Abdillaahi Ahmed Omar Dhuhul

Abdillaahi Ahmed Omar Dhuhul Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdillaahi Ahmed Omar Dhuhul, Medical and health, Mogadisho.

Imaamka Masjid Al-Xaram, Shaykh Abdur Rahman Al Sudeysi  ayaa soo jeediyay qaacido aad u wanaagsan oo aad kaga faaideysa...
31/03/2024

Imaamka Masjid Al-Xaram, Shaykh Abdur Rahman Al Sudeysi ayaa soo jeediyay qaacido aad u wanaagsan oo aad kaga faaideysan karta tobanka dambe ee Ramadaan maadama ay ku jirta leylatul qadriga

1. Ku deeq hal dollar (ama ka badan) habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar la eg 84 sano oo sadaqa ama Kun bilood! adiga oo sadaqeysayay.

2. Tuko laba rakcadood Ama ka badan oo sunno ah habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad laba rakcadood oo sunno ah habeen kasta tukato ilaa 84 sano.

3. Akhri suuradda Ikhlaas habeen kasta saddex jeer, haddii ay habeenka ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad dhameysay Qurโ€™aan ka karimka maalin kasta 84 sano.

Waxa kale oo uu yidhi dadka ku faafi hadalladan, kuwii hadalkaaga dhegaysan doona ee camal fala, idinkuna waxaad heli doontaan ajar la mid ah camalkooda, inshaa allaah. Maxaa yeelay Rasuulku (scw) wuxuu yidhi: โ€œQofkii hanuuniyo camal wanaagsan wuxuu helayaa ajar la mid ah kan camal fala, laakiin wax laโ€™aani maayo ajarkiisaโ€. (Muslim, 2674)

Alle ha ina waafajiyo dhammaan camalka aan qabanno.
Aamiin.๐Ÿฅ€๐Ÿคฒโค๏ธ

28/03/2024

Wiil dhalinyaro ah oo isbitaal ku jira ayey asxaabtiisa booqasho ugu tageen.

wiilka bukaanka ah wuxuu ku jiray xaalad adag mana eheen mid hadli kara.
Dhalinyaradii booqashada ugu tagay waxey dhinacyada ka fadhiisteen bukaankii oo sariirta saaran, bukaankii ayaa warqad agtiisa tiilay inta soo qabsaday ku qoray qoraal wuxuuna u dhiibay mid asxaabtiisa. Saaxiibkii isna warqada ma aqrine jeebka ayuu horay usii gashtay.

Daqiiqado yar kadib waxaa dhintay yarkii xanuunsanaa, saaxiibkii warqada loo dhiibay ayaa warqadii jeebka kasoo bixiyay si uu u ogaado waxa warqada ku qoran iyo in saaxiibkiis uu dardaaran u qoray.

Warqada waxaa ku qornaa sidatan:
"Sxb ka dhaqaaq meesha, waxaad ku taagantahy tubada oxygenka ma neefsa karo waxaan ku dhawahay in aan dhinto ๐Ÿ˜ญ๐Ÿ’”.

Dulucda sheekada:
Waligaa dib ha udhigin qoraal uu qof kuusoo qoray ama wicitaanada taleefanka sababtoo ah waqtigaas la taaganyahy in jawaabtaada muhiim tahay ayaa laga yaabaa.๐ŸคŒ๐Ÿ™๐Ÿ’ฏ๐Ÿฅบ๐Ÿ’”

Sawirkan ayaa ka dhacay mid ka mid ah kuliyadaha Jaamacadda Cadan*- Ardaydu waxay go'aansadeen in ay si daacadnimo ah ug...
28/03/2024

Sawirkan ayaa ka dhacay mid ka mid ah kuliyadaha Jaamacadda Cadan

*- Ardaydu waxay go'aansadeen in ay si daacadnimo ah ugu sharfeen ilaaliyaha kuliyada, qorshahaasina wuxuu ahaa mid aan aqoon u lahayn, kumay dhicin in maalin uun uu masraxa soo fuulo, laguna sharfo guddoomiyaha jaamacadda, Hormuudkii kulliyadda, hoolka oo dhan ayaa u sacab tumay.

Intuu la yaabay markii uu maqlay magaciisa, waxa ay ka codsadeen in uu kor u kaco, markii uu ka soo kacay masraxa, ayaa waxaa ilmo ka soo qubtay farxad uu ku farxay xaaladdan aanu waligii ku riyoon.

Waad ku mahadsan tahay qof kasta oo farxad geliyey shaqadan fudud, qalbigiisana u qaboojiyey, qalbigiisana farxad gelisey

-Bini'aadantinimadu Waa muHiim ๐Ÿซ‚

Alle kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday gaalada iyo waxay caabudeen inuu naarta ku shidi qiyaamada wuxuuna yiri:โ€Idinka iy...
27/03/2024

Alle kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday gaalada iyo waxay caabudeen inuu naarta ku shidi qiyaamada wuxuuna yiri:
โ€Idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo haray waxaydin noqon shidaalka Jahannamo idinkuna waad ku arooreysaan.โ€

Gaalnimadu waa dambiga ugu weyn Alle laga galo.

Cabdullaahi bin mascuud Allaha ka raali noqdee wuxuu weydiiyey dambigee ugu weyn?

Markaasuu yiri Rasuulka naxriis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yelee: Inaad Alle u shariig yeesho isagoo keligii ku uumay.

Marar badan isagoo qofku aan ujeedin inuu Eebbe ku gaaloobo, ayey dhacddaa inuu Alle ku gaaloobo tusaale:
hadduu qofka jeclaado adduun, xoolo iyo caruur iskana halmaamo Alle iyo diintiisa iyo nabigiisa.

Anas Allaha ka raali noqdee wuxuu ka weriyay Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee inuu yiri:

โ€ Saddex sifood qofkii laga helo wuxuu dareemaa macaanka iimaanka;

1. Inuu cid walba ka jeclaado Eebe iyo Rasuulkisa.

2. Inuu qofkuu jeclaaanayo Alle oo keliya dartii u jeclaado.

3. Inuu naco inuu gaaloobo ka dib markii Alle ka badbaadiyey gaalnimo siduu u neceb yahay oo kale in naarta lagu tuuro.

22/03/2024

Marka ay xaaladuhu innagu adkaadaan waxay aynu ilaawaynaa in ay noloshani imtixaan tahay. Sido kale waxa aynu ilaawaynaa aayadii ahayd :

ู‚ูŽุงู„ูŽ ุชูŽุนูŽุงู„ู‰ : ( ูˆูŽุชูู„ูƒูŽ ุงู’ู„ุฃูŽูŠู‘ูŽุงู…ูŽ ู†ูŽุฏูŽุงูˆูู„ูู‡ูŽุง ุจูŽูŠู’ู†ูŽ ุงู„ู†ู‘ูŽุงุณู’ ) [ูกูคู ] ุงู„ ุนู…ุฑุงู†

'' Maalmaha waxa aanu ukala badaleynaa dadka ''. โœ

Maalin adiga ayaa leh, maalinna qof kale ayaa leh, mar adiga ayaa guuleysanaayo, marna qof kale aya kaa guulaysanaayo, mar adiga aya faraxsan marna qof kale aya faraxsan oo adiga aya murugaysan, ๐Ÿ’ฏ๐Ÿ–ค๐ŸŒฟโœจ๐Ÿ™‚

Addunyadan ayaana sidaas ku dhisanba..!

21/03/2024

ูคูก - ุนูŽู†ู’ ุฃูŽุจููŠ ู‡ูุฑูŽูŠู’ุฑูŽุฉูŽ ุงู„ู„ู‡ู ุŒ ุฃูŽู†ู‘ูŽ ุฑูŽุณููˆู’ู„ูŽ ุงู„ู„ู‡ -- ู‚ูŽุงู„ูŽ : (( ุฃูŽุชูŽุฏู’ุฑููˆู†ูŽ ู…ูŽุง ุงู„ู’ุบููŠู’ุจูŽุฉู ุŸ )) ู‚ูŽุงู„ููˆุง : ุงู„ู„ู‡ู ูˆูŽุฑูŽุณููˆู„ูู‡ู ุฃูŽุนู’ู„ูŽู…ู ุŒ ู‚ูŽุงู„ูŽ: (( ุฐููƒู’ุฑููƒูŽ ุฃูŽุฎูŽุงูƒูŽ ุจูู…ูŽุง ูŠูŽูƒู’ุฑูŽู‡ู )) ุŒ ู‚ููŠู„ูŽ : ุฃูŽููŽุฑูŽุฃูŽูŠู’ุชูŽ ุฅูู†ู’ ูƒูŽุงู†ูŽ ูููŠ ุฃูŽุฎููŠ ู…ูŽุง ุฃูŽู‚ููˆู’ู„ูุŸ ู‚ูŽุงู„ูŽ: (( ุฅูู†ู’ ูƒูŽุงู†ูŽ ูููŠู’ู‡ู ู…ูŽุง ุชูŽู‚ููˆู’ู„ู ููŽู‚ูŽุฏู’ ุงุบู’ุชูŽุจู’ุชูŽู‡ู ุŒ ูˆูŽุฅูู†ู’ ู„ูŽู…ู’ ูŠูŽูƒูู†ู’ ูููŠู’ู‡ู ููŽู‚ูŽุฏู’ ุจูŽู‡ูŽุชูŽู‡ู )) . ู…ุณู„ู….

Abu Hureyra Allah haka raali noqdee waxa laga soo weriyay in Nebigu S.C.W weydiyey asxabtiisa .

Ma garaneysaan macnaha xanta ??
Waxay ku jawaabeen Alle iyo Rasuulkiisa naga sii yaqaan .

Wuxu nabiga S.C.W yiri waa walaalkaa oo aad ku sheegto wax uusan Raali ka ahayn

Nin ka mid ah raggii Goob jooga aya baa weeydiyay :

Ma xitaa hadii aa ku sheego wax jira uu sida aan ku sheegaayo yahay.??

Nabiga S.C.W wuxu yiri; hadii ceebaha aad ku sheegaysid eey jiraaan oo uu leyahey, markaa wad xamatay ,

Hadii aad ku sheegtay wax aan jirin oo uusan aheyn waxa ledhahay markaa waad masabbiday .

W/Q Abdillaahi Ahmed Omar Dhuhul

17/03/2024

8 Shay Oo Ay Tahay Hooyada Uurka Leh Inay Ka Taxadarto

gabadha uurka lehHab-nololeedka bulshada somaliyeed waxa weeye mid ku salaysan ad-adeeg taaso salka ku haysa dabeecada iyo degaanka ay ku nool yihin oo ku gedamanyihin caqabado iyo dhibatoyin fara badan, hooyada somaliyeedna waxba k**a duwana bulshadaa.

waxay ahayd iyadoo foola mid gudata wajibaadkeeda shaqo ee gurigaa waxay ahayd mid iyadu umula jixijix muujin iskuna qabata hawl kastoo lasoo gudbonata hadda oo aynu joogno qarnigee 21aad wax aadi isk**ay badalin dhibaatoyinka baxada leh ee lasoo darsi jirey hooyada somaliyeed gaar ahaan xaladay ugu nugushahay ugana baahi badantahay daryeel dheeriya ee uurka iyo umusha.

waxaynu maqalaa hooyo ilmuhu ka qubtay, mid uu ka dhicisobay, mid ku dhashay xaalad cafimaad oo liidata dhamaan xaladahani waxay ka dhasheen daruufta iyo daryeel laโ€™aanta lasoo darsa hooyada xiligay uurka leedahay.
wa kuwan 8 qodob oo ah hooyadu inay ka taxadarto xiligey uurka leedahay.

1.Cunto aan isu dheeli tirneen:- hooyadu xiliga ay uurka ledahay waxa laga marmaana inay quudato cunto isu dheeli tirin markan waxay quudineysa nafteeda oo qudha ma aha ee wa laba nafood kobaca jidheed ee ilmaha wey ka qayb qadanaysaa cuntada isu dheeli tirani.

2.Taagnida fara badan:- waqtigu ay gabadhu uurka ledahay uma ficna taagnida badan waxa ka dhalan kara barar kaga yimada xaga adimada.

3.Duugista khaldan:- wa dhaqan xun oo so jireen ah kaaso qofaan khibrad u lahyn uduugo qofka kale bulshadeena , uma fiicna gabadha uurka in la duuga waxa ka iman kara cadaadia makaanka ku yimada iyo fool xiligeeda kaso roreysaa.

4.jimicsiga xad dhaafka:- talaba kasta oo hoyadu qado waxa muhiima iney ka fakarto samayntu ku yelanayo uurjiifkeeda jimicsiga saaidkaa ee gaadhsisan 160 garac halkii daqiqadba ee garaca wadnahu waxa keeneysaa ogsijeenta oo ka yaraata taso samayn weyn maskaxdiisa ku yelanaysa.

5. is uuminta iyo qubayska biyaha kulul:- cilmi baadhisyo la sameyey waxay shegeen kuleylka inuu usababi karo ilmaha yar khalkhal neerfayashisa taasu uu aayi doona noloshiisa.

6. sigaar cabista:- sigaar cabisto waxay keeni kartaa fawsha oo xiligeeda kasoo hormarta,ogsijiinta uu ku yarata taaso wiiqaysa samaysanka habdhisyadiisa,misaanka ilmaha oo yaraada , qaangaadhis degdega oo mustaqbalka ilmaha ku dhacda gaar ahaan hablaha ,waxaynay kordhisaa khatarta ilmuhu darooga cab noqon doono mustaqbal
inkastoo hoyooyinka somaliyeed cadadan ku badneyn hadan waa sigaar cabayaasha aan firfirconeen madama ay ku noolyihin guryo abayashu cabaan iyo bulsho inteeda badan sigaarka cabto.

7.warwarka iyo daalka badan:- warwarka iyo walbahaarku wa bilawga xalado caafimaad daro oo fara badan oo ku yimada hooyada iyo ilmaha Waxay usababi kartaaa cabsi ku noolado markuu dhasho.

8.falaadha khatarta:- falaadhaha khatarta sida x-ray waxay ukeneen ilmaha is dhalan rog ku yimada jinaadka ilmaha iyo khalkhal hida sidayaashiisa iyo ilmaha oo dhicisoba.

Haweeneey Ayaa Weeydiisay Sheekh Caalim Ah: โ€œMaxaan Ku Sameeyaa Caruurteeyda Si Aan Salaad Subax Ugu Kiciyo Weey Ku Adag...
11/03/2024

Haweeneey Ayaa Weeydiisay Sheekh Caalim Ah: โ€œMaxaan Ku Sameeyaa Caruurteeyda Si Aan Salaad Subax Ugu Kiciyo Weey Ku Adag Tahay Ineey Toosaan Hurdadooda Oo Aad U Culus Darteed?
Sheekhi Ayaa Yiri: โ€œMaxaad Sameeyn Laheeyd Haddii Guriga Dab Qabsado Iyagoo Hurdaya?โ€
Haweenaydia: โ€œWaan Ka Kicin Lahaaโ€
Sheekhii: โ€œLaakiin Haddii Hurdadoodu Aay Culus Tahay Kawaran?โ€
Haweenaydi: โ€œWalaahi Waan Toosin Lahaa Ama Gacanta Intaan Kasoo Qabto Ayaan Soo Jiidi Lahaa Si Aan U Badbaadiyo!โ€
Sheekhii Ayaa Ka Dib Yiri: โ€œHaddii Tani Aay Tahay Waxa Aad Sameeyn Laheeyd Si Aad Uga Badbaadiso Dabka Dunida, Ku Dadaal Oo Sameey, Sidi Aad Uga Badbaadin Lahayd Naarta Aakhiro.!โ€
Alle SWT Wuxuu Quraanka Kariimka Ku Yiri, Kuwa Xaqa Rumeeyoow Ka Dhoowra Naftiina Iyo Ehelkiinna Naar Lagu Shido Dad Iyo Dhagax Aay Kana (Shaqeeyaan) Malaaโ€™ig Adag Oo Daran Oon Eebe Ku Caasiyeyn Wuxuu Faro, Falana Iyo Wixii La Amro.

Alle SWT Hanagu Daro Kuwa Naarta Laga Xoreeyo. Allaha Nawada Hanuuniyo Dhamaan.

SOONQAAD WANAAGSAN SAAXIBAAAL

Abu Dajaan iyo Geedkii Timirta. Nabiga ๏ทบ ayaa wuxuu arkay saxaabigii abu dajaan  oo salaada subax kadib dhakhso masaajid...
26/02/2024

Abu Dajaan iyo Geedkii Timirta.

Nabiga ๏ทบ ayaa wuxuu arkay saxaabigii abu dajaan oo salaada subax kadib dhakhso masaajidka uga baxaya isaga oo aan sugayn adkaar iyo ducaba. Maalin ayuu nabigu ๏ทบ u yeedhay abu dajaan waxa uuna ku yidhi โ€œYaa abu dajaan miyaanaad baahi u qabin i aad allah wax waydiisatoโ€. Haa rasuul allow ma anigaaba daqiiqad qudha ka maarmi kara baryada ilaahay!. Ayuu ku jawaabay dajaan. Nabiga ayaa markale waydiiyey maxaad usugi wayday marka salaada laga baxo xuska allah iyo baryadiisa. Abu dajaan ayaa yidhi โ€œwaxaa daris ila ah nin yuhuudi ah. Waxaa gurigiisa ka baxa geed timir ah oo laamihiisa iyo qalaylka timirta xanbaarsan ay gurigayga soo galaan. Habeenkii ayey dabayshu timirta kasoo ruxdaa oo gurigayga ayey kusoo daadisaa. Waxaan u degdegaa in aan aruuriyo timirtaas oo aan gurigiisa ugu daadiyo inta aanay caruurtaydu soo toosin oo aanay cunin timirtaas.

Rasuulki allow ilaahay ayaan ku dhaartay ee waxaa dhacday in wiil aan dhalay uu maalin xabad timir ah uu afka gashday. Inta aan afkiisa kala furay ayaan farta ka gashay waxa aan kasoo celiyey timirtii inta uuna liqin. Markii uu ooyayna waxaan ku idhi waar miyaanad ka xishooneyn in ilaahay hortiisa aan istaago aniga oo tuug ah oo uu ilmahaygu timir islaameed cunay??

Abubakar RC markii uu maqlay hadalkii abu dajaan ayuu u tagay ninkii yuhuudiga ahaa waxa uuna ka iibsaday geedkii timirta ahaa isaga oo u hibeeyey abu dajaan iyo caruurtiisii. Ninkii yahuudiga ahaa Markii uu ogaaday sheekadii abu dajaan waa uu soo islaamay isaga iyo caruurtiisiiba.

Dadkii h**e ee wanaagsana sidaas ayey iskaga ilaalin jireen xoolaha dadka kale.

Innaga xaalkeenu waa sidee??

Abdillaahi Ahmed Omar Dhuhul

Ma ogtahay?In habeenka ugu h**eysa e aduunka laga kaxeeyo ee qabriga lagu hoyo inuu rabigaa ku abuurtay kula hadlayo int...
24/02/2024

Ma ogtahay?

In habeenka ugu h**eysa e aduunka laga kaxeeyo ee qabriga lagu hoyo inuu rabigaa ku abuurtay kula hadlayo intan lagu xisaabin kahor!

ูŠู‚ูˆู„ ู„ูƒ ุงู„ูˆุงุญุฏ ุงู„ู‚ู‡ุงุฑ: ุนุจุฏูŠ ุฑุฌุนูˆุง ูˆุชุฑูƒูˆูƒ ุŒูˆููŠ ุงู„ุชุฑุงุจ ุฏูู†ูˆูƒุŒูˆู„ูˆ ุถู„ูˆ ู…ุนูƒ ู…ุง ู†ูุนูˆูƒ ุŒูˆู„ู… ูŠุจู‚ู‰ ู„ูƒ ุงู„ุง ุงู†ุง โ˜๏ธ ูˆุงู†ุง ุงู„ุญูŠ ุงู„ุฏูŠ ู„ุง ูŠู…ูˆุช

Wuxu ku oranaya ilaaha keliga ah ee qaadirka ah:

Adoonkeygiyow:way yimaden way kaa tageen,carrada hostedana way kugu duugeen,xita haday kula joogi lahayen waxba kuumay tareen,kumana harin o kulama joogo ilaa aniga mooye aniguna waxan ahay noole an weligis dhimanen.

Ciirsi maleh , cid aad dhib ushegata majirto,hooyo kula murugonaysa ma jogto, cid ku maqlaysa majirto an rabiga ahayn ,acmashada aya ku badbadin karta kuna ciqabi karta!

Waa adiga ,naftada iyo rabigaa!

Ma is waydisay mase is xisaabisay maxa kaga h**eya?

Nabiga ๏ทบ Wuxuu aad iyo aad u jeclaa in camalkiisa la koryeelo (la sara yeelo) isagoo ah qof Sooman, sidaas darteed ayuu ...
24/02/2024

Nabiga ๏ทบ Wuxuu aad iyo aad u jeclaa in camalkiisa la koryeelo (la sara yeelo) isagoo ah qof Sooman, sidaas darteed ayuu aad u badin jiray Soonka bishan Shacbaan, sida ku sugan axaadiithta Sunanka ma jirin bil ka soon badan Nabiga ๏ทบ bisha Shacbaan marka laga soo tago Ramadaan, markii Nabiga saxaabada ay waydiiyeen sababta wuxuu dhihi jiray: "bishaan shacbaan ilaahay acmaasha la samaynayay sanadkan ayaa loo bandhigayaa, marka anigana waxaa jeclahay anigoo sooman in camalkayga ilaahay loo bandhigo".

Rabiyoow nawaafaji Khyrka iyo Soonka Bishaan. Ilaahayow bisha Shacbaan inoo barakee Ramadaanna nabad iyo caafimaad nagu gaarsii... Aamiin.

Address

Mogadisho

Telephone

+252612995553

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdillaahi Ahmed Omar Dhuhul posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Abdillaahi Ahmed Omar Dhuhul:

Share