Banadir Hospital FMOH

Banadir Hospital FMOH Banadir Hospital, founded in 1976, is a Public Referral, Teaching, and Research Hospital.

Our priority is to deliver high-quality maternal and pediatric services, ensuring the well-being of families in the community. Bogga Rasmiga ah ee Isbitaalka Hooyada Iyo Dhallaanka Banadir Hospital Federal Ministry of health

OGEYSIISIsbitaalka  Hooyada & Dhallaanka Ee Banadir Waxa uu ogeysiinayaa Bulshada Soomaaliyeed in  Dr Marian  Omar  Sala...
03/09/2025

OGEYSIIS

Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka Ee Banadir Waxa uu ogeysiinayaa Bulshada Soomaaliyeed in Dr Marian Omar Salad Oo ah dhaqtarad ka howl gasha isbitaalka Banadir kuna taqasustay dhalmada , cudurada haweenka iyo qaliimadooda Qabiirna ku ah latacaalida Uurka halista ah iyo dhalmo la’aanta in ay si toos ah ay u fadhiisan doontaa oo aad ka heli kartaan Qeybta Bukaan socodka isbitaalka Banadir

Maalmaha kala ah :

Isniin : 8:00 Am - 4:00 pm
Talaado : 8:00 Am - 4:00 pm
Arbaco :8:00 Am - 4:00 pm
Qamiis : 8:00 Am - 4:00 pm

KAFAAIDEYSI WACAN

Isbitaalka Banadir oo xalay lagu abaalmariyay doorka uu ka qaatay horumarka caafimaadka dalka sannadkaan 2025.Waxaana ab...
01/09/2025

Isbitaalka Banadir oo xalay lagu abaalmariyay doorka uu ka qaatay horumarka caafimaadka dalka sannadkaan 2025.

Waxaana abaalmarintaas bixiyay madasha Hiiliye Forum

Waxaana gudoonsiiyay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimadka Dr Mohamed Bulaale iyo prof sanater Mohamud Dufle


Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banadir Waxa uu ogeysiinayaa Bulshada Soomaaliyeed in Dr Dr Omar Sharif  Oo Ku Takhas...
31/08/2025

Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banadir Waxa uu ogeysiinayaa Bulshada Soomaaliyeed in Dr Dr Omar Sharif Oo Ku Takhasusay cudurrada hormoonnada carruurta uu Maalin Walba Oo Talaado Ah
8:00 Am - 4:00 Pm Soo Fadhiisan Doono Qaybta Bukaan Socodka Caruurta

KAFAAIDEYSI WACAN

OGEYSIISIsbitaalka  Hooyada & Dhallaanka Ee Banadir Waxa uu ogeysiinayaa Bulshada Soomaaliyeed in Dr Mustaf Cali Macalim...
31/08/2025

OGEYSIIS

Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka Ee Banadir Waxa uu ogeysiinayaa Bulshada Soomaaliyeed in Dr Mustaf Cali Macalim Oo Ku Taqasusay Kansarka Dhiigga Ku Dhaca Ee Caruurta uu Maalin Walba Oo Axad Ah 8:00 Am - 4:00 Pm Soo Fadhiisan Doono Qaybta Bukaan Socodka Caruurta

Maalin Walba Axadda 8:00 Am - 4:00 Pm

KAFAAIDEYSI WACAN

22/08/2025

Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Isbitaal Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay kulan looga hadlayay muhiimadda ay Hooyada u leedahay in ay hesho wehel xilliga ay ku jirto marxalada dhalmada.

Waxaa maanta Isbitaalka Banaadir lagu qabtay munaasab muhiim ah oo looga hadlayay hirgelinta iyo dhaqangelinta barnaamij...
21/08/2025

Waxaa maanta Isbitaalka Banaadir lagu qabtay munaasab muhiim ah oo looga hadlayay hirgelinta iyo dhaqangelinta barnaamijka Wehelka Xilliga Dhalmada, taas oo qayb ka ah daryeelka xushmada leh ee hooyada.
Waxaana ka soo qeyb galay maamulka.shaqaalaha kala duwan ee Isbitaalka Banadir iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada caafimaadka,hey’addaha taageera caafimaadka sida UNFPA,IRC,Save children,ururada Caafimaadka gaar ahaan Ururka dhaqaatiirta SMA ,ururka umulisooyinka SOMA iyo ururka dhaqaatiirta dhalmada iyo cudurada haweenka SOGA

Ujeeddada barnaamijkani waa in hooyooyinka ay helaan taageero iyo wehel xiliga ku jiraan marxaladda dhalmada, taas oo kor u qaadaysa kalsoonida iyo tayada adeegga caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Banadir ayaa sheegtay inay mudo 2 sano ka hor ay hirgeliyeen barnaamijka wehel ayna kor uqaadi doonaan
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo kaashaneysa Isbitaalka Banaadir ayaa ka go’an in la hormariyo adeeg caafimaad si xushmad iyo sharaf leh loogu adeego hooyooyinka Soomaaliyeed .

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Dr. Fartun Sharif iyo qayba kamid ah Maamulka sare isbitaalka Ayaa  booqasho ku tagay isbi...
18/08/2025

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Dr. Fartun Sharif iyo qayba kamid ah Maamulka sare isbitaalka Ayaa booqasho ku tagay isbitaalka Hodan waxaana xarunta isbitaalka ku qaabilay Maamulka sare ee isbitaalka Hodan.

Kulankan ayaa daba socday kulan shalay uu Agaasimaha Isbitaalka Hodan ku soo booqday Isbitaalka Banaadir, halkaas oo lagu xoojiyay iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada Isbitaal.

Intii kulanku socday, labada dhinac ayaa iska xog-waraystay adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan, caqabadaha horyaalla iyo fursadaha wadajir loogu horumarin karo tayada adeeg-bixinta. Waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa tababarrada shaqaalaha, is-weydaarsiga aqoonta, iyo la dagaalanka cudurrada halista ah ee bulshada saameeya.

Ugu dambeyn, wafdiga Isbitaalka Banaadir ayaa booqasho kormeer ah oo ay ku tageen qaar ka mid ah qeybaha muhiimka ah ee Isbitaalka Hodan, halkaas oo ay ku arkeen bixinta adeegyada caafimaad iyo daryeelka bukaanka.

Agaasimaha isbitaalka Banadir Dr.  Fartun Sharif Mohamed  iyo xubno kamid ah Maamulka isbitaalka ayaa kusoo dhaweeyay Is...
17/08/2025

Agaasimaha isbitaalka Banadir Dr. Fartun Sharif Mohamed iyo xubno kamid ah Maamulka isbitaalka ayaa kusoo dhaweeyay Isbitaalka Banadir ,Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha isbitaalka Hodan Dr Mohamed isxaaq iyo xubna kale oo kamid ah maamulka isbitaalka iyo dhaqaatiir leh taqasus kala duwan

Agaasimaha ayaa Wafdiga ku soo wareejisay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka ayagoo soo arkay shaqada baaxadda leh ee ka socota gudaha isbitaalka .

Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa ku amaanay shaqaalaha sida heeganka leh oo ay ugu jiraan u adeegida bukaanada Soomaaliyeed

Ugu danbeyn maamulka Isbitaalka Banaadir ayaa wada dadaal sidii loo hormarin lahaa adeega Hooyada iyo dhalaanka iyaga oo kala hadlay maamulka Isbitaalka Hodan sidii loo abuuri lahaa iskaashi wada shaqeyn oo dhexmara labada Isbitaal.


Maamulka sare ee isbitaalka Banadir ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay isbitaalka wafdi balaaran oo ka socday Hay’adda Dhaqa...
06/08/2025

Maamulka sare ee isbitaalka Banadir ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay isbitaalka wafdi balaaran oo ka socday Hay’adda Dhaqaatiirta Aan Xaduuda Lahayn ee MSF

Agaasimaha Isbitaalka Banadir Dr Fartun Sharif Mohamed ayaa si weyn uga warbixisay adeegyada baaxadda leh ee Isbitaalka ka socday waxayna wafdiga socod dheer kusoo mareen qaybaha kala duwan ee isbitaalka.

ugu dambeyn maamulka isbitaalka ayaa ugu mahadceliyay booqashada ay hey’adda MSF ku yimaadeen isbitaalka maadaama MSF ay ka mid tahay hey’addaha caalami ah ee ka shaqeeya horumarinta adeegayada caafimaad.



Maamulka Isbitaalka Banadir wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dr. Abdiwali Ahmed Hirey (Dr. Hirey), oo ka mid ah dha...
01/08/2025

Maamulka Isbitaalka Banadir wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dr. Abdiwali Ahmed Hirey (Dr. Hirey), oo ka mid ah dhakhaatiirta ka howlgala Isbitaalka Banadi oo si rasmi ah loogu doortay Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Dhexe ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA).

Doorashadan waxay caddeyneysaa kalsoonida iyo ixtiraamka ay bulshada caafimaadku u hayso dadaalkiisa iyo hoggaaminteeda. Waxaan u rajeynaynaa Dr. Hirey guul iyo horumar joogto ah .


Munaasabadda gabagabada maalmaha xoriyada ayaa ka dhacday Isbitaalka Banadir Munaasabada oo ay ka soo qeybgaleen maamulk...
03/07/2025

Munaasabadda gabagabada maalmaha xoriyada ayaa ka dhacday Isbitaalka Banadir

Munaasabada oo ay ka soo qeybgaleen maamulka,shaqaalaha Isbitaalka qeybihiisa kala duwan iyo marti sharaf kale ayaa aad diirada loogu saaray muhiimada ay leedahay maalmaha qiimaha badan ee 1 luulyo israacii labada gobal ee waqooyi iyo koonfur.

Waxaana bahda caafimaadka lagu dhiiregiliyay inay ilaashadaan midnimada umadda Soomaaliyeed

30/06/2025

Muuqaal Munaasabadda mahadcelin iyo duco ee loo sameeyay Dr. Amina Sheikh Hassan Hussein agaasime ku xigeenkii mudadii 5ta sano aheed 2020-2025

Address

Wadajir
Mogadishu
00100

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Banadir Hospital FMOH posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Banadir Hospital FMOH:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram