Shinireads

Shinireads Publishing Platform

Dermo-plus waxaad badanaa ka heli kartaa 3faaido mid un
1.goobta ugu fiican ee aad ka keli kartid daaweynta cudurada kudhaca maqaarka,cidiyaha iyo timaha
2.xogaha iyo cudurada ku dhaca maqaar oo afsomali laguugu soo turjumay
3.in aad ka hesho skin care and personal care kita

28/12/2024

Faallo Kooban: Saameynta Maskaxeed iyo Nafeed ee Niyad-Jabka iyo Guul-Darrada
Niyad-jabku waa xaalad caafimaad oo ka dhalata dareemida murugo, niyad-xumo, iyo daciifnimo muddo dheer. Saameynta maskaxeed ee niyad-jabku waxay ku timaadaa burbur ku yimaada awoodda maskaxda, iyadoo qofka uu la kulmo fikirro aan wanaagsaneyn iyo awood la'aan. Dhanka kale, saameynta nefeed ee niyad-jabku waxay ka muuqataa isbeddelada dheef-shiid kiimikaadka jirka, taas oo sababi karta dhibaatooyin caafimaad sida dhibaatooyinka wadnaha iyo xasiloonida guud ee jirka. Niyad-jabku wuxuu qofka ka dhigaa mid dareemaya welwel joogto ah, murugo, iyo niyad-xumo, taasoo carqaladaynaysa hawlaha maalinlaha ah iyo xiriirka bulshada.
Guul-darrada waxay noqon kartaa mid saameyn xoog leh ku yeelata xaaladda maskaxeed iyo tan nafeed. Marka qofku la kulmo guul-darro ama guul-darrooyinka joogtada ah, waxaa dhici karta inuu waayo kalsoonidiisa, isla markaana uu ka shakinayo awooddiisa. Saameyntan maskaxeed waxay sidoo kale sababi kartaa is-hoosaysiin, waxaana laga yaabaa inay dhibaato ku yeelato xiriirka bulshada iyo shaqada. Marka qofku ka baqo guul-darrada, waxaa suuragal ah in uu muujiyo calaamadaha niyad-jabka, taasoo keeni karta dhaawac caafimaad oo dheeraad ah.
Fahamka saameynta maskaxeed iyo nafeed ee niyad-jabka iyo guul-darrada ayaa muhiim u ah in la fahmo sida xaaladani ay u saameyn karto qofka. Daaweynta niyad-jabka iyo guul-darrada waxay u baahan tahay taageero isku dhafan oo ka timaadda dhinacyada caafimaadka maskaxda iyo jirka, si loo dhiso kalsooni, fikirro togan, iyo dib u soo kabashada. Tani waxay gacan ka geysaneysaa in qofka uu ka adkaado caqabadaha, isla markaana uu dib u helo awooddiisa iyo rajooyinka nolosha.
'xaaladaas aan kor ku xusanay waxaa nalool qof kastaa oo soomalia ah"

Waa kuwaas kuwa maalin waliba ay ku Dul-Hardamaan “MURUQ MAALKA NAART” ninka kuwaas sidaas ka dhigay ee haddana sii bara...
27/12/2024

Waa kuwaas kuwa maalin waliba ay ku Dul-Hardamaan “MURUQ MAALKA NAART” ninka kuwaas sidaas ka dhigay ee haddana sii bara kiciyay wixii dunida u soo dhiib tayna Daaro Dibadaha oga dhistay kadibna ubadkiisii rartay oo geeyay dal dadkii lahaa ay barwaaqo ka dhigeen ayaa 24 saac “jaakeed xiran oo mansab ku faano (si xun u dhinta idam alle”

26/12/2024

Somalida-waa “Agoonmihii QAABIIL” & HABIIL ee Dakanada kala galay ! Mana kala Hari doonaan!

7 Qodob oo ay isga eg-Yihiin’cantalyaag,qulunbaa ama Qalowlaha iyo Siyaasiga Somaliga ah 1. Raq jooga xayawaan kaas bada...
25/12/2024

7 Qodob oo ay isga eg-Yihiin’cantalyaag,qulunbaa ama Qalowlaha iyo Siyaasiga Somaliga ah
1. Raq jooga xayawaan kaas badanaa waxaa la arkaa marka meeshu Raq taal (calaf iyo wax lacuno)
2.si xun dheef u raadinta ( ilquud wax u eg tuugsi)
3.Labiska xayawaan kaan wuxuu caan ku yahay jaakeedka madow Garabaatiga cas/Gaduudan iyo shaatiga cad!
3. Anashax xumada xantal- yaaga oo waxaa la argaa Dumar harag xoolo ee la Qurmiyay -dheef in uu ka helo u dul gaan kadibna ay u tuuraan dhogorta qurmoon ee haraga laga murxiyay!
4. Dheef la cararka (dhuumashada) badanaa noolahaan marka cad yar oo calaq ah ama laf loo’tuuro waxaad arki doontaa kii oo cagaha wax ka dayay!
5. Wax yar ku qanaca! Noolahaas siduu u dhar qurxoon yahay uma qab weyno oo wuxuu kala lamid ah siyaasiga Somaliga ah
6.goor xun socotka qofka heybada leh ma tago meesha xoolaha lagu qalay ama uu muraadka ka jiro ilaa uu helo casuumad iyo raqda oo dhiigo yaal! Lkn noolahaan marka neefka Birta lamiro iyo imaashi hiisu waa isku mid! Anagana waan ognahay noolasha siyaasiga somaliga iyo meel “ carab qoys yaalo)
7.Dul wareega reerha iyo Daris ku meeraysiga badanaa noolahaan kuma sug naado Hal meel kumana sugo wixii rabi u Qorey taas waxaa lamid ah siyaasiga soomaaliga ah ee aan la’ heyn mow-Qif iyo sugnaasho qof nimo
ADIGANA WAX KU DAR FAALO FURAN

25/12/2024

Noolaha wuxuu jeclaado uuse waayo ugu damben wuxuu ka dhigtaa Cadowka 1baad-

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard!Ayaanle Coorof, Abdifitah Mohamed Noor
25/12/2024

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard!

Ayaanle Coorof, Abdifitah Mohamed Noor

23/12/2024

Wadama-da yurub dhamaadka dubs (end week) sabti & axad waxaa laga dhelaa kubada cagta si ay dadka oga helaan mada-daalo anagana xabadu iyo Khilaafaadka sidaas ayay noola mid tahay !
Dollow dhib k**a jiro!!

My third book  2025 “coming soon “Kuwo cawaanta ah ee dalka iyo dadka  Dubaha la dul jooga aan idin soo can banaa-naano
22/12/2024

My third book 2025 “coming soon “
Kuwo cawaanta ah ee dalka iyo dadka Dubaha la dul jooga aan idin soo can banaa-naano

“Qeybta 5aad ee sheekada "Muqmaalka Naarta"            “CULIMA-LAMOODKA”Qeybtaan waxay xoogga saari doontaa Saameynta Bu...
21/12/2024

“Qeybta 5aad ee sheekada "Muqmaalka Naarta"
“CULIMA-LAMOODKA”
Qeybtaan waxay xoogga saari doontaa Saameynta Bulshada iyo culimaduba ku yeelan karto is badalka ay had iyo goor ku sameeyaan go'aamadooda, iyaga’oo dadka si joogto ah ugu toosinaya ama ugu fadwooda-fikradaha Diimeed ee waqti ka waqti ay baladaan Waxaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa xaaladda qaar ka mid ah wadaaddada Soomaaliyeed ee muddo sanado ah u sheegay dadka in aragtiyo iyo dhaqamo gaar ah ay tahay wax laga fogaado ama xitaa ay yihiin kuwo lagu-gaaloobi karo, balse ay maanta u muuqdaan inay yihiin kuwo loo ogol yahay ama lagu Dhaqmi karo . tusaalaha ugu fiican waa marka aad fiiriso saaxada siyaasada ee 17 sano ee ugu dambeysay wadaado saf-Diini ah oo waliba Dagaalmo ku jiray oo nidaamka dowladnimada ku tilmaami jiray Gaalnimo mantana wato “suut iyo Garabaati” oo bog bog u ragaya Buug-yaraha Dastuurka kaas oo ay sheegi jireen in uu yahay gaal-nimo ku dhaqankiisa iwm.
waxaa sidaas oo kale la’arkaa kuwo dhax maquurtay Arimsha Qabiilka iyo Qabyaalada taas oo aysan runta islaamka u sheegi Karin marka ehelkooda gef ama qalad galo “iska raabida xumaha iyo is farista kheyrka”. Taas oo ka reeban Aragtida islaamka , soo ceeb ma ahan in qof leh Astaan Diimeed iyo magac Culimo la arko , in uu qeyb ka yahay mashruucayda wax dumis ee dalku Maganta u ahaa 30 sano. Ee lasoo marya

Sidoo kale marka ay timaado ilaha dhaqaalaha waa musiibo kale ee hoos u dhigtay micnah sheikh iyo culimaba. Waxaan arkaa Rag badan oo dhex jibaaxa marka ay u muuqto meel uu calaf iyo hanti ay ka muuqato-taasina waxaay ka dhigtay in ay fadwa ka bixiyaan mas’alo aysan aad u baarin ,Tusaale waxaan ogaa maalmihii “forex kii iyo dhamaadkii 2019 taas muran badan kala dhex dhigtay culamadii koofurta Somalia , islama murankaas wuxuu mar kale dhex yeelaa nidaamka Deyn qaadashada Bangi Qeys-yada ka jira Somalia kuwaas oo sameystay culimo aanan fadwoon Sida ay mas’aladu diin ahaan u jirto laakiin kali ah fiiriyo Rabitaanka bangi Qoyska ! ( the bank principles) taas oo laga yaabo in ay ka hor’imaanayso argti diini ah!
Intaas waxaa dheer soo ifbixinta urruro Diimeedyo la’moodo sidii Dukaamo iyo carwooyin-la furaayo taas ood arki doontid nin shalay koox horboodayay-in uu manta kuu sheego in ay bidco yihiin,diin,laawo yaal yihiin iwm!
Tusaale 2009 ayaa magaalada kismaayo waxaa joogay mid yar oo wadaad ku sheeg ah wuxuu ka shaqeyn jiray dowlada hoose ee kismaayo ee xarakada al-shabaab- gaar ahaan wuxuu ahaa ninka u qaabilsan diwaan galinta dhismayaasha cusub ninkaas wuxuu ahaa ninkii ku qasbay bulashada in ay xitaa uu qof Ringi marin waayo gurigiisa hadii uu ka duugoobo mar kastaa wuxuu ii faanin jiray Arimaha xarakada waaba yaabkaase ninkii ayaa galabtii dambe iigu yimi mehrad aan lahaa wuxuuna ii sheegay in uu ii haayo khabar wanaagsan oo ii muhiim ah kadiba waan kulanay wuxuuna ii sheegay in uu hada islaamay markii horana wuu gaal ahaa !!! anigana uu ila rabo hanuun iyo kheyr !! waan fahmay micnaha waxaan waydiiyay hadaba (jamaacada islaamka ama Takfiir) ayaad noqotay soomahan? Wuxuu igu yiri haa ! ogow markaas inta badan jubada hoose waxaa soo qabsaday Axmed madoobe iyo kenyaan oo waxaa Meesha ka siibixi rabo maa’mulka xarakada. Markaaas ayaan ku yiri saaxib waan ku ogahay oo fulaynimo ayaad takfiir u noqotay oo waxaad rabtaa marka qolada soo socoto ay kismaayo qabsadaan in lagu dhaho waa wadaad tagfiir ah ee diin jaceelka iyo hanuun kaama ahan Anigana fulay waxba kuma darsan karo oo bari marka ay jamaacada xiriiri gasho ayaad oran doontaa waxaa ka fiican mid kale ee waxaad yeelaysaa orad oo gurigaada iska aad ma’aqaano saaxiibkey xaalkiisa hadda sida uu yahay iyo qolada uu ka tirsan yahay!
Dhamaan waxaa marqaati loo heli karaa tusaalooyinka aan kor ku xusay ee qofka diin iyo culamanimo u nasab sheegto ee waxaa sameeya soo lamid ma,ahan muruq maal naareed?

Big shout out to my new rising fans!Dhaan-bidhaanshe Janagalle Awil
21/12/2024

Big shout out to my new rising fans!

Dhaan-bidhaanshe Janagalle Awil

Address

Mogadishu

Telephone

+252615262011

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shinireads posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Shinireads:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram