawisa jilcinta albaabka h**e ee ilmo-galeenka (cervix-ka) si makaanku u furmo, waxayna sidoo kale kordhisaa cadaadiska iyo kogitaanka minka.
____________________________